XORNIMADU MA AHA BULSHADA OO DHALLIN IYO WAAYEEL U KALA XANNIBANTA IYO EHEL KALA XAYIRMA!

XORNIMADU MA AHA BULSHADA OO DHALLIN IYO WAAYEEL U KALA XANNIBANTA IYO EHEL KALA XAYIRMA!

WAA SE XEELAD XUMO IYO XARRAGO LA’AAN IN SIYAASADDU DHAQANKA IYO DIINTA UMADDA XEERIN WAYDO.

”Social Structure” bulsho waliba waxa ay leedahay hab-nololeed u gaar ah iyo dhaqan soo jireen ah oo ay jad-ka-jad iska soo dhaxashay. Hab-nololeedkaasi waxa uu qaabeeyey fekerka umadda waxana uu si guud u kala duway waxa ay bulsho u taqaan garashada samaha iyo xumaha.

Tusaale ahaan, in la is guursado oo hablaha la iswaydiisto, iyada oo diin iyo dhaqan u gaar ah oo ay leeyihiin dadka Reer Somaliland la raad-raacayo; waa hab-nololeedka bulshada, waana mid loo ga dan leeyahay dhaqan suuban iyo abtirsiin xalaalnimo beegsi ku teedsan iyo waliba is ahaanshiyo hab-taranka bulshada ah oo abbido ah(Meso Scale).

Sidoo kale hab-dhaqanka iyo hab-nololeedka bulshadu waa ka soohdimeeya ee summadda u yeela ummadi sida ay diinta u aaminsan tahay, runtu waxa ay tahay, xeerarka ceebta iyo cadaawadda xuluusheeda, garashada ehelnimada iyo waxa la isku yahay, ixtiraamka iyo karaamada qofka weyn iyo kan yar iyada oo la raacayo jaranjarooyin ku dhisan edaab iyo akhlaaqiyaad diintu waajibisay, dhaqankuna raalli ka noqday.

In se aad-yar oo dhalatay noloshaadii iyo dhaqan taariikheedkaagii aad ka guurto, oo aad baabi’iso ciddii aad ahayd (Social Identity) iyada oo wax kale oo ka wanaagsan oo aad ku beddelataa jirin macnaheedu waa ha la rogmado oo ha la ab iyo isir beelo!

Ammuurta noocan ah waxa ku baaqay nin siyaasi ah, oo ujeedadiisa ugu weyni tahay in uu dhallinyarada cod kursi siyaasadeed lagu gaadho ka helo! In wiil dhallinyar ah oo da’diisu u dhexayso 15 -25 la yidhaa waalidkaa ha maqlin, oo qofka kuu madaxda ah warkiisa ha dhegaysan oo dhaqankaaga sida uu yahay ka xorow dabadeedna cod na sii aan faa’idno e, waa fawdo iyo burbur gun iyo baar ah.

Erayga xorow amma madaxbannaanow waa eray siyaasi ah oo laba af oo masiibo ah leh. Marka hore cidda loo isticmaalayo xor noqo waa cid liidata oo iyadu garan kari wayday amma macneysan kari wayday waxa ay xornimo tahay! Waa cid warsan kari wayday xornimo ma in adiga dantaada aan kuugu adeegaa?

Marka labaad xor noqo waa eray dafiraya jiritaanka waxa ay bulshadu aaminsan tahay si guud iyo si gaar ah intaba. Waa baaq cidda la la hadlayo loo gu sheegayo in waxa ay rabaan sameeyaan. Hadda waa wax wal oo ay naftoodu jeclaato iyada oo aan la xeerineyn dhaqan, diin iyo dawladnimo midna!

Bal iswaydii waxa ka maqan cidda xor noqo la leeyahay? Ma cid aan xor ahayn ayaa joogta Burco? Haddii ay jiraan yaa dulmay ee xoriyadda ka qaaday? Xor noqoshadu ma in adiga iyo waalidkaaga la kala irdheeyaa? Ma in hadda iyo hadhow lagu gu hoggaamiyo in aad ka tallaabsato dhaqankii adowgaa, faristii diinta Islaamka iyo dawladnimada aad adigu samaysataybaa?

Waa suura-gal in cidda eraygaa adeegsatay aaney fahamsaneyn xornimo waxa ay tahay iyo sida loo gu ololeeyo, ujeedadeeduna keliya ahayd in cod deegaan gaar ah laga ga helo iyada oo dhallinyaradooda maanka laga madaluufinayo markii mudantii loo taag waayey! Laakiin natiijayada ka dhalan karta in wiil dhallinyaro ah lagu yidhaa xor noqo oo waxa naftaadu jeclaato samee waa adduunyo gaddoon iyo in loo dhurtay dhankaa iyo is dhex yaac.

Mohamed Hagi Mohamoud. Department of Politics and International Studies. The University of Warwick. Email:m.hagi-mohamoud@warwick.ac.uk, mohamedhagi@warwickgrad.net

Advertisement

Ku Xayeysiiso