Axkaamta Ramadaanta Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 15aad Fadliga cibadaada habeenki

Axkaamta Ramadaanta

 

Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Qaybtii 15aad

 

Fadliga cibadaada  habeenki

Ramadaan waa bil cibaado, wax kasta oo san oo la sameeyo bishaa abaal gudkeedu waa mid la labban laabo, dheeraadka bishu wadato awgeed. Sidoo kale waa bil khayr leh oo wixi xumaan wada albaabada loo laabo. Rasuulka CSW waxa ka sugnaaday inuu yidhi, “Markay Ramadaan soo gasho; albaabada jannada waa la wada furaa, kuwa naartana waa la xidhaa, shadaadiintana waa la silsiladeeya.” Markaa bishu waa bil sarreedo, oo bilaha kale ka tilmaaman.

 

Sidaa darteed bishan waxa lagu maamusaa in lala yimaaddo cibaado ka badan cibaadoyinka lala yimaaddo bilaha kale. Cibaaddooyinkaa waxa ka mid ah in la istaago habeennimada Ramadaan, oo loo kaco in la oogo salaadaha la yidhaa Taraawiix iyo Tahajud oo labaduba soo hoos gala Salaatul-laylka salaadda loo yaqaan.

 

Haddaba in habeennimada Ramadaan lagu cammiro salaadahaa waa mid Rasuulku CSW dhiri galiyey, “Qofka kaca habeenka Ramadaan, kaas oo la kaca iimaan  iyo dambi dhaaf, waxa la dhaafaa dambigiisi hore iyo dambe ba.” Sida aad ku arkayso xadiiskaa waxa libintaa lagu gaadhayaa waa inaad u soo jeeddo habeenkii Alle dartii. Iska daa wax kalo Alle SWT isagoo ka hadlaya qofka iska hurda habeenkii iyo ka isaga xusaya ee u taagan ayuu yidhi, “Ka habeenkii u taagan xuska isagoo sujuudsan ama taagan, isagoo ka baqaya aakhiro, rajaynaya naxarista Rabbigii, ee miyey siman yihiin ka wax garanaya iyo ka aan waxba garanayn?.” Aayaddaasi si cad bay inoogu kala qeexday labada qof ee midna hurdo midna Allihii u taagan yahay in aanay isku abaal celin lahayn.

Salaadaha habeennimada Ramadaan la tukado waxa markii ugu horreeyey sameeyey Rasuulka CSW sida ay Caa’iishaRc sheegtay Nabigaa ku tukaday masaajidka, dhowr saxaabadiisa ah baa la tukaday, habeenkii labaad buu haddana ku tukaday dadkii baana soo batay, ka dib habeenkii saddexaad markuu arkay in masaajidkii laga soo buuxsamay ayuu u soo bixi waayey, markii waagi baryey wuxuu ku yidhi “Waxa aan idinku soo bixi waayey, waxaan ka baqay in laydinku waajibiyo.”

 

Xadiiskaa waxa aynnu ka faa’idaynaa in salaaddu sunne tahay, haddii Rasuulku CSW uu jogtayn lahaana ay innagu noqon lahayd waajib, Rasuulku CSW wuxu inoo ahaa mid danteena ka shaqeeya oo dhib inala jeclayn, waana sababtuu u soo bixi waayey habeenkaa. Xasuuso kolkii ninkii ku yidhi Rasuul Allow xajku sannad walba ma waajibbaa, ee uu ka aamusay. Markii dambe waa kii lahaa, “Haddaan haa odhan lahaa, waajib bay idinku noqon lahayd manaydaan karteen.”

 

 

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso