Xoriyo Nin agayaa Ha Guursaddo !!!

XORIYO NIN GAYAA HA GUURSADDO!!!!!

Q/1aad Qalinkii Mahad Cali-Salaan 

                                                         

Gumaysigu hashuu naga dhaceen,gurayey raadkeeda

Gu’yaal iyo gu’yaal badan,gama,a noo diiddey

Goobtey istaagtaba hashaan,joogey garabkeedda

Guuraa habeennimo hashaan,gebi walbaw jiidhnay

Waxaan soo guclaynaba hashaan,rag isku soo gaadhney

 Gaashaan-dhiigeedii hashuu,gawowgu eedaamay

 Hashii geeddankeedii rag badan,goodku ku casheeyey

Hashay labada gaalee is barkani,geydh u diriraysey

Gacmaa lagu muquunshaye xornimo,noo umay garane

Gare iyo guntane maalintay,gees isugu booddey

Allaa noo gargaaraye markuu,shicib guulaystey

Geerarradeedii hashaan,anigu googgooyey

Galool iyo maraagiyo hashaan,kidiga geylaanshay

Gaajiyo harraad badan hashaan,ugu googgooyey

Goortuu sidkeedii go’aye,galabti fool qaaday

Ayadoo candhada giijisoo,godol fool qaadday

Garaad mid aan lahayn bay la tahay,waad ka gaaggixine.

Annagoo gantaalaha dhaciyo,haysan gori gaaban

Hashaangeedda-weynow libaax uga gabboon weyney 

Inaan garaya-cawl ugu tagaa,waa hal soo gudhay.

                                               

Dhamaan waxaan salaamaya bulsho weynta Somaliland mid qurbo jooga iyo mid qolqol joogaba As-salamu alaykum.

Taxanahan qoraalka waxaan si mug iyo miisan leh ugu xaqiijineyna Gobannimo iyo Gayaankeedda,waan la socona in doorashadu dhacayso insha-allah March 2017.

Waxaa tartan doorasho gali doona sadax u taagan Musharaxa Madaxweynaha Somaliland waxaana:

1-Musa Biixi Cabdi.

2-Cabdiraxmaan Cabdilahi Ciro.

3-Faysal Cali Xuseen.

Saddexda musharax ayaa u tartamaya in mid ku fadhiisto dhabta Gobanimo shanta sano ee soo socota si uu u xukumo dalka iyo dadka Somaliland.

Akhristoow weli si qoto dheer ma ugu kuur gashay Gobannimo waxay tahay? Se ma ogtahay wuxu yahay Gumeysigu iyo Gunnimaddu? Se ma ogtahay sidey ku timid Gobanimadda Somaliland iney ku timid qori caradeed iyo dhiig?

Se ma la socota in Gobannimadda manta aynu haysano in ay u shahiideen110,000 Mujaahid,una dhawacmeen 130.000 mujaahid,una burbureen Magaalooyinka Somaliland,kuna  khasaareen 600 Bilyan U.S Dollar?

Maxaad ka dareensan tahay in Gobannimada aad maanta haysato ay codow iyo nacab badani ku soo maqan yihiin mid gudaha jooga iyo mid dibadaba kaa jooga?

Se ma ogtahay kuwii keeney in wali ay qaar ka nool yihiin ooy ilaashanayaan Gobannimada?

Akhriste adiga oon meel fogba ka dayin jawaabaha kala gedisan ee maskaxdaadu ka bixinayso su’aalaha kor ku xusan,bal ii yara kaadi aan dib kuu xusuusiyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martey Gobanimadda aad maanta ay haysato Somalilnd,Waxaa halgankii xoriyadda Somaliland  1981 ilaa 1991 ka qayb qaatey dhamaan burshadda Somaliland mid naftiisa u hura,mud xoolihiisa u hura,mid qalinkiisa u hura,mid murtidiisa u hura,mid dhawaca qaada.

Hadaba halganku wuxuu lahaa hormood iyo Hogaamiyaal waxaa mudo dheer soo hogaaminayey Madaxweynaha maanta Ahmed Maxamed Siraanyo.

