Maxay ka dhigan tahay in 200.000 oo Kaambiyuutar la weeraray oo kala yaallay in ka badan 150 dal?

Sabtidii toddobaadkan ayey idaacadaha reer Galbeedku faafiyeen war ku saabsan in la weeraray Aaladda Computer-ka. Ugu yaraan waxa la weeraray 200,000 oo computer oo yaallay ugu yaraan 150 dal oo dunida ah. Waxaanay dalalkaasi u badnaayeen qaaradda Yurub (gaar ahaan Galbeedka Yurub) iyo Ameerika (Maraykanka iyo Kanada). Dhacdadan waxa lagu sheegay inay tahay weerarkii ugu weynaa taariikhda ee dhinaca Computer-ka.

Marka aynu dib u noqonno 17 sannadood, taariikhdu markii ay ahayd, 11 Sibtambar 2001-dii, waxa la weeraray laba daarood oo uu Maraykanku lahaa, waxaana halkaas ku dhintay ku dhawaad saddex kun oo qof, halka illaa lix kun oo qof oo kalena kaga dhaawacmeen, waxaana weerarkaas sheegatay koox Al-Qaacida la yidhaahdo. Weerarkaas kadib, waxa uu Maraykanku iclaamiyey dagaal lagu qaadayo wax argagixiso lagu sheegay (illaa hadda ma fahamsani xaqiiq ahaan waxa ay argagixisadu tahay, waxa aan ka maqlaa uun idaacadaha reer Galbeedka), waxaana aad loo xasuustaa hadalkii uu wakhtigaas yidhi madaxweynihii Maraykanku: “Caalamku ama ha nala jiro, ama ha naga soo hor jeedo”, iyada oo aanu madaxweynahaasi bixin doorasho labadaas u dhaxaysa (yacnii lama ogola cod dhexdhexaad ah). Intaaas kadib, waxa magaca argagixisada lagu xalaashaday burburinta dalal badan oo Islaam ah sida Ciraaq oo laba sanno kadib bishii Maarij ee sannadkii 2003-dii, waxaana lagu bannaystay daadinta dhiigga shacab badan oo Islaam ah, iyada oo aan loo aabbo-yeelayn maati, maxas, oday, islaan, rag iyo dumar midna. Dhacdadaas qarxinta labada daarood, waxa ay ahayd taariikh aan hore loo arag, waxaana ay dhashay wax aan hore loo arag, dad badan oo war-moog ahna waxa lagu qanciyey in dadkaas sabab la’aanta dhiigooga loo daadinayo ama dalalkaas la duminayaa ay argagixiso yihiin amaba ay caawiyaan!

Maanta iyo dhacdadan Kaambiyuutarrada la weeraray, maadaama oo ay tahay dhacdo aan hore loo arag, waxa iyana ay keeni doontaa wax aan hore loo arag. Sida aan filayo, waxa lagu eedayn doonaa Kuuriyada Woqooyi ama Jaaynaha (China), waxaana lagu xalaashan doonaa dagaalka lala maagan yahay Kuuriyada Woqooyi iyo Jaaynaha. Bal u fiirso, weerarka la sheegay in lagu qaaday Kaambiyuutarrada, waxa uu u badan yahay dalalka dulmiga isku bahaystay ee ku midoobay NATO, inta kale ee soo raacda ee Kaambiyuutarradooda loo dhacay, waxa aan filayaa in looga jeedo si loo marin-habaabiyo caalamka.

Ugu dambayn, waxa aan hubaa in dhacdadan lagu xalaashan doono burburinta dalal cusub, laguna bannaysan doono daadinta dhiig hor leh!

Qore: Maxamed Sharma’arke

Facebook.com/Maxamed Sharma’arke

Sharmaake91@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso