Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Oo Tacsi Diray .

XISBIGA MIDNIMADA IYO HORUMARKA JSL EE KULMIYE

20 May 2017

TACSI GUDDOOMIYE

 

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

 

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada iyo Horumarka Jamhuuriyadda Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyska, qaraabada, ehelada iyo shacabka Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdirashiid Axmed Jaamac oo ku geeriyooday magaalada Hargeysa maanta oo taariikhdu tahay 20 May 2017.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu geerida Marxuum Cabdirashiid Axmed Jaamac si gaar ah uga tacsiyadaynayaa qoysaska reer Axmed Jaama, reer Maxamed Jaamac iyo reer Maxamed Kaahin oo ah Guddoomiye-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE oo Marxuumku ahaa seedigii.

Guddoomiyuhu waxa uu Marxuumka Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada iyo ehelkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo.

 

Aamiin….Aamiin….Aamiin.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso