Daahfurka Akadamiga Fanka iyo Cilmiga: 2014kii mise 2017ka? Qormada Kowaad!

Qofku waa in uu ugu yaran garan karo kaalinta saxda ah ee uu qarankiisa u geli karo. Qof ayaan ahay, haddii imaka la ii dhiibo xil macdan iyo shidaal-baadhis ah, maxaan ka qaban karaa? Wallee dheemanta iyo dhagaxa caadiga ah dirqi ayaan ku kala garan lahaa. Meelaha aan xiisaha badan u hayay waxa ka mid ahaa furitaanka Akadamiga Fanka iyo Cilmiga, oo ah madal-aqooneed aan wuxuun ku biirin karo, taas oo aan qof ahaan kala tashaday wasiirro xil ka hayay xukuumaddii UDUB, wakhtigeeda oo gabaabsi ahaa awgeed ma ay hirgelin in la dhisaa. Markii KULMIYE talada la wareegayna waxa aan hindisihiisii la ambaqaaday masuuliyiin xil ka haya xukuumadda, kuwaas oo aragtiyo togan iyo kuwo tobanba ka bixiyay dhismaha Akadamiga Fanka iyo Cilmiga oo hoy u noqon lahaa ugu yaraan ururinta suugaanta iyo sooyaalka dalkeenna inta la awoodo.

Waxa aan gaabis iyo guclaba geeddiga ku wado waxa la gaadhay xilligii ay masuuliyiinta xukuumadda Somaliland garawsan lahaayeen dhismaha Akadamiga Fanka iyo Cilmiga, waxaana hawshan ku dhawaaqday Marwo Samsam Cabdi Aadan Wasiirka Wasaaradda Somaliland oo markaas ahayd Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Wasiir Samsam waa qof aqoon u leh suugaanta, waxaanay ka hawl-geli jirtay Akadamiyaddii Fanka iyo Cilmiga ee Soomaaliya, waana sababta keentay in ay noqoto masuulkii kowaad ee shaaciya in xaruntan la dhisi doono haddii Eebbe idmo.

Wasiir Samsam Cabdi Aadan iyada oo 21kii Feberweri, 2013ka ka hadlaysa xaflad Huteelka Maansoor loogu qabtay Xuska Afka Soomaaliga oo ay Naadiga Somali Pen soo qabanqaabiyeen waxa hadalladeeda ka mid ahaa “waxa aanu furaynnaa Akadamiga fanka iyo cilmiga”. Dhawr cisho kaddib ayaan si gaar ah ugula kulmay xafiiska Wasaaradda, waxa ay se ii sheegtay in aanay hadda miisaaniyadda ku jirin qarash lagu furo rugtani. Waxa aan doonayay in aan hubiyo waxa hadalkeedii ka run ah, waxa aan se ogaaday in uu ahaa af-gobaadsi ay khudbadda ku qurxisay.

31kii Disember, 2013ka ayaanu ka wada qayb-galnay munaasibad lagu soo bandhigay buugaag wadareed oo ay Ururka Qorayaasha Somaliland ku qabteen Hudheelka Imbiiriyal ee magaalada Hargeysa. Aniga oo dibadda u baxay ayay Wasiir Samsam si weyn u bogaadisay Diiwaanka SAMO-TALIS “Siciid mee?” ayay khudbaddeeda ku dartay. Kolkii aan soo laabtay ayaa ay ka cudur-daaratay marti-qaad aan ku casuumay oo daah-durka buugga ahaa, kaas oo 16kii Disember, 2013ka ka dhacay Jaamacadda Hargeysa.

Habeenkaasna waxa ay xustay in sannadkan (2014) la furayo Akadamigii Fanka iyo Cilmiga, dhawr cisho kaddib waxa ay ii sheegtay in lagu daray miisaaniyaddii qaranka ee 2014ka, waxaana laga fekerayay Xubnaha noqonaya Guddiga Akadamiga.