Horyaaladii halganka qaarna ilahay how naxariistee halganka ayey ku shahiideen iyadoo lagu jiro,Qaarna markey xoreeyeen ayey shahiiden,qaarna waa nool yihiin.
Musharax Muse Biixi wuxuu ka mid yahay hormoodadii halganka inta ka nool maanta,tan kale ilahay ayaa u gartey inuu musharaxyada ka mid noqdo saddexda u sharaxan 2017 in mid uu guursado xoriyo.

Hadaba miyaaney habooneyn in kii u qalma aynu kursiga ku fadhiisino arintuna noqoto “XORIYO NIN GAYAA HA GUURSADDO”

Musa Biixi Cabdi isagoo 30 jir ah ayuu naftiisa u hurey sidii Gobannimo loo heli lahaa wuxuu Mareykan uga yimid 1985 inuu dalkiisa xoreeyo,wixii uu lahaa xoog,cilmi iyo aqoon ciidan,karti wuxu isagu geeyey inuu ciidankii labaad ee Afrikada Modow ugu weyna inuu jabiyo,Mujaahid Muse wiig marku ka sokeeyey Maraykanka wuxuu joogey Foranta iyo Xuduudka wuxuuna ahaa hogaamiyaha jiida hore ee galbeedka.

Hadaba Maanta haduu Muse Musharax yahay miyaani abaal inoo galin xornimadda aynu haysano iyo Gobanidda maanta lagu tartamayo ee aynu hadhsaneyno yer iyo weynba.

Somalidu waxay ku maahmaahda “Abaal nin gala waa la arka,se nin guda lama arko”

Waxaan leeyahay dhalinta iyo ummada Somaliland Mujaahid Muse Biixi wuxuu inagu leeyahay abaal ee aynu codkeena ugu abaal gudno oo kursiga iyo dhabta Gobanimo ku fadhiisino.

Haddii kale waxaynu noqon abaallaawe:

Marka hore gun baan ahay- Gobannimo waxay tahay

Nimaan geyin ayaan ahay – Abaalkii la ii galay

Nimaan gudin ayaan ahay – Gacalkiyo shisheeyaha

Kala garan ayaan ahay – Ganbo iyo quudheed

Bakhti iyo gun iyo lacag – Lagu soo gataan ahay.

Dareenkoodu wuxu yidhi:

Ninkii ii dagaalamay – Ninkii duurka iigaly

I duldhigey naftiisa – Kama daro abaalkee

Inaan doorto keligii – Darajiyo u xidho duub-

Madaxweyne iidiran – Uga dhigo dalkoo idil

Shacabkey dantiisiyo tahay dawadiise – Ugu deeq codkaagoo Muse ayaan la dacal marin

Dulmi iyo dhibtaan qabay ninkii daba ka jooge – danihii gaarka halgankii ka doortee-I

Iyo kii dafacee ugu dhacay dab iyo hollac – Tariikhda dahabka midba baalku daabacan-

Shacabkey dantiisiyo tahay dawadiise – Ugu deeq codkaagoo Muse ayaan la dacal marin

Musharax Muse Biixi waa shakhsiga Gobannimana inta ay tabaneyso ee masruuf iyo mariinba leh u dhameynaya taasi oo ah horumar dhaqan dhaqaale,Difaaca dalka,ka hortag adag abaarahan soo noq noqonaya iyo aqoonsi buuxa.

Cadowga hareeraha ee inoo ciilka qaba waxa banaanka inaga marinaya waa Musharax Muse.

Waxa ay Gobannimadu tahay waxaa inoo sheegi doona  dareenka dadka iyo abwaanadeena.

Dareenkoodu wuxu yidhi:

-“Guul laguma helo weerar aan laga gedoonane Gobanimo ninkii doonayoow geeribaa imane”.

-“Hadba geed is maris baa u hadha,guul dad leeyahaye,miyaan geedddi-baabow arladu,galinna waayeynin.

“Gobanimada somaliland Waa gundheer tahaye – Gacan siiya waa lagu hirtaa geesi qaaliyahe.

Wabilaahitawfiiq.

Mahad Ali-Salaan

Bristol

mahadpobox@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso