Ciida iyo caruurta W/Q; cabdiraxmaan rashiid axmed

Ciida iyo caruurta

W/Q; cabdiraxmaan rashiid axmed

Maalmaha ciida oo aad loo faraxsanyahay islamarkaana bulshada muslimka ahi ay fasax ka yihiin dhammaan hawlihii iyo shaqooynkii ay qaban jireen ayaa farxada ciida awgeed waxa guryaha laga soosaara caruur tiro badan oo aad u yar yar hadaba waxa jira khaladaad ay galaan waalidiinta iyo dadka caruurta kamsuulka ahi khaladaadkaas oo  caruurta  lidi ku ah hadaba waxan sharixi doona dhawr khalad oo ay galaan dadka caruurta ka maasuulka ahi.

Khaladaadka waxa ka mid ah in caruurta loo kaxeeyo goobo aad u fog fog oo laga yaabo in dhibaato kasoo gaadho caruurta ama uu hawo gadi ku dhaco.

Waxa kale oo ay waalidintu sameeyaan in ay caruurta aad u warwareejiyaan iyagoo hadba goob gaynaaya taas oo caruurta ku keenta in ay asqoobaan kadibna ay dadka kala garan wayaan kabacdina ay iska raacan qofkale oo u dhar eeg kii waday kadibna ay sidaa ku lumaan.

 

Sida oo kale qalabka lagu ciid siiyo qaarkii ayaa caruurta halis ku ah sida leexooyinka macmalka ah oo laga yaabo in ay la dhacan ama ay la jaban baaskooladaha baaruuda leh kuwaas oo ay isla dhacaan kadib baaruuda sunta ahi ay indhaha ka gasho caruurta yaryar iwm.

Dhanka kale dharka loo xidho gabdhaha yar yar qarkood ayaan sax ahayn sida dharka kala socdo ee gabdhah yaryar lagu masasaqo ee mararka qaar ka dhaca iyo in kuwo soo kacaya madaxa  loo qaawiyo sido kale waxa ku jira waxyaabaha laysku qurxiiyo qaarkood oo an gabdhah yaryar u fiicnayn.

Hadaba waxa fiican in ay waaliidiintu caruuta il gaar ah ku eegaan oo ay ilaaliyaan caruurta  una iibshaan dhar iyo agab ku haboon naftooda iyo dadooda .

W/Q; cabdiraxmaan rashiid axmed

Suxufi madax banaan Hargeysa somaliland

Email: cabdiraxmaan800@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso