WADANI OO DHAN BAASHE CAWIL BAA ISKU DHAAMA

SC,

Saaka oo khamiis ah waxaan usoo qaatay qalinka inaan ku cabbiro aragtidayda ku aadan isbarbar dhiga xisbiga WADANI iyo safiirka somaliland ee dalka emaraadka.

waxaan marar badan maqla Xisbiga WADANI oo ku boorinaya inuu waxtar ugu maqan yahay Somaliland hadday tahay gurmadka abaaraha iyo hadday tahay kor u qaadista qadiyada Somaliand .

markii aan arinka mudo badan eegi taan ku sameeyey waxaa ii soo baxay in danjire Bashe Cawil uu 100% ku hogaaminayo lexejeclada iyo dhinacyada baahida dalka iyo dadkuba u baahan yihiin

waxaa ii soo baxday in xisbiga WADANI uu ku jiro laactan iyo keli sidii uu dadka probaganda iyo wax aan jirin u sheegi laha.

haddan soo qaato madaxda xisbigu intay mar hore Nairobi tageen oo beesha caalamka ashkato ay somaliland ka ashkataynayan ayey markii ay soo laabteena sheegeen in taakulo iyo gargaar u raadiyeen dadka abaaruhu ku habsatay waqti dhowna dowlado iyo hayado imanayan dalka sidii wax tar u geysan lahaayen markale Europe bay tageen meelihi ay marayeen kamay hadal abaaraha iyo sidii bal dowlado iska daayo jaaliyadihii ay la kulmayeen waxtar uga geysan lahaayen keli waxay u socdaalen sidi kharash ay dorashada ku galaan u heli lahaayeen.

halka MD Baashe Cawil uu xaqiijiyey lexejeclada uu dalkiisa iyo dadkiisa u hayo oo indha caafimaad qaba arkayan mashaariicda kala duwan ee uu dalka keenay (Mahadsanid ambassador).

xisbiga WADANI keli wuxuu awoodiisa isugu geeyey canbaarayn iyo diidmo wixii dowladu ku talaabsato oo horumarintu kow ka tahay marar badan waxaan isweydiiya reer WADANI ma sidan bay doonayan inay quluubta jamhuurka reer Somaliland ku kasbadan ilaahay horti waxaa ka dad iyo dal jecel oo tudhaale badan muujiyey xisbiga UCID iyo Inj Faisal Xafidahu Allah.

somalidu waxay tidhaahda doqontu haddi la ficil tamayo in lakala tegayey mooda sidii oday geeli bay buu u kabash kabash leeyahay wadani ana waxaan leeyahay Ax yaa WADANI sidaa maah.

aad baan idin salamaya

Garyaqaan Shaxaari

Advertisement

Ku Xayeysiiso