Marka la aasaasayo haayad iyo gudi aan xeer lagu maamula lahayni waxa ay ka dhigantahay adigoo gaadhigii farasku jeediyay faraska ka horaysiiyay.

 

 

 

Marka la aasaasayo haayad iyo gudi aan xeer lagu maamula lahayni waxa ay ka dhigantahay adigoo gaadhigii farasku jeediyay faraska ka horaysiiyay.

W/Q  Maxamed Dahir Axmed

#Marka la aasaasayo haayad iyo gudi aan xeer lagu maamula lahayni waxa ay ka dhigantahay adigoo gaadhigii farasku jeediyay faraska ka horaysiiyay (putting the cart before the horse),Distoorka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu farayaa in xeer lagu maamulo loo sameeyo gudida culimada,balse imika ayagoon xeer iyo nidaam lagu maamulo aanu jirin ayaa la iska magacaabay.

#Cid maanta sheegi karta halka awoodoodu ka bilaabanto iyo halka ay ku dhamaato ma jirto.

 

#Ragii ka danbeeyay arrinkani waxa ay ooga jeedeen khalkhal siyaasi ah dalka in uu ka dhaco,sidii barigii Salaadiintu isku urursatay Burco ee ay yidhaahdeen waxanu nahay haayada dalka ugu saraysa. Waxa la rabaa in gudidani tidhaa waxa aanu nahay haayad ka saraysay saddexda gole qaran,maadaama Distuurku dhigayo,wixii diinta islaamka aan waafaqsanayni waxba kama jiraan. Waxa kale oo ay odhan karaan dimoquraadiyadu iyo codayntu waa xaaraan,sidaa daraadeed yaan la codayn,taa badalkeedana dalku waxa uu u baahan yahay Majlisi shuuraa.

 

W/Q  Maxamed Dahir Axmed

Advertisement

Ku Xayeysiiso