Cid Aanu Is-Hayno Burcoy U Midow; Xirsow Lagaa Yeelimaayo. W/Q Maxamed Dahir Axmed

Cid Aanu Is-Hayno Burcoy U Midow; Xirsow Lagaa Yeelimaayo.

W/Q  Maxamed Dahir Axmed

Waa arrin sax ah in laga shaqeeyo walaalaynta dad isku deegan ah,marka aan ujeedo kale laga lahayn. Waxa imika cad in Xirsi  reer burco caqligooga ku ciyaarayo,marku leeyahay cid aan aniga iyo xisibigayga tartan naga dhexeeyo iska caabintiisa u midooba.

Walaalaynta iyo isku soo jiidka dadka wada daga Burco amba gobalka Togdheer waa arrin muqdas ah una baahan wakhti,maal iyo maskax hur muddo dheer qaata,Xirsina haduu  diyaar u yahay in uu muddo ka shaqeeyo si daacad ah ha uga hawlgalo hana siiyo wakhtiga ay u baahantahay oo aan sanado dhawr ah ahayn balse u baahan in uu cimrigiisa u huro,taariikhdana sidaa ku galo,ninkii wakhtigiisa iyo cimrigiisa u huray xoojinta wadajirka iyo walaalaynta dadka Togdheer ku wada nool. Balse nin Muse Bixi la yidhaa ayaanu ishaynaa oo tartan xisbiga aan ka tirsanahay ee Wadani ka dhexeeyo,nala dhiciya ma aha arrin reer Togdheer walaalaynaya,waayo ninkaa  Murashaxa i Xisbiga Waddani ee aad ka tirsantahay ayuu tartan ka dhexeeya,reer Burcana xaq distoori ah ayay u leeyihiin in ay doortaan murashaxa ay dantooda u arkaan.

Waxa aan shaki ku jirin,hadii siyaasadu maanta Xirsi ugu jiri lahayd isku dirka dadka walaalaha ee Togdheer wada dagan,in uu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli lahaa isku dirkooda. Warkaagu waxa weeyi hadaad doontaan hadhow isdilee,imika iska caabinta Murashaxa Kulmiye u midooba.

Guntii iyo gabagabadii Xirsow,mucaaradad murashax kulmiye Burco kuma midoobayso,hadii ay midaynteedu kaa dhab tahay,dariiq ka baxsan xanafta iyo xajiinta siyaasada u  mar,markaasaanu kugu taageeriye.

W/Q  Maxamed Dahir Axmed

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso