Gudaha Ka Eeg :Taliyahii FBI-da Maraykanka oo Ka Jawaabay Xil Ka Qaadistiisa

Gudoomiyahii xilka laga qaaday ee Hay’ada dembi baadhista Maraykanka ee FBI James Comey, ayaa ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyey, waxana uu sheegay in aanu filaynin in sidaa degdega ah xilka looga qaadayo amaba ay xil ka qaadistiisu u dhacayso qaabka ay u dhacday.
Mr Comey ayaa warbixin uu soo saaray oo ay baahiyeen shabakadaha kala duwan ee Dalkaasi Maraykanku waxa uu ku sheegay in inkastoo ay xaaladiisu wanaagsanaan doonto hadana uu waayi doono hay’adii Dembi Baadhista FBI ee uu Shaqadeeda xiisaha u hayey, isagoo intaa raaciyey in wakhtiyada adag ay lama huraan tahay inay shacabka Maraykanku ka arkaan Hay’ada FBI daacadnimo, karti, hufnaan iyo madax banaani.

” waa shay kugu adag inaad ka dhex baxdo dad aad ogtahay inay hayaan shaqo sax ah‘ sidaa waxaa sheegay James Comey, madaxii hore ee Hay’adda FBI ee Dalkaasi Maraykanka.

Aqalka cad ayaa soo saaray xil ka qaadista Comey, ka dib markii lala kaashaday talobixin ka timid Wasiirka Cadaalada ee Maraykanka Jeff Schenz.

‘Adigu ma lihid kartidii aad mas’uuliyadaa ku sii wadi lahayd, aqalka cad-na waxa uu u baahan yahay inuu kalsooni dheeraad ah ka helo shacabka’ sidaa waxaa lagu yidhi Wareegtada uu Madaxweyne Donald Trump xilkii kaga qaaday Taliyihii Hay’ada FBI James Comey.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso