Afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland oo Kulan Casho Sharaf ah la qaatay Jaaliyada Somaliland ee Birmingham – Warbixin+Sawiro.

Birmingham 29.May 2017 – Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Md Xuseen Aadan Cige (Dayr), ayaa kulan Afur+casho sharaf ah la qaatay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan Magaaladda Birmingham. kulankan oo ahaa mid soo dhawayn iyo is xog wareysi ku saabsan oo ka dhexmaray. Afhayeenka  iyo Jaaliyadda ayaa ahaa mid ku bilowday jawi farxadeed oo ay jaaliyaddu xog muhiima oo la xidhiidha xaaladda dalka uu halkaasi ku siiyey dhamaan Bulshadii halkaasi isugu timid.

Xaflada ayaa waxaa lagu daahfuray Quraan ah oo uu Akhriyey Sheekh Mustafe oo ka mid ah Culimadda Magaaladda Birmingham. Ugu horeyn  waxaa halkaasi ka hadlay Weriye Daahir Ismaciil Xaaji Adan oo ah Suxufi Ruug-cadaaya . Isla markaa ka shaqeeya Tv-ga Qaranka JSL. caana ku ah Barnaamijka DAAHIR IYO DALKA HOOYO. Weriye Daahir ayaa sheegay, intii aan xilalka loo magaacabin Afhayeenka.  inuu ka qaaday wereysiyo badan oo dhinacyo badan taabanay. Waxaana  la odhan-karaa . ayuu yidhi .inuu lahaa shaqsi Aragti Fog, Hufnaan Karti Iyo Hami Sare , kuwaasi oo ka mid ahaa. Sifooyinka uu waqtigaasi soo bandhigay in ay ahayd sifaha ugu mudan in lagu doorto Masuul .  ugu danbeyn waxuu hoosta ka xariiqay. inuu yahay Afhayeenku Siyaasi  aragti fogaantiisu dheer-tahay. .

Waxa halkaasi isaguna ka hadlay oo magaca Gudidda Kulmiye Birmingham afkoodda ku hadlayey.  Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Laantiisa Birmingham Md Maxamuud Xirsi Duuduu oo mahadnaq Balaadhan halkaasi uga soo jeediyey jaaliyada ku dhaqan Magaaladda Birmingham iyo Nawaaxigeedda . sida sharafta iyo milkaha leh ee ay uga soo wada qayb-qaateen isuguna xilqaameen inay Afhayeen-ka Somaliland soo dhaweeyaan una sameeyan kulankan Afur+ Casho sharafta ah oo qiimaha gaarka inagu leh.

Intaa ka-dibna Afhayeenka , Ayaa ugu horaynba faahfaahin dheer ka bixiyey ujeedada safarkiisa iyo xaalada dalku marayo

Waxaa uu sheegay waxii horumara ee dalka ka qab-soomay Sida. Qorshaha DP WORLD ee Maal-gelinta Dekedda Berbera Iyo Hiigsiga xukuumadda Md. Axmed Siilaanyo oo ay ka go.antahay . In ay Dekedda Berbera Noqoto Xarun Caalami Ah Oo U Adeegta Geeska Africa.” Higsigeedu yahay sidii dekeddu ugu adeegi lahayd dalka Itoobiya iyo waddamada kale ee aan Badda lahayn, ayuu yidhi afhayeenku taasi oo kor u qaadaysa awoodda dekedda iyo heerka adeegyadeedda.


Waxay kaloo uu raaciyey in shirkadda Dp World  qorshaheeddu yahay . in la furo marinno badan oo maraakiibeed si loo helo khadad cusub oo ganacsi. Iyadoo taas laga shiidaal qaadanayana ayuu yidhi Afhayeen Eng. Xuseen Deyr waxay samaynaysaa maalgelin degdeg ah si Somaliland u gaadho higsigeeda oo ah Horumar, Xukumadda Somaliland waxaa u kordhaya dakhligeeda, taas oo ay ugu wacan tahay Heshiiska dekedda Berbera


Ugu Danbeyn. Waxaa uu kula dar-daarmay jaaliyada reer Birminham Uk .  inay xooga saaraan sidii ay dalka wax ugu soo kordhin lahaayeen uguna shaqeyn lahaayeen . Waan ogahay ayuu yidhi . sida aad dedaalka ugu jirtaan in dalku uu noqdo mid ka tirsan dawladaha caalamka ee la aqoonsan yahay , taasi oo markasta loo baahan-yahay . In xil gaarana aad  iska saartaan, kana war haysaan . Hawlaha dalka ka socda .siiba dib u dhiska wadooyinka iyo mashariicda kaleba.  Afhayeen Eng. Deyr ayaa sheegay in lagu kala dheereeyey reer Birmingham oo aan ka mid ahaa muddo badan.  looga fadhiyo sidii ay dhinacooda uga tiirin lahaayeen dedaalkaa horumarka leh iyo gurmadka loo sameynayo mashruuca faa.idadda badan ee madaxweynaha Somaliland Md axmed Siilaanyo uu daah furay . kulankaasi ayaa ku soo gabagaboobay sidii loogu talagalay.


Adan Yusuf Elmi

Birmingham/UK

Advertisement

Ku Xayeysiiso