Gudaha Ka Eeg :Wasiirka Madaxtooyada Oo Sharaxay Ujeeddada Socdaalka Waftiga Uu Ka Mid-Ka Yahay Ee Burco Ku Sugan + Sawiro

Wasiirka Madaxtooyada JSL Md. Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka mid ahaa wefti uu hogaaminayey Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa Sharaxay Ujeeda safar ay Burco ku joogaan waxaanu yidhi ” weftigaas ujeedadiisu waxay ahayd gurmad ku aadan xaalada gobolka Togdheer ka jirtay maalmahan iyo xanuunka, waxaannu halkan u nimid gurmad iyo gargaar, annaga oo taas ka duulayna waxaannu caawa shir la yeelanay madaxdii kala duwanayd gaar ahaan hawl-wadeenada wasaarada caafimaadka, dhakhaatiirkii, aqoonyahanadii oo uu wasiirku hor-kacayo, maamulkii gobolka, golahadii deegaanka uu duqa magaaladu kor kacayo, shir weyn oo qiimo badan ayuu ahaa, shirkaa waa laysku xogwaraystay, waxana laga hadlay xaalada iyo heerka uu xanuunkani ka marayo gobolka, waxa layska waraystay talaabooyinka inala gudboon inaynu qaadno wakhtigan dhaw iyo wakhtiga fog labadaba, waxyaabahaas oo dhan shirkaa caawaa lagu kala bogtay talooyin iyo go’aamo aad u loxdan ayaana ka soo baxay dhamaantoodna hadii Alle ka dhigo beri ayaanu baahin doonaa.” ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso