Md Gudoomiye Hoos U Dhaadhac : Somaliland waxay weli u Baahantay Qorshe lagu xoojinayo Garsoorka iyo Cadaalada.

Md, Gudoomiye Hoos U Dhaadhac : Somaliland Waxay Weli U Baahantahay Qorshe Lagu Xoojinayo Garsoorka Iyo Cadaaladda. Madaxweyne Md, Axmed Siilaanyo :

 

 

Waxa uu Barmaamij-Siyaasaddeedkii Xisbiga Kulmiye ku galay Ololaha Doorashooyinka, inay ka mid ahayd : Wax ka-qabashada Cadaalad-darada ka jirtay Maxkamadaha Bulshada loogu Gar-qaado, Iyadoo dhowr jeer intii xukuumaddu xilka haysay , Siiba Gudoomiyaha Maxkamadda Sare uu qaaday talaabooyin qasdigoodu daaran-yahay , dib u habaynta Caddaalada iyo Hay’addaha ka shaqeeya. Sidaasoo ay tahay, dedaal kasta oo laga sameeyey hawshaasi siiba Arrinta Hagaajinta Garsoorka Waddanka,

 

 iyadoo laga duulaayo balan-qaadkii ku xardhanaa axdi-siyaasaddeedkii uu Xisbiga Kulmiye umadda codka kaga kasbaday, hadana weli waxa muuqata inaanay midho dhalin juhdiga lagu bixiyey Hir-gelinta Hufnaan Cadaaladdeed. Waxaan aad iyo aad u Taageer-sanahay Madaxweynaha Somaliland Md, Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Adan Xaaji Cali , sida wanaagsan ee xilkasnimadda leh ee ay u dadaalayaan , si looga baxo, Garsoor- xumada ka haysta Bulshada Somaliland Maxkamadaha Goboladda iyo dhibaatada arintaasi ay leedahay,

 

 iyadoo ay Maxkamadaha Goboladda : taasoo ku imanaysa in Bulshadda dhexdeeda inay badiba Maxkamadaha Goboladda ka dhacaan xukun aan cadaalad ku saleysnayn. Sida uu sheegaayo Xeer-Nidaamiyaha Anshaxa Garsooreyaasha iyo Xeer Ilaaliyeyaasha JSL : Qod.5aad ee Mabaa.diida Guud ee Garsoorka : Waxa lagama maarmaan u ah : Xaqiijinta Caddaaladda ay ummadda Somaliland u baahan tahay. Si loo illaaliyo Madax-bannaanida iyo Sharafta Garsoorka. Waxaynu u Baahanahay : In Garsoorayaasha iyo Xeer-ilaaliyaha dhaqankoodu . markasta noqdo mid kor u qaadaaya kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan Sharafta, Dhawrsanaanta Iyo Madaxbanaanida Garsoorka. Mana haboona : In wax la iska weydiiyo . waxii shaki gelin-kara dhawrsanaantiisa iyo dhexdhexaadnimadiisa.

 

 Waa in markasta la ilaaliyo Hannaanka Caddaaladda ee Somaliland & kalsoonida shacabku ku qabaan, Waxa ay tahay in had-jeer ay dacwad-qaadayaasha iyo Xeer-ilaalinta Maxkamaduhuba u wajahaan kiis walba. inay hab cadaaliya oo madax-banaan, kuna salaysan xaqiiqada . oo aan lahayn wax faragelin dabadeed . In lagu sameeyo. Taasi oo noqonaysa waajibaadkooda in lagu hubin-karo .Qofka saxda ah ee dacwadda lagu qaadayo ama falka dembi ee saxda ah. Markasta Dacwad-qaadayaashu waa inay u hawlgalaan danaha Cadaaladda oo keliya . oo aanay noqon ujeedo ah in xukun qof lagu qaado oo keliya. kana fekeraan : Cadaynta Maxkamaddu isticmaali karto iyo inay tahay mid lagu kalsoonaan karo iyo in kale. Taasina waxaa ay macnaheedu noqonaysaa : – inay markasta qiimeeyaan Tayada cadaymaha ay bixiyeen dhamaan Markhaatiyaashu, ka hor inta aanay go’aan Gaadhin. isla-markaana ay raacaan Hanaan HeerarkiisuTayo leeyahay oo xudun u ah ( Quality Standards).

