Gudaha Ka Eeg :Xisbiga UCID Oo Magaalada Borama Xaflad Balaadhan Ugu Sameeyay Taageerayaal Laxaad-Leh Oo Ku Soo Biiray Xisbiga UCID + Sawiro

Xisbiga UCID ayaa maanta xaflad balaadhan oo ilyartu is qabatay ku qaabilay taageerayaal laxaad leh oo Xisbiga UCID  ku soo biiray .

Taageerayaashan oo ka soo jeeda ururada Talo-wadaag, Tawakal iyo xaafad-waynta hayayaabe Ee Magaalada Borama ayaa si rasmi ah ugu soo biiray Xisbiga .

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Awdal Ee Xisbiga UCID C/rashiid, Ibraahim Isaaq, waxaanu sheegay in ay maanta ay qaabilayaan taageerayal laxaad leh, waxaanu xusay in Xaafadda Hayayaabe tahay xaaafad ka madhan waxqabadka Dalka, isla markaana ay ka maqantahay dhamaan baahiyaha asaasiga ah sida waddoyinka, caafimaadka, iwm, .

Gudoomiye C/rashiid ayaa sheegay in ay gacmo-furan ku soo dhaweenayaan Taageerayasha laxaad-ka leh Ee Xisbiga ku Soo Biiraan .

Xubno ku hadlayay ururada ku soo biiray Xisbiga UCID oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Xisbiga UCID ay ku doorteen in uu yahay Xisbi ay u simanyihiin bulshada Reer Somaliland, isla markaana leh himilo iyo siyaasad-cad, waxaanay sheegeeen in uu yahay Xisbiga qudha ee dalkan ka sameen-kara  is beddel dhab ah .

Ugu danbayn Waxaa halkaasi khudbad taariikhi ah ka jeediyay Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Waxaanu gacmo-Furan ku soo dhaweeyay taageerayaasha ku soo biiray Xisbiga UCID .

Gudoomiyaha ayaa ku nuux-nuuxsaday barnaamijka Siyaasiga ee Xisbigiisu dalka ku hogaamin doono haddi uu doorashada ku guulaysto .

Sidoo kale Gudoomiyuhu Waxaa uu jawaab quus-goyn ah hawada u mariyay Dawladda Somalia, isagoo sheegay in wax lala yaabo tahay in Somalia ay xusto 26-June, si ay Somaliland ugu beerlaxawsato Somaliland .

Xafladdan ayaa ku soo dhamaatay Jawwi-Deggen oo farxadi ku dheehantahay, waxaana Xusid Mudan in Xisbiga UCID taageerada uu ku leeyahay Gobolka Awdal ay marba marka ka danbaysa ay sii kordhayso .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso