Shariif Cabdi-Nuur: Godku kuu janno

Shariif Cabdi-Nuur: Godku kuu janno

Halku-dhegga Sheekhul-Islaam waxa ku suntan Ibnu Taymiya, Ilaahay ha u naxariistee, sida oo kale Caalim-Soomaaliyeed kolka la yidhaa bahweynta diintu waxa ay garanayaan in loo jeedo Shariif Cabdi-Nuur.
Waxa uu ka dhashay ummad aan qiimayn nin doorkeeda, oo haldoor kastaa dhexdeeda ku dumo. Kolka la eego raggii qarnigan soo maray dunida Islaamka ee aqoonta diineed biyo dhigtay waxa ugu mudan; Albaani, Qaradaawi, Ibnu Baaz, Sayd Saabiq, Cuthaymiin, raggaa ayuu la aqoon ahaa Shariif Cabdi-Nuur ee waxa uu ka dhashay dal xambaari waayey.
Baabuli ayuu ku dhashay sannadkii 1941. Yaraantiisi ayuu bartay naxwaha, sarfiga, balaaqada, fiqiga Shaaficiyada, iyo tafsiirka Quraanka, isaga oo Baabuli iyo Herer culimadii joogtay xer u noqday. Intaa ka dib waxa uu tagay jaamacadda Azhar ee dalka Masar, waxa uu Master ku qaatay Usuulu-Fiqiga.
Kolkii uu jaamacadda soo dhammaystay waxa uu u dooyeystay kutub dhigis, waxa lagu ammaanay kutub aan hore geyiga Soomaalida looga dhigi jirin in uu dhigistooda ballaysimay.
Burburkii dawladdii Soomaaliya ka hor ayuu u baxay dalka Sucuudiga isaga oo macallin ka noqday jaamacaddii Dirciya ee hadda loo yaqaan Boqor Malik Sucuud.
Waxa lagu xusuusta in uu ahaa ninkii u horreeyey ee Soomaali ah ee duuba kutubta axaadiista kuwooda ugu waaweyn ee loo yaqaan Ummahaatu-Sita; Bukhaari, Muslim, Daa’uud, Nisaa’i, Ibnu Maajah iyo Tirmidi. Waxa uu aqoon durugsan u lahaa aqoonta lagu baadho sugnaanta xadiiska, aqoonta ragga wariya axaadiista. Waxa uu bad ku ahaa guda-galka axaadiista iyo sharxid qoto-dheer.
Shakhsiyan waxa aan xusuuta kolkii aan ka dhiganayey kitaabka Buluuqul-Maraam in uu ka daba tagi jiray axaadiis uu sugay sheekh Albaani oo isagu sugnaantooda diidi jiray, halka qaar aanu sugin Albaani isagu sugi jiray isaga oo daliilkiisa keensada. Taa oo muujinaysay kalsoonidiisa aqooneed.
Shariif Cabdi-Nuur kama uu mid noqon dhaqdhaqaaqyadii Soomaaliya soo maray midna, iyada oo la wada ogsoonyey raggii ururadu in ay arday u wada ahayeen haddana dhaqdhaqaaqna ka mid muu noqon.
Maanta ayuu god galay Caalim Shariif Cabdi-Nuur Shariif Xasan, isaga oo ka tagay dhaxal weyn oo ummadda Soomaalidu dheefsan doonta ilaa qiyaamaha. Ilaahay ha janneeyo oo qabriga ha u nuuriyo.
Saaxiibkay Sheekh Guuleed Maxamed Yaasiin ayaa muddo hore qoraal dheer oo qiimo badan ka qoray taariikhdii Shariif Cabdi-Nuur. Qoralkaa ayaan jeclaan lahaa qofkii taariikhda Shariifka u baahani in u raadiyo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso