Gudaha Ka Eeg :Ciidamada Police-Ka Oo La Wareegay Dhismihii Tiyaatarka Hargaysa .

Maanta Saacaddu markay ahayd 2:00 Duhurnimo waxaa Dhimsaha-Wayn Ee Tiyaatarka Hargaysa ee uu mulkiyadeeda leeyahay Ganacsade Cumar Caydiid la wareegay Ciidamda Police-ka Somalialnd .

Waxaana Wararka aanu ka helaynaa ay intaasi ku darayaan in ilaa hadda ay ciidamadu ay gacanta ku hayaan Dhismaha Tiyaatarka Hargaysa, iyadoo aan xitaa loo oggalayn in uu gudaha u galo Mulkiilaha Dhismahaasi Cumar Caydiid .

Ganacsade Cumar Caydiid oo aanu Goor-dhawayd khadka telefanka kula xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyay in dhismihiisi ay ku wareegsan-yihiin Ciidamo, isla markaana ilaaladii Dhismahaasi laga saaray .

Ganacsadaha oo aan waydiinnay in ay arrintan uu xukuumadda kala xidhiidhay, ama ay iyagu kala soo xidhiidheen, ayaa noo sheegay in aanu jirin xidhiidh dhex maray isaga iyo xukuumadda oo la xidhiidha talaabada cusub ee ciidamdu kula wareegeen Dhismaha Tiyaatarka .

Talaabada lagula wareegay Dhismahan wali xukuumaddu may faahfaahin sababta keentay, Ilaa haddana ma cadda sababta ay xukuumadda Siilaanyo ay xaaladda ugu abuurayso, ganacsade Cumar Caydiid oo Maal-gashi balaadhan gashaday Dalka Somaliland, iyadoo marar badan carqaladaysay Dhismahaasi oo ka mida dhismayaasha ugu waawayn ee laga hirgaliyo Dalka Somaliland .

Advertisement

Ku Xayeysiiso