 

 

Waxaa looga baahan-yahay Dacwad-qaadayaasha Maxkamaddaha Goboladda: inaanay ka leexanin wixii qaanuuno ah ee la xidhiidha xaqiiqooyinka kiiska ay ka garqadayaan ama Hanaanka Dacwadda ka dhigaysa mid mabaadiida sharciga Aasaasiga ah ku qotama. Go’aan Gaadhis-tuna ay noqotaa. inay jiraan cadaymo ku filan oo laga hayo eedaysanaha. Markasta kiiska la dhageysanaayo, Waa in si sax ah loo qoondeeyey, Xaakinkuna u dhaqmayaa si waafaqsan Sharciga. Tusaale : Marka ay Go’aan gaadhayaan. Waa in markasta : ay jiraan cadaymo ku filan oo dacwad lagu qaado iyo in kale. Gudoomiyaha Maxkamadda Sare JSL. Prof. Aadan Xaaji Cali oo tan iyo intii uu qabtey xilka Jagada Gudoomiyaha aad loo Hambalyeeyey . isla-markaana wax-badan ka bedeley nidaamkii garsoorku uu hore ugu shaqayn jirey , Taasi oo dhalisay in isbedel weyn laga dareemay. Marka Mudane Gudoomiye:- Waxaan ku leeyahay hoos u dhaadhac. Md, Gudoomiye Meelaha ugu sii daran waxa ka mid ah, sida qaar ka midda Maxkamaddaha Goboladda iyo Rafcaanka oo loogu tala galay in lagu daweeyo qofku meeluhu ka cabanayo, intanaad u soo gudbin Maxkamadda darajadda Sare , Waxaanad moodaa mararka qaarkood aad is odhanaysaaba . Malaa Maxkamaddaha Goboladda nin qudha. ayaa wadda jooga, sidaa awgeed waxaan Gudoomiye kugu Taageerayaa in aad toosiso meelaha xumaddu ka jirto , si ay Bulshaddu dhibta uga baxdo, Gudoomiye Ilaahayna waxaan kaaga baryayaa in uu kula qabto.

 

 Waxaana muhiim ah in Maxkamaddaha Darajadda Sare iyo Gudidda Cadaaladdu ay markasta Dacwad-Qaadayaasha (Garsoorayaasha) Maxkamadaha Goboladda ku Sameeyaan Dabagal joogta; Siiba sida ay u gaadhaan Go’aannadooda Iyo Heerka Adeegga Dacwad-qaadidda , Marka loo eego Markhaatiyadda Buuxa ee Dacwad kasta . Ma Mareen Sharciyadda Guud oo khuseeya Dariiqa Cadaaladda Mise…?. Maxkamadaha & Garsoorka Dalka Waa U Muhiim Amniga Iyo Horumarka Dalka Guud Ahaantiisa, Haddanay caddaaladdi Jirin Amni ma iman-Karo. Garsoore marka hore waa inuu Ku haboon yahay , Inuu Noqdo Qof Illaah Ka Baqaaya, Aqoon u Leh Waxa uu Ka Garsoorayo, Balwad Laheyn, Bulshaduna ku kalsoon Tahay, Jeebka dadkana ka kaaftoon, Ka Dibna, Waxaa La Rabaa Maxkamadaha dalka in ay Dadka ay ku kalsoon Yihiin , og-yihiinna iney Xaqooda u soo dhicineyso. (MAGACYADA ILLAH ( SWT ) WAXA KA MID AH AL CADUL).

 

Garsoorayaasha Maxkamadaha kala duwan , Waxaan u soo jeedinayaa in Ilaahay garansiiyo , kana soo baxdaan xilka ay u hayaan bulshadda Somaliland , Masuuliyiinta iyo dadweynaha reer Somalilandna waxaan kula talinayaa in ay ka waantoobaan Hantidooda ay meelaha madow ku bixinayaan, oo ay ku xisaabtamaan in uu god madaw iyo xisaabi ka dambayso. Waxana ku soo Kobayaa Cadaaladda Dalku waxay u bahan tahey In Isbedel Dhaba Siiba :- Maxkamadaha Goboladda Iyo Rafcaanka ka Dhaco ee uma Baahna oo keliya. In Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo keliya in La Bedelo. Ugu Danbeyn :- Md Gudoomiye :- Waxaynu u baahanahay sidii loo xoojin lahaa Garsoorka si uu u noqdo mid xoog leh, iyadoo loo baahanyahay in sharciga uu qof waliba ku hoos nool-yahay , shacabka iyo mas’uuliyiintana looga baahan- yahay in ay u hoggaansamaan Sharciga. Muhiimadda ujeedadayda ayaa ku saleysan in Cidda ay aad u khusayso ay isku taxalujiyaan in la saxo wixii ay Cadaalad Dhabi ku suurta-Galayso.

 

 

 -Allaa Mahad Leh-

 

 Garyaqaan : Muxyadiin M.Jaamac 

Burco/Somaliland.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso