Galabsi !!! Qalinkii: Hibo Ciise

Galabsi
Omoska, diihaalka iyo boodhka ka kacaya meeliba meelbay kasii liidataa, adoo tii hore ka yaabanaa ayaad haatana amaakaagtay, amakaag lama yidhaa tanoo kale waa anfariir iyo naxdin markaliya ku saaqey. Duunyo waxay noqotaba idlaatay inta kasii joogtaana naf lama sii joogto, dadkiibaa se imika qarqarka u saaran inay oon iyo xanuuno ka dilaacay abaaraha u dhintaan.
Haddaba bushadii aynu u kala saarno in Miyi ku nool iyo in Magaalo joog ah. Kii Miyiga markuu Illahey nimcadiisa u shubo halkii uu ka mahadnaqi lahaa buu kibray oo xoolo layska dhaco iyo reer hebel baa nasoo eegay anana hubkaanu guranaynaa laga bixi waayey markaasaa cirkaa la maray, xoolihii yaraa ee ay haysteen markii ay barwaaqada iyo nimcada deegaanka heleen wakaa u batey ee ay daawashadiisi ku ashqaraareen sidii ooy waligood caynkaa ahaanayaan. Kasii darane Sakadii iyo sadaqadiina ay la bakhayleen . intooda yar ee bixisaana neef uduuf ah oo uu laga samraybay sii jeed ku bixinayaan. Masaajidadii iyo salaadihii Illahey ku faral yeelayna aduunyo ayey kaga mashquuleen.
Magaaladiina waxay noqotay meel ay wax walba ka dhacaan macaasidii oo aan loo kala Aabo yeelayn ha noqoto Khamrigii oo sharaab la mooday, Sinadii oo wax iska caadiya noqotay, amaanadii oo la dayaco, beentii iyo ballan furkii oo ka mid noqdayba tiirarkii nolosha, dulmigii oo oodaha jabiyey, wax aynu siyaasad nidhi oo la yidhi waxa lagu kala badinayaa cadaalad darrada, eexda, qof jeclaysiga IWM, Ka aynu siyaasiga leenahayna uu ku caanbaxay isku dir, danaysi, been & munaafaqnimo…..
Alle (SW) inagama aargoosnayo balse quraankiisu ku cadeeyay in aanay cidna wax aanay galabsan aanu ku dhaceyn. Hadday wanaag sameeyaan ay natiijada arki doonaan taa kasoo horjeedkeeduna u jiro.
Afka iyo fagaarayaasha ayaa Alle laga baryaya iyadoo quluubtiina mugdi, xiqdi iyo xanuuno aan daawo laheyn ku dhaceen.
Bulsho Islaam ah baynu nahay bal aynu isku dayno in aynu dhaqankeenan sii janjeedhsamaya halkiisii ku soo celino oo cilmigan inagu dhex dayacan ay dawgiisa marino quluub nadiif ahna aynu Alle SW la hor istaagno.

Allahaan gaf aadmiga ku qadin, qadaf kastuu gaysto.
Allahaan adoomaha gumayn , gacanta hoos haysta.
Isagaa gufeyn kara docdaan hararku gaadhayne.
Go,a madhan Raxmaan baan u dhigay gumaradiisiiye.
Adigaa ninkaad gaadh u tahay gudufna jiidhaynine
Adigaa ninkaad gawdhisaa gabagaboobaaye.
Adigaa ninkaad guusha siin tiisu gudubtaaye.
Adigaa ninkaad gaax tirtana gaajo solataaye.
Adaan geedna kaa qarin qalbiga xaalka gubayaaye
Inkastuu gabood falo nafluhu gu, iyo Jiilaalba.
Guulaha dulqaataad tahee oon hanagu goynin.
Gaargaaroow Raxmaan baad tahee cayn hanagu giijin.
Gacmihii madhanaabaan wadhnee maanta nagu goobo.
Abaaruhu gafkayagii batiyo galabsi weeyaane.
Goortaan dulmiga gaaxsanay guurtay dhibicdiiye.
Raboow gamashi baan taaganee roobka noogu gurmo.

Xigasho

Hibo Ciise Maxamed
HYPERLINK “mailto:hibafaakhir@gmail.com” hibafaakhir@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso