Doorkan yaynu doorana oo dawadeena heli kara Qaybtii 1aad

Doorkan yaynu doorana oo dawadeena heli kara Qaybti 1: Hassan Hussein Abdi (Haidaro)

Haa waa aynu daalanahay, daal horena waa aynu ka soo baxnay, waxii maal iyo mood aynu haysanay waxa aynu galinay in faqash la tukhaan tukhiyo, iyadiina tagtay oo farxad iyo raynrayn dareemnay mudo kooban laakiin maanta xalki ma aynu gaadhin. Dawladay dadwaynahu raadinayeen lama gaadhin wali, laakiin dalki waxa xukuma qaar inooga yara dhow kuwii hore, laakiin meelo badan waxa ay uga eeg yihiin dawladii lagu boobay. Maanta dalku waa dimoqraadi nasakhan oo waxa aad fursad u helaysa in aad u codayso cida aad doonto laakiin haddana xor ma tihid si aad u doorato qofka aad dan moodo, waxa lagu galiyay cabsi kale oo ah haddii aynu xukunka wayno waxa aynu noqoninaa gun oo reer hebelba inoo faani, tani xabsi kale oo ka xun kii qoriga kula hortaagna ee ku laha haddanad i raacin waan ku dilaya. Waa tan mushkilada xanibtay fikirkaagi iyo aragtidaadi madaxa banaanayd ee aad ku intifaacsan lahayd ee aad ku dooran lahayd in aad xulato qof dalka dhaqaajin kara oo kob cagaar le gaadhsiin kara.
Waxa jiray maqaal aan hore baraha bulshada dhexdooda ku balan qaaday in aan dadwaynaha la wadaago oo aha mid qoran oo aan doonayay in aan soo daayo marka ay balantu gaadho, laakiin waxa ii soo baxay waxyaalo kale oo faro badan oo dabraya fikirka xorta ah iyo ma ku filan tahay in labo hogaamiye lagu kala doorto shakhsiyadooda oo qudha, mise waxa ay tahay in aad eegto barnaamijkooda, kooxaha la socda, aragtida ay xambaarsan yihiin, hogaamintooda iyo taariikhdoodi hore. Tan ayaa u dhow in aad jawaab fiican hesho oo aad wax ku kala doorato adiga oo maanka ku haya saamaynta janjeedkaaga qofnimo oo ku salaysan cida aad danaynayso, dan aad ka dhex aragto ama si kale aad u jeceshahay. Si aad wax uga ogaato shuruudaha aad wax ku kala dooraniso waa in aad samaysa cilmi baadhis kooban oo shakhsiya oo aad raadisa cadaymo lagu kalsoonaan karo oo aad ku badhi taarto wax kala doorashada.
Asxaabtayda qaar waxa ay igula taliyeen in aan maqaalka iska dhaafo sababta oo ah haddii aad wax qorto la eegi maayo fikirka aad xambaarsan tahay ee markiba waxa la raadin reerka aad ka soo jeedo taas oo lagu xukumi doono aragtidaada, tan waxa aan u arkay iyada laftigeeda fulaynimo kale oo ah qalinka dhig oo ah jidka ugu liita, maxa yeelay waxa aad toos ugu biirisa daawadayaasha ciyaarta siddii oo aad daawaniso filim Fiidnaam iyo Maraykan laga matalay oo uu mataloyo atoorihi Jignooris oo dili jiray ilaa dhow kun oo fiidnaama keligii oo aha barobagaando maraykan ku qaraniyo jabkii ka soo gaadhay dagaalki Fiidnaam.
Qofka aynu dooranina waa in aanu ku qanacsanayn sida maanta wax u socdaan, waa in ay ka muuqato haybad hogaamineed, hadal fogaan araga oo hiigsi le, ma leeyahay bar tilmaameed iyo qorshe cad ama jidka uu dalka ku dhaqaajinayo sida in musuqmaasuqa xididada loo siibo, sixir bararka la xakamaynayo, shaqo abuurka dhalinyarta, nolosha dadka jilicsan waxa uu ka qabanayo, haddii aanu kuwan taaban waa hogaamiye madhan, waxa lagu garan kara hogaanimada waa in uu qanciya ruuxda dadka, hadalkiisu waa in uu doodo iyo ididiilo dhaliyo bulshada dhexdeeda, hal abuur iyo fikrado cusub waa in aad ka maqasho mar kasta oo uu hadlo, waa in uu kasban karo dad aanay isku reer ahayn isaga oo aan lacag lagu asqayn, kana koray tolaay igu doorta, ninka si fooyinkan laga helo ayaynu codka siinina sanadkan adag ee aynu galnay. Ta kale balan qaadki baraha bulshada ee ahaa in aan soo bandhigo cida aynu doorano doorashada soo socota wali daaqada kama tuurin ee jidki loo dhigi laha ayaa dheeraaday sidaas aawadeed shakhsiyadaha iyo sheekooyinka ku saabsan musharaxiinta ugu tunka wayn waxa aynu ka dhigan doona maqaalka kan inoogu xiga oo aynu taaban doono si fooyinka ka muuqda musharaxiinta tuumbada ku soo jira.
Hassan Hussein Abdi (Haidaro)
Bare Sare iyo Cilmi Baadhe
HYPERLINK “mailto:hhmadaxyare@hotmail.com” hhmadaxyare@hotmail.com
+ 252 (0)634418302

Advertisement

Ku Xayeysiiso