Wasiir Samsam waxa ay ka mid ahayd dadkii aan horraantaba guddoonsiiyay Diiwaanka Xaajiga, waxa aan buug hibeyn ah ugu dhiibay Munaasibad lagu daah-furay dhiganeyaasha Hagarlaawe iyo Ilmadii Hal-abuurka oo 08, Oktoobar, 2013ka ka dhacay haayadda shaqaalaha dawladda Somaliland. Waa masuuliyiinta dareemi kara qiimaha qalinka iyo qoraaga, qaayaha taariikhda iyo quweynteedu sida ay mudnaan u leedahay iyo dhiirri-gelinta maskaxmaalka kala geddisan ee hal-abuur, heesaa iyo ardayba ah.

Waxa xusid mudan in 07, Julaay 2014ka lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee Hargeysa munaasibad lagu daah-furay Akadamiga Fanka iyo Cilmiga oo ay ka qayb-galeen masuuliyiin isugu jira wasiirro, agaasimeyaal iyo marti-sharaf kale. Dhawr cisho kaddib waxa safar dalka Ingiriiska ugu baxay wefdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland oo ay Wasiirka Waxbarashaduna ka mid tahay. Wasiir Samsam waxa ay dalka ku soo laabatay 07, Sebtember 2014ka kaddib markii ay muddo laba bilood ah maqnayd. Munaasibaddii daahfurkuna waxa ay noqotay wax aan dhaafsiisnayn xaflad sacabka laga tumo iyo dhawr weedhood oo si qiiro leh la isu dhaafsado.

Wasiir Samsam waxa aanu xilliyo ay ka mid tahay 07dii Nofember 2014ka isku aragnay Maansoor Hotel ee magaalada Hargeysa, aniga oo weydiiyay halka uu marayo furitaankii Akadamiga Fanka iyo Cilmigu, waxay ii sheegtay in xafiiskiisu noqonayo fooqa u dhexeeya Wasaaradaha Waxbarashada iyo Arrimaha Gudaha, kaddib markay guurto wasaaradda daakhiligu “Wasaaradda Daakhiliga ayaa ku wadda hawsha diiwaan-gelinta, marka ay ka baxaan ayaa halkaa laga furayaa”. Dabcan waa ay haysay qorshe uu ku shaqeeyo, laakiin waxa meesha ka maqnaa in tiraabta loo rogo tacab.

Digreetada Wasiir Samsam loogu magacaabay wasiirka Maaliyaddu waxa ay soo baxday 27kii Feberweri 2015ka, xafiiskeeda waxa aanu ku kulannay subaxnimadii uu Wasiir Samaale Diiday in uu qabto Wasaaradda Waxbarashada. Waxa aan u gudbiyay hambalyo ku saabsan xilka cusub, cabbaar ayaanu xafiiska weedho isku weydaarsannay iyada oo ay la joogto Farxiya Maxamed Dubbe oo ah Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Haddii aan wax ka weydiiyay Akadamiga Fanka iyo Cilmiga waxa ay iigu jawaabtay “Weli waxa aynaan haynnin xafiiskeedii. Haddii la waayo kii hore, mid cusub ayaan dalbayaa. Si dhakhso ayaynu u dhisi. Sidoo kale waxaanu Wasiir Sacad Cali Shire ka wada hadlaynaa dhismaha Guddiga Akadamiga Fanka iyo Cilmiga. Imaka dibadda ayuu ku maqan yahay ee ha soo laabto”. Maalintaas waxa aan u soo jeediyay in loo kireeyo guri gaar ah, laakiin waxa ay walaac ka muujiyeen kirada oo noqonaysa culays aan la saari karin xarun cusub.

Duudduub ahaan waxa ay Samsam Cabdi Aadan xilka wareejisay iyada oo aan xafladda mooyaane, wax tallaabo ah loo qaadin Akadamiga Fanka iyo Cilmiga. Ma garanayo halkii ay mareen $100,000 (boqol kun oo doollar) oo sannadkii 2014ka miisaaniyadda ugu jiray Akadamiga. Hanti-dhawrkii qaranku ma i maqlayaa? Bal lacagtaas baadhitaan ku sameeya? Ma abaarihii ayaa lagu daray? Ma bar-xisaabeed ayay inoogu jiraan?.

La soco qaybta labaad insha Allah..
Siciid Maxamuud Gahayr
siciidgahayr@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso