Laanta Greater Manchester Xisbiga Kulmiye UK oo xaflad soo dhaweyn ah ku qaabilay xubno muhiima oo ka soo kala jeeda gobolada, Sanaag, Awdal, Sool iyo Buuhoodle oo ka soo diga-rogtay xisbiga Wadani.

Laanta Greater Manchester Xisbiga Kulmiye UK oo xaflad soo dhaweyn ah ku qaabilay xubno muhiima oo ka soo kala jeeda gobolada, Sanaag, Awdal, Sool iyo Buuhoodle oo ka soo diga-rogtay xisbiga Wadani.

Manchester UK: Sabti 8th July waxa ka dhacay xaflad si wayn loo soo agaasimay magaalada Manchester taasoo ay qabteen masuuliyiinta xisbiga kulmiye ee laanta Greater Manchester laguna soo dhawaynaayay taageerayaal ka soo diga rogtay xisbiga WADANI kuwaasoo ka soo kala jeeday gobolada Sanaag, Awdal, Sool iyo Buuhoodle waxay dhamaantood ku qanceen in xisbiga Kulmiye yahay xisbi qaran oo umadii somaliland isagu timi yahayna xisbigii horumarka, nabada iyo midnimada umada Somaliland.
kaasoo lagu dooranayo wuxuu qabtay kadib markii uu doorashadii 2010 ku galay balan qaadyo lagu cadeeyay buugii cagaaraa ee barnaamijkii doorashada xisbiga kulmiye ku galay isagoo maantana umadii mar labaad la hor imanaya fulinta wixii hore uu u balan qaaday iyo barnaamij kasii tayo iyo huromar badan kii hore kaas oo ku dejisan siyaasad hiigsi leh oo hirgelintiisa uu hubin doono hogaamiyaha ugu mudan musharaxiinta ahna halyayga la isku halayn karo Muj Muuse Biixi Cabdi waxaa sidaas nuxurka hadalkoodu ahaa Xubnihii u hadlay taagerlwrayaashii xisbiga ku soo biiray kuwaasoo kala ahaa Xildhiban Axmed Maxed Samatar (Axmed-Carab) Mustafe Xaliimaale iyo Cabdiraxman Abiib oo ahaa Masuul hore uga soo digo-rogtay Wadani ahaana Gudoomiyihii horee laanta Wadani Greater Manchester oo xubnahani ku soo hirteen.

Waxaa xaflada ka soo qayb galay madaxda sar sare ee xisbiga kulmiye uuna hor kacaayay Gudoomiye Xariir Xirsi Cadar kuna weheliyeen xubno gudiga fulinta ee Kulmiye Uk sida Axmed Cismaan Aadan “QasnajigaKulmiye Uk , Axmed Cabdilahi Cige”Askari” Aadan Xasan Madoobe “G.G Dhalinyarada” Garaad Cali Jaamac Garaad Maxud Cali Shire xubnahan oo dhamaantood xaflada ka jeediyay hadalo ka turjumaya xisbiga iyo himilooyinkiisa iyo qorshayaasha diyaar-garawga doorashada dhawaan dalka ka dhici doonto sidoo kalena Guud maray guulaha xisbiga iyo qarankuba dugsanayaan ee ah kuwa ay keentay xukuumada uu hogaaminayo ruugcadaaga qaranka Madaxwayne Muj Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo “.

Sidoo kale waxaa wufuuda ka mid ahaa madaxda laamaha kulmiye Uk ee North London, Birmingham, Bristol iyo Sheffield kuwaasoo iyana qayb ka ahaa xoojinta iyo kor u qaadida xidhiidhka iskaashi iyo wada shaqaynayd ee ka dhaxeeya laamaha xisbiga kulmiye ee Uk kuwaasoo ka midaysan sida ay lagama maarmaan u tahay in laamaha dibadu ay doorkeedii lafdhabarta ugu ahaayeen guulaha gudaha ee xisbiga kulmiye halkii laga sii wado waxaana halkaa uga hadlay laamaha masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Gudoomiyaha Birmingham Maxud Xirsi Duuduu, Faysal Xasan Saadle Gudoomiyaha Birstol, Gudoomiyaha Sheffield Yaasiin Carbooshe hadalka u wakiishay Maxed Yusuf Musdambeedka Sheffield G.X.1aad North London Ibrahin Ciise oo hadalka u wakiishay Sarkaal Khadar laanta North london.

Ex-Gudoomiyihii Laanta Greater Manchester xisbiga kulmiye oo hada dhawaan u dalacay Gudoomiyaha Abaabulka iyo wacyi gelinta laamaha liverpool, s Sheffield iyo Greater Manchester Eng Jaamac Cali Faarax , afhayeenka laanta Sheffield Caydaruus Xuseen Sahal, Muj Cabdiraxmaan Gees, Marwo Nuura Xuseen Khasnajiga Manchester, Marwo Aamina Daahir Taylax G.X.2aad Garabka haweenka Manchester, Aqoonyahan Mukhtar Bulbul, Maxed S. Sarman G.X.2aad laanta Manchester, Cabdiqadir Jaamac Barbarawi G.G. Anshaxa, Koosaar Caydiid Gudoomiyaha Musdambeedka laanta Manchseter, Fahad Saleban Dhawdhawle Xubin Musdambeedka laanta ah iyo Ismaaciil Goox Axmed Gudoomiyaha laanta martida loo ahaa ee Greater Manchester ayaa waxay xafladaa ka jeediyeen hadalo dhinacyo badan taabanaya una badnaa dhiirigelinta dhamaan bahwaynta kulmiye dal iyo dibadba sidii loogu gaashaaman lahaa geediga guusha xisbiga kulmiye ku gaadhi lahaa halkaasoo lagana sinaa dareenka iyo fariimaha ku wajahan taagerayaasha xisbiga kulmiye iyo muwaadaniinta somalilandba sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen qaadashada Kardhka codaynta doorashada oo ah mid qarankan qiimo wayna ugu fadhida.
Waxaa xaflada oo barnaamij dhamaystiran ah iyo hadaladii madaxda kala duwan ka jeediyeen dhawaan laga daalacan doona Tv ga qaranka oo uu ka socday madaxa Tv ga qaranka ee North west iyo shafiel Yaasiin Faarax Jees Sidoo kale waxaa shirka daadihinaayay Madaale Mubarag Cabdi Balcad Xidhiidhiyaha Laanta Greater Manchester.

Waxaanu u Mahadnaqaynaa dhamaan wufuudii gobolada Uk nooga yimi sidoo kale waxaa amaan, Mudnaan iyo mahadnaq gaar ah leh garabka haweenka ee xisbiga kulmiye gaar ahaan Safiya Xasan Jaamac kusimaha Xoghayaha laanta ahna Xoghayaha garabka haweenka, Nuura Xusen Xasan,Aamina Daahir Taylax iyo Hodan Jaamac Barbaraawi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso