MURASHAXA WADDANI : MUDANE CABDIRAXMAAN CIRRO WAXA UU KA SAMEEYAY GOLAHA WAKIILADA NOOCYADA UGU XUN MUSUQMAASUQA NOOCYADIISA KALA DUWAN .Qaybtii Kowaad. WQ:Maxamed Dahir Axmed

Mudane,Cabdiraxman Cirro,murashaxa xisbiga Waddani isla markaana ah gudoomiyaha golaha wakiilada 13 sanno ee u danbeeyay,waxa uu ka sameeyay golaha wakiilada musuqmaasuqa noocyadiisa ugu xun xun.

Sida uu dhigayo qodobka 38aad ee distoorka  Jamuuriyada Somaliland waxa mamnuuca ka ah xubnaha golaha wakiilada in ay qabtaan xil kale (public office) inta ay xilka xildhibaano hayaan,waxana reeban in ay u isticmaalaan xilka ay ummada u hayaan in ay ooga faaidaystaan danno gaar ah.

Murashax madaxwayne waa xil wayn oo ay is khaalaafayaan xilka xildhibaanimada golaha wakiilada iyo waliba xilka wayne ee gudoomiyaha golaha wakiilada. Murashaxnimadiisuna waa dan gaar ah,isagoo xilkii xildhibaanimo iyo gudoomiyaha golaha wakiilada ooga faaidaystay in uu xisbi ku samaysto,murashax ka noqodo,ku olaleeyo mansabka gudoomiyaha golaha wakiialda,walibana ku maal galiyo xisbigiisa Waddani  miisaaniyadii loogu talo galay in uu ku guto xilka gudoomiyaha golaha wakiilada .

Taa waxa ka sii daran wakhtigii uu golaha wakiiilada hogaamin lahaa danta qarankana kaa shaqayn lahaa,in uu galayay xisbigiisa Waddani,tani waa dayacaad masuuliyadeed tii ugu waynayd,waayo xil lagugu aaminay ayaad inta aad laabtay,mid aad adigu dantaada u aragto ka door biday.

Marka la eego miisaaniyada faraha badan ee Golaha Wakiilada,cid wali xisaabisay ma jirto,xisaab goluhu shacbiwaynaha Jamuuriyada Somaliland u soo bandhigayna ma jirto,waxana lagu kari waayay golaha  u sameey hantidhawrka gudaha (Internal auditor),la socda saxsanaanta kharashaadka golaha.

Ta kale agab fara badan oo uu goluhu leeyahay oo gawaadhi leh,kompuyuutaro leh,kamarado leh ayaa arrimaha Waddani lagu isticmaalaa,marka waliba laga tago tigidhada dibada loogu baxo iyo shidaalada aan xadiga lahayn ee sifo sharciga ka baxsan loo isticmaalo.

WQ:Maxamed Dahir Axmed

 

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso