Daawo: Munaasabad Balaadhan Oo Lagu Furaayey Mawjada SW oo laga hirgaliyey Deegaanka Somalida Ethiopia Iyo Madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar oo Xadhiga ka jiray Mashruucan

Jigjiga(Togaherer) Munaasabad si heer sare ah losoo agaasimay oo xadhiga lagaga jarayay idaacada dhagaysiga SWda ee deegaanka oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada DDSI oo ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, afhayeenka golaha baarlamanka ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamedrashiid Isaaq ,Madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Wasiirka xafiiska horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, madaxwayne kuxigeenka ahna Wasiirka xafiiska dhismaha iyo horumarinta magaalooyinka mudane Cabdixakiin Cigaal, Mas’uuliyiinta xafiiska maamulka DDSI, qaar kamid ah goloha kaabineega, Odayaasha deegaanka, heerarka kaladuwan ee shaqaalaha warbaahinta deegaanka kooxda fanka ee ilays-band iyo marti sharaf kale.

Hadaba munaasbadan xadhig kajarka ah ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo khudbad muhiim ah oo dhaxalgal ah kasoojeediyay halkaas isgoo madaxwaynuhu ka warbixiyay waxqabadka warbaahinta deegaanka iyo xaaladihii kaladuwanaa ee ay soo martay warbaahinta kala duwan ee deegaanku. Wuxuuna madaxwaynuhu intaa kudaray in heerarka kaladuwan ee warbaahinta deegaanku soo martay xaalado kaladuwan iyadoo aysan jiri jirin wax idaacad ah ama TV ah oo afka soomaliga ku hadla oo uu deegaanku lee yahay marka laga reebo ideecada dhagaysiga ee addisababa iyo ideecada dhagaysiga ee Faana oo halsaac kali ah la dhagaysan jiray.

Sidookale, wuxuu madaxwaynuhu xusay in idaacadan SW da ahi a tahay idaacadii ugu horaysay ee deegaanku yeesho wax wayna ka tari doonto dhanka isgaadhsiinta xogoha, islamarkaana ay tahay lafdhabarata horumarka maadaama bulshada deegaanku ay 85% yihiin dad xoolo dhaqato ah oo aan haleelaynin inay daawadaan TV, madaxwaynaha oo hadalkiisii siiwata ayaa sheegay in waxqabadka warbaahinta deegaanku qabatay tusaale loosoo qaadan karo waxyaabaha uu hada ka hor xaliyay ESTV sida borobogaandadii nabadiidka uu usheegi jiray shacabka deegaanka gaar ahaan qurbajoogta deegaanka. Maxadwayanaha ayaana mahad celin udiray dhaqmaan TV yada iyo websiteyada taageersan horumarka deegaanka.

Dhanka kale, waxaa isana munaasabada ka hadlay afhayeenka baarlamanka ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo ugu horayn uhambalyeeyay xadhig kajarka ideecada SW oo ah mid lagu faano islamarkaana kaqayb qaadan doonta horumarka ka hanaqaaday deegaanka.

Soojeedin kadibna madaxwaynaha DDSI iyo afhayeenka baarlamaanka ayaa siwada jir ah xadhiga ooga jaray ideecada dhagaysiga Short Wave (SW) ee mawjadeedu tahay 5.94 KH islamarkaana laga dhagaysanayo dhamaan deegaanka wakhti xaadirkana bilawday shaqadii loogu talagalay.

Ugudanbayna, madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo afhayeenka baarlamanka mudane Maxamedrashiid Isaaq ayaa abaalmarin qaali ah gudoonsiiyay xubnihii hormuudka ahaa ee sida balaadhan ee daacadnimada iyo wadaniyadu ku dheehantahay warbaahinta deegaanka uga soo shaqeeyay oo uu ugu horeeyo maareeyaha wakaalada warbaahinta deegaanka mudane Farxaan Maxamuud Axmed, Isagoo madaxwaynuhu kula dardaarmay shaqaalaha inay dadaalkooda halkaa kasii wadaan

Advertisement

Ku Xayeysiiso