Hooyo kala Badbaadisay laba Nin oo Qudha iska jari lahaa Qalinkii Cabdifataax Xareed

“Hooyo Soomaaliyeed Oo Kala Badbaadisay Laba Nin Oo Qudha Iska Jari Lahaa” Qalinkii Cabdifataax Xareed
“Dumar Geesiyaal Ahi Somaliday Ka Dhasheen”
Akhristayaal waxaan halkan idin kula wadaagayaa qoraal yar oo kooban oo aan qalinka u qaatay inaan ka qoro dhacdo dareenkayga badashay idinkana aan rajaynayo inay dareenkiina iyo muudhkiinaba ay badali doonto oo ka dhacday magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, waxaana qoraalkani uu ka turjumayaa dhacdo xaqiiqo ah oo dhacday goob joogna aan u ahaa.
Saacadda Geeska Afrika waxay ahayd 5:20 Pm (Galabnimo) ,goobtuna waa magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ,waxaana kasoo baxay goob ganacsi oo ku taalla gudaha magaalada Hargeysa gaar ahaana agagaarka shirkadda isgaadhsiinta Telesom ee ku taala badhtamaha magaalada.
Inyar markii aan dhinaca waqooyi u dhaafay shirkadaasi Telesom oo markaasi aan goob u dhaw wax kasoo iibsanayey ayaa waxay hal mar uun indhahaygu qabteen goob lagu buuqsan yahay oo qaylo iyo sawaxan xooggan ka baxayo oo waxaan sidaa u fogayn ii jirta waj-hadaydana iiga muuqata.
Intii aanan goobta lagu buuqsan yahay gaadhin kuna sii waajahanay goobtaasi ayaa markiiba maskaxdaydu waxay is waydiisay dhawr su’aalood oo ay kamid yihiin, Maxaa goobta ka dhacay? Ma qofbaa gaadhi jiidhay? Ma qofbaa qof dilay? Ma tuug baa wax xaday oo la qabtay? Ma Boolisbaa cid wax gaystay qabtay oo lagu buuqsan yahay? Mise dad baa isku laayey madaama goobtaasi ay tahay goob iska dad badan?.
Haddaba waxyar kadib markii aan goobta gaadhay ayaa waxay ishaydu markiiba qabatay laba nin oo qiyaastii aan da’dooda ku qiyaasay ilaa dhawr iyo Soddon jiro oo isku haysta goobtii lagu buuqsanaa oo ay buux dhaafiyeen dad tiro badan,waxaana maskaxdayda ka baxday su’aalihii badnaa ee aan is waydiinayey intii aan kusii socday goobta.
Labadan nin ee is haysta waxay ku hubaysanaayeen Mindiyo,waxaana markiiba ishaydu qabatay hubka ay labadan nin sitaan ee docda ugu jira oo markaasi dad goob joogayaal ahi ii sheegeen in labada nin hore iskugu soo laayeen meel kale.
Labadan nin waxa hareero taagnaa dad badan oo qiyaastii tiraddooda aan ku qiyaasay ilaa 20-25 qof oo ragg iyo dumarba iskugu jira,waxyar markii aan dhagta u raariciyey aanan ka bogtay waxa ay labadan nin isku haystaan oo markaasi ahayd qadar lacaga oo aan sidaa usii badnayn isla markaana ahayd 70 lacagta Shilling Somaliland-ka ah oo mid ahaan dayn ahaan loogu leeyahay ayaa waxa ay labadan nin is waydaarsanayaan hadalo hanjabaad ah,iyaga oo labadan nin dirqi lagu kala hayo,dadkii goobta joogayna ay awoodi waayeen in ay ka qaadaan hubkan ay isku sitaan oo markaasi mid ahaan lagu jeexay xagga Canka ilaa Margiga oo nabar wayn ka qabo,kii kalena uu leeyahay kuna hanjabayo hadalo ay kamid yihiin “Waxayga ka baryi maayee hadii aan lacagtayda laysiin oo aanu ninkani isiin waan dilayaa ama waa ka dhamaynayaa!!!! .
Waxyar markii aan Meesha taagnaa,dadkii goobta ila joogay ee aan ugu imina aanay wali raggi kala saarin isla markaana u kala nacamlaynayaan ayaa waxa dhacday in ninkii lacagta lagu lahaa oo ah ninka nabarka qaba uu Mindidii uu sitay lasoo baxay intaasi kadibna kula soo cararay kii kale,isaga oo damcay inuu galiyo balse laba nin ay isku duubeen kana qaadeen Mindidii,waxyar markii raggii goolaaftan dhex marayay ayaa waxa goobta soo istaagtay hooyo somaliyeed oo da’deeda aan ku qiyaasay 50-55 jir,intaasi kadib waxa ay aragtay ragga Mindiyaha sita ee la kala hayo iyo mid mindiyi ku taalo oo dhiig ka da’ayo,mamadii mar qudha ayuu jawigeedii is badalay,waxaana dhawr qof oo Meesha taagnaa oo aan kamid ah ay waydiisay su’aal ahayd Maxay labadan nin isku dilayaan? Se ninka dhiigu ka da’ayo maxaa dhakhtar loo gayn waayey ee laga daawanayaa? miyey islaayeeen mise waxbay isku haystaan?. Saddexdaa su’aalood ayay si iskugu xig xiga noo waydiisay aniga iyo ragg iga soo horeeyey oo goobta taagnaa.
Inta aanan jawaab ka bixin waxii aan ka ogaa dhacdadan ee aan kusoo gaadhay ayaa nin I garab taagnaa oo markaasi iga soo horeeyey mamadii u sheegay siday wax u dhaceen isaga oo sheegay in dirqi lagu kala qabtay,hadana la kala hayo doonayaana inay is dilaan.
Hooyadii ayaa raggii kala hayey labadan nin ee Mindiyaha isku sitay canaan dhagaha ka jartay iyada oo ku muusanowday labadii nin ee lacagta isku haystay,waxaana ay mamadii bixisay lacagtii ay isku haysteen labada nin oo dhamayd 70 Kun oo shilling Somaliland ah,sidoo kalena waxay kaxaysay ninkii dhaawaca qabay ee mindidu ku dhacday,waxaana ay gaysay dhakhtar laguna dabiibay,sidaas ayayna hooyadii ku kala babaadisay labadii nin oo qudha iska jari lahaa.
Allaw hooyooyinka iyo hablahaba u naxariisto janadana ugu bushaaree idam alle!!!!!!!!!!!.

Qalinkii:- Cabdifataax Xareed
HYPERLINK “mailto:Xareed101@gmail.com” Xareed101@gmail.com
Tell:-
Telesom:- +252-63-4184483
Somtel:- +252-65-4184483

Advertisement

Ku Xayeysiiso