Gudaha Ka Eeg :Wefti Xisbiga Kulmiye Ah Oo Socdaal Ku Tagay Degmooyinka Sallaxlay, Sabo-Wanaag Iyo Balligubadle, Si Wayn Loogu Soo Dhaweeyey + Sawiro

Wefti ballaadhan oo ka tirsan xisbul-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ayaa socdaal la xidhiidha wacyigelinta qaadashada kaadhka codbixinta ku tagay degmooyinka Sabo-wanaag, Sallaxlay iyo Balligubadle oo hoosyimaada Gobolka Maroodi-jeex oo waqtigan hawsha bixinta kaadhadhku ka socoto isaga iyo Gobolka Togdheer.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ay wehelinayeen masuuliyiin kale oo sarsar, madaxda heer gobol, xildhibaanno iyo saraakiil kale, ayaa maanta socdaal ujeeddadiisu tahay dhiirringinta qaadashada kaadhka codbixinta doorashooyinka soo socda ku maray degmooyinka Sabo-wanaag, Sallaxlay iyo Balligubadle iyo deegaannada hoos yimaada, iyadoo dadweynaha ku dhaqan dhammaan degmooyinka ay si soo dhawayno waawayn ku qaabileen weftiga, una muujiyeen taageerada baaxadda leh ee ay u hayaan xisbiga KULMIYE oo ay doonayaan inay mar kale ku doortaan.
Weftigu waxay kulamo goobo fagaare ka dhacay kula qaateen dadweynaha magaalooyinka ay socdaalkooda ku mareen waxaanay u sharraxeen muhiimada uu kaadhka codbixintu u leeyahay qofka muwaadinka ah iyo guud ahaan qarankaba, sidaasi darteedna waxay ku boorriyeen in aanay u kala hadhin qaadashadiisa ciddii hore isu diiwaangelisay.
Masuuliyiinta xisbiga KULMIYE oo socdaalkooda ku maray deegaanno iyo tuulooyin fara badan oo hoos yimaada saddexdaasi degmo oo qaarkood ku yaalaan jiidda dhereren xuduudda Somaliland la wadaagto Itoobiya, waxase meelaha ama magaalooyinka ay ka fuliyeen farriimaha wacyigelinta ah ee la xidhiidha qaadashada kaadhka ka mid ahaa; Qoolcaday, Balli-ciise, Balli-kaliil, Sabo-wanaag, Sallaxlay, Xasan Aadan, Balligubadle, Balli-cabbane iyo Sayla, kuwaas oo dhammaantood iyagana bulshadu si qalbi furan ugu soo dhawaysay.
Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE, ahna hoggaamiyaha weftiga Md. Maxamed Kaahin Axmed, ayaa dadweynaha mar walba u faahfaahinayey ujeeddada kormeerkooda iyo farriinta wacyigelinta ah ee ay bulshada u sidaan oo ah qof waliba qaato kaadhkiisa codbixinta ee uu xaqa u leeyahay si Somaliland guul uga gaadho diiwaangelintii kharash iyo waqtiga badani ku baxeen iyo in la helo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ku salaysan hal qof iyo hal cod.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso