Siyaasadda Kursiga… Sheeko Dhab ah Na Dhex-Martay Siyaasi Caan Ah Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Waxaan ogaa tijaabadii uu soo maray mudane Jamaal Cali Xuseen laga bilaabo 2011-2016, waana la socday fikirka ay siyaasaddiisu ku salaysnayd, fikirka Mudane Jamaal Cali Xuseen maaha mid isaga u gaar ah, balse waa mid ay wadaagaan dabaqada sare ee siyaasiyiinta Somaliland 99% hadaanay ahayn 100% qiyaastayda.

Fikirkaasi waxaan ugu yeedhaa (Siyaasadda Kursiga), nuxurkiisuna wuxuu yahay in qofku uu siyaasadda u soo galaayo kaliya inuu kursiga qabto oo uu magac iyo maamuus ku helo, laakiin aanay jirin qadiyado uu difaacaayo oo iyada daraadeed u soo galaayo siyaasadda.

Asalka waxa ah inuu qofku dantiisa gaarka ah ka shaqeeyo oo uu ku koobnaado, laakiin waxa qofka dantiisa gaarka ah ka soo kaxaynaysaa waa inay noqotaa dan guud oo uu doonaayo inuu xaqiijiyo laakiin maaha dan gaar ah oo kale.

Way ka jirtaa dhamaan caalamka oo dhan inay soo maraan mararka qaar siyaasiyiin hadafkoodu yahay inay magac iyo manfac gaar ah ka helaan kursiga, laakiin caalamka kama jiro dal dhammaan siyaasiyiintiisu ay u socdaan dano gaar ahaaneed, dabcan marka laga reebo dalalka burburay.

Qofku inuu kursiga raadsadaa oo kaliya waa arrin khaldan oo ay diinteenuna diiday, laakiin ta loo baahan yahay waa inuu qofku xilka u raadsado si uu u xaqiijiyo arrin dan guud ah oo u muuqata oo uu  dareemaayo in haddii uu xilka qabto inuu si fiican u fulinaayo.

Hore waan ugu ogaa inta ugu badan siyaasiyiinteena inay yihiin kuwo aan difaacayn qadiyado dan guud ah, laakiin waxaan muhiimad gaar ah siiyaa siyaasiyiinta cusub ee saaxadda soo gala, si aan uga dhex raadiyo qof Somaliland ka badbaadin kara jidka burburka ee ay si xawli ah ugu socoto.

Waxaan helay mudane Hebel (waa siyaasi dhab ah oo jira, balse ma jecli in aan magaciisa shaaciyo, hadafkuna maaha in aan shakhsi qudha ceebeeyo, balse waa in aan dhaliilo fikirka khaldan ee ay siyaasiyiinteenu ka fikiraan) wuxuu waxyaabo badan ka shabahaa mudane Jamaal Cali Xuseen dhinacyada aqoonta, da’da, shaqooyinka caalamiga…iwm, in kastoo uu dheer yahay mudane Hebel arrimo kale oo door ah oo ay ugu muhiimsan tahay inuu si weyn ugu xidhan yahay dhalinyarada baraha ay dhalinyarado ku wada hadlaan, taasoo aniga indhahayga si gaar ah u soo jiidatay oo run ahaantii I jeclaysiisay.

Mudane hebel waxa na dhex maray wada sheekaysi dheer oo ilaa laba saacadood qaatay, maalintii ka sii horraysay ee aanu ballamaynayna waxaan u sii sheegay inuu si fiican u soo diyaar garoobo maadaama aan hayo su’aalo badan oo isaga khuseeya, maadaama aan ahay qof si fiican ula socda wararkiisa.

Wada sheekaysigaasi wuu dheeraa, laakiin aan ka soo hal-qabsado inta khusaysa mawduucan.

Marka ugu horraysa siyaasi hebel wuxuu igu raacay qoraalkayga intiisii hore oo dhan oo ahayd in qofku ay waajib tahay inuu siyaasada u soo galo si uu u difaaco qaddiyado dan guud ah, oo aanay habboonayn in qofku isagoo madhan aanuu iska odhan siyaasi ayaan ahay.

Waxaan waydiiyay siyaasi Hebel: waa maxay qadiyadaha aad adigu siyaasada u soo gashay si aad u difaacdid oo aad uga timid danahaagii gaarka ahayd?

Siyaasi Hebel wuxuu xusay dhawr arrimood.

Waxaan caddaymo aan shaki gali karin ugu caddeeyay in xisbiga uu galay uu dhamaan arrimahan uu sheegaayo inuu si cad uga hor imanaayo.

Wuxuu ii sheegay inuu xisbiga u soo galay inuu dhammaan arrimahan uu saxo.

Waxaan ku idhi waad sixi kartaa adigoo aan galin oo magacaagii aqoon-yahannimo aan dhooqayn.

Wuxuu yidhi laakiin marka aan galo ayaan helayaa jaanis ka sii fiican oo aan wax ku saxo.

Waxaan waydiiyay: goorma ayaad ka quusanaysaa xisbigan aad ku biirtay oo aad ka bixi doontaa?

Wuxuu ii sheegay in aanuu marnaba ka baxayn oo aanuu fulay ahayn.

Waan ku cel-celiyay su’aashaasi: wuxuu aakhirkii iigu jawaabay marka uu ka baydho dastuurka JSL iyo qaddiyada gooni-isu-taagga Somaliland.

Waxaan u caddeeyay in xisbigiisu uu si cad dastuurka u jabiyay, laakiin dooda waan iska sii waday oo meelo kale ayaan la galay si heer-kulka doodu ay u yara qabawdo.

Maxaa ka dambeeyay….

Wuxuu si hoose iigu sheegay in marka uu xisbiga ka baxaayo ama iska casilaayo ay tahay marka uu xisbiga dhexdiisa uu jiri waayo tartan xalaal ah oo ku saabsan jagada musharaxnimada madaxweyne, oo ay dhacdo in qaab reereed laysugu wareejiyo mansabkaasi.

Mar labaad ayaan la soo booday su’aalahaygii oo waxaan ku idhi: oo markaasi aniga waxaad iila mid noqonaysa mudane………………. Iyo mudane………………. Iyo kuwa la mid ah, taasina waa siyaasad caan ka ah Somaliland in qofku aanuu mabda’ meel u joogin ama uga bixin balse danihiisa gaarka ah uu xisbi ugu biiro ama uga baxo.

Siyaasi hebeloow adigu iskumaad casilin musuq-maasuq jiray awgeed oo aan la doonayn in wax laga qabto, iskumaad casilin dulmi jiray darteed oo la isku raacay, iskumaad casilin maamul xumo jirta awgeed oo aan la doonayn in la hagaajiyo, ee haddaad isku casishay kursigii musharaxnimada awgeed oo aad hadhaw odhan doontid sida mudane Jamaal Cali Xuseen dulmi ayaa dhacay ee I difaaca, raali ahaw, marka horeba annaga noomaad socon ee dantaada gaarka ah ayaad u socotay.

Taasina waa siyaasadda kursiga.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso