Baaqa Loo Jeedinayo Jaalliyadaha Somaliland Xuska 18 May 2017

Sannad-guurada 26aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland 18 May 1991, waxa ay ku soo beegantay sannadkan 2017 xilli dalkeennu ku jiro abaar laba jirsatay oo saamayn weyn oo taban oo dhaqaale, bulsho iyo deegaanba ku yeelatay dalka guud ahaan, gaar ahaanna barakac iyo caydh dhaxalsiisay  laf dhabartii dhaqaale ee dalku lahaa –  waa bulshadeennii xoola dhaqatada ahayde.

Xuska Qaran ee 18 May 2017, waxa aynu u oogaynaa sannadkan sidii uu ku dhawaaqay Madaxweynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kuna magacaabay Gudida 18 May ee Kasoo Kabashada Abaaraha iyo Taakulaynta Dadka Barakacay, iyo sidoo kale Wareegtadii heer Wasaaradeed iyo lIfaaqqii la socday ee aan idiin soo gudbinay oo intaba ay sannadkan udub dhexaad u tahay dhaqaale u ururinta ka soo kabashada abaaraha iyo taakulaynta dadka ku tabaaloobay.

Hay’adda Qurba-joogga Somaliland waxay ku dhiirrigelinaysaa, ku boorrinaysaa, oo ku adkaynaysaa dhammaan jaalliyadaha sharafta iyo karaamada leh ee qurbajoogga Somaliland ee wadamada caalamka ee ku sifoobay danjirenimada, deeqsinimada, daacadnimada, dadaalka iyo kartida, hiil iyo hoo ay dadkooda iyo dalkooda usoo gurmadaan, garab istaagaan oo gacan siiyaan markasta oo marxalad adag lagu jiro; inay xuska qaran ee sannadkan 18 May 2017 uga faaiidaystaan fursad dhaqaale ururineed aan ku taageerno kaalinta innagaga beegan sidii loo fulin lahaa Mashruuca Ka-hortagga Abaaraha & Taakulaynta Dadka ku Barakacay ee reer Somaliland.

Walaalayaal, waxa aan qirayaa culays badan oo idin saaran iyo duruufaha idiin gaarka ah, balse hadana xaaladda maanta taagani waa mid aynaan u kala hadhi karin, ee isku tashada, iskaashada, oo wadankasta oo aad joogtaan u midooba inaad soo ururisaan qaadhaanka inta la idinku qaybiyay 27 jaalliyadood oo qadarkeedu dhanyahay US$ 660,000 sida faahfaahinteeda aannu wargelinnay dhammaan gudiyada jaalliyadaha Somaliland, Ilaahayna ha idiin fudaydsho.

Waxa aan rajaynayaa inaad dhammaantiin u gudan doontaan xilka iyo waajibka idinka saaran inaad u qabataan munaasibadda xuska 18 May 2017 ee wadamada debadda sida uu qorshuhu idinku soo gaadhay leh barnaamijyada debadbaxyada (Demonstrations) aad ku muujinaysaan rabitaankeenna, gudbinta dhambaallada codsiga ictiraafka, kulamada qaabilista (Receptions) isticmaalka warbaahinta (Media Exposure) iyo qabashada xafladaha qaadhaan ururinta (18 May Fundraising Events) oo iyada taasi tahay mid jaalliyad waliba wadayso inta ay ka gaadhayaan kharashka lagu qaybiyay illaa 26 June, 2016 haddii Alle Idmo

“Halku-dheggeennu waa debbaal-degga Maydan, aan ku daryeello dadkeenna”

 Cabdi Cabdullaahi Xirsi (Dayaxweerar)

Guddoomiyaha Hay’adda Qurba-joogga Somaliland

Distribution breakdown of the Required Diaspora Contribution into 27 Countries:

No

Country

Pledged amount

Remarks

1

UK

$200,000

2

Sweden

$40,000

3

Germany

$20,000

4

Norway

$20,000

5

France

$20,000

6

Denmark

$15,000

7

Switzerland

$15,000

8

Finland

$10,000

9

Belgium

$7,000

10

Holland

$7,000

$354,000.00

11

Canada

$40,000

12

US

$45,000

$84,000.00

13

Australia

$30,000

$30,000.00

14

UAE

$40,000

15

S/Arabia

$30,000

16

Qatar

$35,000

17

Kuwait

$7,000

18

Bahrain

$5,000

19

Oman

$10,000

$127,00.00

21

Djibouti

$15,000

22

South Africa

$10,000

23

Kenya

$10,000

24

Tanzania

$10,000

25

Uganda

$7,000

26

Ethiopia

$5,000

27

Sudan

$7,000

$64,000,00

TOTAL

$660,000.00

$660,000.00

Waxa la soo dhawaynayaa jaalliyadaha wadamada aan halkan lagu xusin balse jecel inay ka soo qaybgalaan ka-hortagga abaaraha iyo taakulaynta dadkooda, iyo sidoo kale jaalliyadaha jecel inay ka badiyaan qadarka lacageed ee lagu qoondeeyay. Gaar ahaan Suudaan, dadka laga doonayo inay soo bixiyaan lacagta lagu qoray badi waa Somalilanders-ka u shaqaynaya hay’adaha qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ahba ee halkaas

 

Akoonnada Lagu Dirayo Qaadhaanka Abaaraha ee 18 May 2017:

 

BAAKA DHEXE JS:                             880

DAHABSHIIL:                                     HRGD60618

ZAAD:                                                 4000101

E-DAHAB:                                            9444822

 

“Halku-dheggeennu waa debbaal-degga Maydan, aan ku daryeello dadkeenna”

Advertisement

Ku Xayeysiiso