Gudaha Ka Eeg :Madaxweyne Ku Xigeenka Ahna Ku Simaha Madaxweynaha Oo Tacsi Diray .

Tacsi Madaxweyne Ku Xigeen 

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqonyahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre oo ka mid ahaa xildhibaannada Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa xalay oo taariikhdu ahayd 26/06/2017.

Marxuum Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre oo ka mid ahaa odayaashii ugu horreeyey ee lagu aasaasay Golaha Guurtida Somaliland, waxa uu ku simaha madaxweynuhu  ku sifeeyey caalim diinta Islaamka aqoon badan u lahaa, afkiisa iyo adinkiisaba laga nabadgalay oo cibaado badnaa, isla markaana kaalin wayn ku lahaa nabadayntii iyo dib-u-dhiskii qaranka Somaliland.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Qaranka, waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo golayaasha qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, qaraabadii, eheladii, asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

 

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

  

  Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso