Wasiir Xaashi oo ka Qaybgalay Casuumad Dhiirrigelin ah oo Garabka Dhalinyarada Kulmiye at u sameeyeen la taliyaha madaxweynaha ee Ciyaaraha

Wasiirka Wasaaradaha Madaxtooyada Oo ka Qayb galay  Casuumad Dhiirrigelin ah Oo Garabka Dhallinyarada KULMIYE ee Heer Qaran Ay u Sameeyeen La-taliyaha Madaxweynaha ee Ciyaaraha.

“Madaxweynaha qarankuna wuu mudan yahay in loogu hambalyeeyo iyo in  looga mahad-naqo waxa wanaagsan ee uu qabto.” Wasiir Maxamuud Xaashi

Hargeysa ( THN)-  Wasiirka Wasaaradaha Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa la qayb galay munaasibad afur ah oo garabka Dhallinyarada heer Qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa ay qaabileen La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha ciyaaraha ee dhawaan la magacaabay Md. Maxamed Cumar Cabdi (Xato).

Kulan afur iyo casho ah lagu maamuusayey La-taliyaha Madaxweynaha ee Ciyaaraha oo ka dhacay huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kalena loogu mahad celiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Kulanka ayaa waxa ka qaybgalay Wasiirrada Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdirisaaq Waaberi Rooble, Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre iyo Wasiiru-dawlaha Amniga ee Arrimaha Gudaha Md. Maxamed Muuse Diiriye, hoggaanka sare ee Garabka Dhallinyarada heer qaran ee KULMIYE oo uu hormood u ahaa Guddoomiye Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi, dhallinyaro fara badan oo u badan ciyaartoy kubadda cagta oo isugu jiray kuwa heerkii hore ah, kuwa dhexe iyo qaar xilliganba ku gudojira xirfaddaasi, ganacsato, aqoonyahan iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaaradaha Madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo kulankaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay fursadaha xisbiga Kulmiye uu siiyey dhalinyarada dalka waxaanu yidhi “ Waa munaasibad aad u qiimo badan runtii, waxaan jecelahay inaan halkan ugu mahad celiyo haldoorkii soo qaban-qaabiyey munaasibadan dhiirrigalinta iyo mahad celinta xambaarsan, waa mid dhaqankeena ku yar sideedaba,dhaqanka bulshada afka Soomaaliga ku hadasha waxaad moodaa inuu meelo badan koray meelo badana hoos u dhac ku yimid, waxa ka mida dhaqankeena waxa ku yar dhiiri-galinta, guubaabada iyo mahad celinta. Runtii tusaale aad u fiican arrintani weeye, in nin dhallinyaro ah oo xil-qaran loo magacaabay, in la bogaadiyo, la hambalyeeyo, loona duceeyo, aad iyo aad ayaan ragii munaasibadan ka soo shaqeeyey ugu bogaadinayaa.”

“ Sidoo kalena Madaxweynaha qarankuna wuu mudan yahay in loogu hambalyeeyo iyo in looga mahad-naqo, hoggaamiyaha ummaddu waxa wanaagsan ee uu qabto, bulshadda odayga uu u yahay waa inay ku hambalyeeyaan, isaga, kaaliyeyaashiisa iyo cid kasta oo xil haysaba waa in la yidhaahdaa, si wanaagsan ayaad wax u qabatay. Madaxda Ummadda u talisa iyo kuwa u shaqeeyaba, waxa mudan in lagu bogaadiyo waxa wanaagsan ee ay qabtaan, sidoo kalena wixii dhaliil ah in la toosiyaa waa daw, iyaduna xikmad ayey leedahay, hoggaamiyaha Ummaddu waa bini-aadam, iyo madaxda ummadduba, haday khaldamaan ama gafaan waxa ay leedahay nidaam sharci ah oo loo saxo, waraaq ayaa loo qori karaa, waa loo tagi karaa, waa lala talin karaa, dhaqankaas waxaa moodaa inuu bulshadeena aad ugu yaryahay, waxa laga yaaba inuu Tv-ga la soo fadhiisto cay, canbaarayn iyo dhaliil, xataa adaabta sharciga Islaamka kuma banaana “ Nasiixatu amaama naas fadiixa,” ayaa la yidhi, hadaad qofka Tv-ga u soo fadhiisato dee tallo maaha taasi, waa fadeexad, laakiin hadaad doonayso inaad maagto waa meesheeda waa badheedhe.

Wasiir Xaashi ayaa geesta kalena hambalyey La-taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha ciyaaraha, waxaanu yidhi  “ Maxamed Cumar Cabdi (Xato) isagana waxaan ku hambalyeynayaa xilka cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u magacaabay, waxaanan qabaa in loo duceeyo xilkaa in ILAAHAY uu ku gargaaro. Xaqiiqdii xisbiga KULMIYE wuxuu xaqiijiyey himilooyinkiisii, Axmed Siilaanyo-na wuxuu ahaa gadhwadeenkii xisbiga, wuxuuna noqday Madaxweynihii dalka, xisbiga KULMIYE hortii dhallinyaradu xamaasad iyo jawi caadifadeed oo ay xil ku sugtaba may lahayn, waxa hor fadhiyey dad waaweyn, hasayeeshee Xisbiga Kulmiye iyo Madaxweyne Siilaanyo waxa ay sabababeen inuu Kuyuugu soo dhawaado, imika usha cirkaa loo tuuro nin walowba filo, taasaa inoo xeera, xilkii la soo magacaabayo-ba nin walowba filo.”

Xubno ka mid ah masuuliyiinta ka qaybgalay kulanka oo hadallo ka jeediyey kulankaasi, ayaa erayo bogaadin, hambalyeyn iyo dhiirrigelin ay la barbar istaageen La-taliyaha Madaxweynaha ee Ciyaaraha kadib waxay ka xog-warrameen doorka xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisu ay siiyeen dhallinyarada Somaliland iyo kaalinta ay kaga jiraan ee uu hormoodka ugu yahay Madaxweynaha Qaran Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso