Tacsi Guddoomiyaha Kulmiye u dirayaa Marxuumiinta kala ah

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

11 June 2017

TACSI GUDDOOMIYE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoysaska, qaraabada, ehelada, bahda dhaqanka iyo bahda waxbarashada iyo guud ahaan shacabka Somaliland ee ay ka baxeen Alle ha u naxariistee Marxuumiinta kala ah; Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi (Suldaan Baxar) oo ku geeriyooday Hargeysa xalay oo taariikhdu ahayd 10/06/2017 iyo Prof. Muuse Cumar Galde oo ku geeriyooday magaalada Boorama maanta oo taariikhdu tahay 11/06/2017.

Marxuum Suldaan Ismaaciil Aadan Xirsi (Suldaan Baxar) waxa uu ka mid ahaa madaxdhaqameedka dalka, gaar ahaan Hargeysa ee ka soo shaqeeyey arrimaha nabadgalyada iyo wada noolaanshaha ummadda reer Somaliland.

Halka Marxuum Prof. Muuse Cumar Galde oo ka mid ahaa aqoonyahanka reer Somaliland ee muddada badan tacabka galiyey inuu dadkiisa uga faa’iideeyo cilmigiisa, isagoo macallin ka ahaa Jaamacadda Camuud, balse xaqii Alle ugu yimi saaka xilli uu isu diyaarinayey shaqadii uu ummadda u hayey, iyadoo sidoo kale geeridiisa ay raacday oo iyaduna naxdin darteed ay la xijaabatay gabadh uu dhalay.

Guddoomiyuhu waxa uu dhammaan Marxuumiintaasi Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoysaska, qaraabada iyo ehelkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Xafiiska warbaahinta xisbiga KULMIYE

Advertisement

Ku Xayeysiiso