Gudaha Ka Eeg :Weftiga Xisbiga WADDANI Ee Cibaadada Cimrada Soo Gutay Oo Kulan La Qaatay Jaaliyada Somaliland Ee Sacuudiga

Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ee soo gutay waajibaadka Cibaadada Cumrada ayaa kulan la yeeshay Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Dalka Sacuudiga. Xubnaha kulan kaas ka qayb galay waxa hoggaaminayay Guddoomiyaha ahna Murashaxa Xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan, Xoghayaha xidhiidhka Gobolada iyo degmooyinka Muj: Axmed Cumar Xaji Cabdillaahi (Xamarji) Xoghayaha Cadaaladda iyo Garsoorka Barkhad Jaamac Xirsi (Batuun) Xoghayaha siyaasadda Magan Cabdiraxmaan, Kaaliyaha Murashaxa WADDANI ee War-baahinta Muniir Axmed Cigaal, Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), Eng: Abdikariin Iidle, Sheekh Ismaciil Maxamed Ciise (Sheekhal Baladka).

Munaasibadan oo ka qabsoontay Magaalada Jida waxa ka soo qayb galay Wakiilka Somaliland ee Sacuudiga Cabdalle Lule (Cabdalle Kuwayti) Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ee Dalka Sacuudiga Ismaciil Cabdi Bacaad, odayaasha iyo waxgaradka Jaaliyada.

Wakiilka Somaliland ee Sacuudiga Cabdalle Kuwayti ayaa ku soo dhaweeyay waftiga Dalka Sacuudiga wuxuuna yidhi “Anigu Odaygii Magaalada Jidah ayaan ahay taas ayaan ku soo dhawaynayaa Waftiga”.

Guddoomiyaha Xisbiga Wadddani Ismaciil Cabdi Bacaad ayaa isna ka hadlay furitaankii Xaflada isagoo Soo dhaweeyay waftiga .

Masuuliyiinta Xisbiga WADDANI oo dhammaantood la hadlay Jaaliyada ayaa uga waramay socdaalka ay ku yimadeen Dalka Sacuudiga, waxay sheegeen inay Cibaadada Cimrada u yimadeen.

Xoghayha Xidhiidhka Gobolada iyo Degmooyinka Axmed Xamarji oo ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Faysal Cali Waraabe oo ku saabsanaa Xubnaha WADDANI ee Cimrada yimi wuxuu yidhi “Haddii qof masuul hadal Ummadda u jeediyo hadaan laga dabo tagin waxa laga yaaba inay dadku run u qaatan, waxaan arkaayay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo saxaafadda la hadlaaya oo leh Waftiga WADDANI 35 qof ayaa Cimrada loo diray, in wax kasta laysku dacaayadeeyo maha, Anigu hadda ayaan Makka ka imi, qof kasta goonidiisa ayuu Xaramka iyo cibaadada u yimi Alle ha daaye inankayga ayaa aniga isoo diray”.

Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan oo isna halkaas ka hadlay ayaa siweyn u soo bandhigay shakhsiyada dhaanta ah ee Murashaxa Xisbiga WADDANI Mud. Cabdiraxmaan Cirdo iyo astaamaha hoggaamineed ee ku duugan, isagoo tilmaamay in Somaliland Maanta u baahantahay Hoggaamiye degan oo aanay ummaddu ka yaacin kana didin dadkana uruuriya.

Murashaxa Xisbiga WADDANI Cabdiraxmana Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo soo xidhay munaasibada ayaa u mahadnaqay Jaaliyada Somaliland ee Sacuudiga. “Halkan waxaanu u nimi Cimaadada Cimrada Alle haynaga aqbalo, in kasta oo Xubno badan oo Xisbiga WADDANI ahi yimadeen hadana si kala gooni gooni ah ayaa loo yimi Alle haynaga aqblo Cibaadadii aynu gudanay, Alle Dalkeena haynoo hagaajiyo, illahay doorasho wanaagsan haynoo rido.. Dalkii doorashadii way ka dhacaysa waa la tartamaaya kii Alle u qadaray ayaa imanaaya cidina xoog ku iman mayso Iyo khasab”.

Munasibadaas ayaa ku dhammaatay dareen farxadeed oo Jaaliyada Sacuudigu ka mujiyeen kulanka Waftiga WADDANI.

Advertisement

Ku Xayeysiiso