Md Madaxweyne Hoos U Dhaadhac Somaliland waxay u baahan-tahay Xeer Ilaaliye Guud Qaran oo xoojinaaya Garsoorka iyo Cadaaladda JSL.

Xeer ilaaliyaha guud  Md. Xasan Axmed Aadan ayaa waxuu la kowsaday xukuumadda Kulmiye  ee Madaxweyne Siilaanyo Markii ay taladda dalka la wareegtay . kuma uusan iman hab Aqoon sharci  ama karti dheeraada oo uu lahaa. Hase yeeshee waxuu ku helay kursiga xeer ilaaliyaha guud . habka saami qaybsiga reeraha S/land oo keliya. markii hore waxuu ahaa Qurba-jooga deganaa dalka Ingiriiska (Bristol)  . sida la soo xaqiijiyey hal maalin keliya waqtigaasi umuu kala-hin wax shaqo ah.

 

Sida Muuqata Mr. Xasan Axmed Aadan  magaca uu qaranka u hayo  waa xeer ilaaliyaha guud . Shaqadiisu waa Danbi-Oogis ama Xeer- ilaaliye. Waxaa hoos yimaadda isaga .  Ku xigeenadda Xeer ilaaliyaasha Goboladda. Iyaddoo ay sidaasi tahay dadka muwaadiinta ee la soo eedayaa waxay u baahan-yihiin Cadaalad , looma baahna hab la dareemayo inay sifo sharci daro ku tahay isaga. Ama  qof denbi galay inuu soo fara-geliyo Xeer ilaaliyaha Guud oo uu ku khasbo Xeer ilaaliyaal ku xigeenadda inay difacaan Denbilayaal uu isagu dan ka leeyahay ama doonayo inay ka duwaan danbiyo ku cadaaday siiba kiisaska xasaasiga ee dilku ugu horeeyo . isla-markaana uu u caga-jugleeyo Markhaatiyadda dhabta iyo dadka dhibanayaasha ee dilka loo geystay. isagoo u sii maraaya ku xigeenka xeer-ilaaliyaha ee kiiskaasi denbi oogaha ka ah. oo isaga hoos yimaadda sharci ahaan.

 

(Somalidu waxay ku mahmaahdaa meyd maxaa u danbeeyey kaa la sii jidayo). bal aynu eegno Sawiraddii ugu danbeeyey saxaafadda. cabashada dadweynaha Ceerigaabo iyo kuwa kale ee la midka ah.

Sidaasi oo ay tahay waxaan odhan-karnaa : In maanta uu  Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mr. Xasan Axmed Aadan  uu shaqadda Qaran ee xilkeedda uu sito ka dhigtay , mid sida uu doonayo ugu xad-gudba sharciyadda wadanka iyo muwaadiniinta S/landba.Waxyaalaha la yaabka leh ee uu si cad u garab-maray. Xeer ilaaliyaha Guud.

Waxaa ka midda Qaynuunka denbi-oogista Maxkamaddaha Goboladda baal-marsan in kiis cad oo ay markhaatiyaal badan ay fureen . ayna goob-joog yihiin dhibanayaashii . Inay ka shaqeyn Kari waayaan ku-xigeenadiisii oo uu leeyahay waxii aan anigu doono ayaa soconaaya (Sidaasina kiiska waa inaad u oogtaan). oo uu faraha kula jiro madaxbanaanidda kiisaska . taasi oo ku qaldan hab dhaqanka sharci. sidoo kale Hab-socodkii kiisaska oo ay iyagana ragaadinayaan.

Mudane Madaxweyne , waxaad aad Barmaamij-siyaasaddeedkii Xisbiga Kulmiye ku gashay Ololaha Doorashada , oo ka mid ahaa,  Wax ka qabashada Cadaalad-daradda ka jirtay Maxkamadaha Bulshada loogu Gar-qaado iyo habka ay xeer ilaalintu denbiga u oogantaba. , iyadoo dhowr jeer intii xukuumadaadu xilka haysay isbedelo sameysay lakiin marna hoos umaad eegin Xeer-Ilaaliyaha Guud ee qaran. halka danbiyadda laga soo oogo .

Md madaxweyne Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Adan Xaaji Cali

waxaad magacowday badhtankii sanadkii 2015 . sida waafaqsan qodobka 105 ee distoorka Somaliland. sidoo kale ay ansixiyeen labadda Golle JSL. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare . ayaa ku guuleystay arimo badan dhinaca garsoorka ah , isagoo guul ka gaadhay . mudaddii koobnayd ee 2sano ahayd ee uu xilakaasi ku magacownaa. waxuuna qaaday talaabooyin qasdigoodu daaran-yahay , dib u habaynta Caddaaladda iyo Hay’addaha ka shaqeeya.

 

Sidaasoo ay tahay, Md Madaxweyne arrinta hagaajinta Garsoorka waddanku waxay u baahantahay mudadda yar ee kuu hadhay Xeer ilaaliye Guud oo hawshaasi ka soo baxaya sida Gudoomiyaha Maxkamadda Sare, Adigoo Madxaweyne . ka duulaaya balan-qaadkii ku xardhanaa axdi-siyaasaddeedkii aad umadda codka kaga kasbatay, hadana weli waxa muuqata inaanay midho dhalin juhdiga aad ku bixisay hir-gelinta hufnaan Cadaaladdeed. Marka loo eego Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iminka .

 

Hadaba Md madaxweyne Xeer ilaaliyaha guud wuu leexiyey habkii cadaaladda kiisaska dilka . waxaana ay umaddu kaaga baahan-tahay In aad markale u hiiliso . oo ay helaan  Xeer –ilaaliye guud oo Qaran  . si loo suuliyo ficiladda xad-gudubka ee uu kiisaska ku hayo. Lana helo Madaxbananidda Garsoorka . Ku-dhaqanka sharciga iyo kalsoonida shacabka Somaliland ku qabaan hanaanka cadaladeed  oo Garsoor. Si ay hawshoodda u gutaan Ku-Xigeenadda Xeer-ilaaliyaasha Goboladdu .Taasi oo ku qotanta hab dhexdhexaadnimo ku sifeysan.

 

Md Madxweyne: Haddii ay sidan ku sii socoto . fargelinta qaawan ee xeer ilaaliyaha guud ee qaranka kiisaska dilku ku taxaluqa. Ku sameynaayo. Lana aqbali waayo . cabashooyinka dadweyanaha Somaliland . siiba xad-gudubyadda xeer ilaalinta guud qaranku uu caadeysatay. siiba dhinaca dacwad oogista iyo  Sida khilaafsan xeerka ciqaabta oo uu xad-gudubyo am ku sameynayo kiisaska dilka ku saabsan . ciduu doonana uu danbi la raadsanaayo . kii danbi ku cadaana uu la diidan yahay .falalkaasi is-daba –joog noqday , waxay ka soo horjeeddaan nidaamka Sharciga iyo Garsoorka . caqabad weyna waxay ku yihiin hawlihii geedi-socodka kiisaska xasaasiga ee dalka ka jira iyo arimahaasi ku xeeran .

Wasalamu alaikum

 

Siciid M.Wersame

Ceerigaabo/Somaliland.

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso