Ciro Waxa uu ka sameeyey Golaha Wakiilada Noocyada ugu Xun Muuqmaasuqa Qaybtii Labaad.

 

 

Qaybtii Labaad.

 

WQ:Maxamed Dahir Axmed

Mudane,Cabdiraxman Cirro,murashaxa xisbiga Waddani isla markaana ah gudoomiyaha golaha wakiilada 13 sanno ee u danbeeyay,waxa uu ka sameeyay golaha wakiilada musuqmaasuqa noocyadiisa ugu xun xun.

Sida uu dhigayo qodobka 38aad ee distoorka  Jamuuriyada Somaliland waxa mamnuuca ka ah xubnaha golaha wakiilada in ay qabtaan xil kale (public office) inta ay xilka xildhibaano hayaan,waxana reeban in ay u isticmaalaan xilka ay ummada u hayaan in ay ooga faaidaystaan danno gaar ah. Taasi oo si faahfaahsan aynu oogaga hadalay qaybtii koowaad.

Miisaaniyada golaha wakiiladu  ka helo miisaaniyada dawladu waa $3,940,000 (Afar million oo wax yar la),bishii miisaaniyada goluhu waxa weeyi  $330,000 oo dolar,mushaarka,gunooyinka iyo kharashaadka  marka la isku geeyo  bishii waxa uu isku noqonayaa  $200,0000,waxa soo hadhaya  bilwalba $130,000,waana lacagta lagu maalgaliyo xisbiga Waddani.

Taa waxa dheer lacagaha mucaawinooyinka ah ee golaha wakiiladu ka helo haayadaha  kala duwan ee  ee caalamiga ee kala ah Qaramada midoobay,Midowga Urub,iyo haayada baarlamaanada caawisa ee  Awappa la yidhaa.

WQ:Maxamed Dahir Axmed

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso