Ka Damqashada Xaaladda Maxamed Xaaji C/raxmaan Ciyaalle, (Dhukur).

Ka Damqashada Xaaladda Maxamed Xaaji C/raxmaan Ciyaalle, (Dhukur).

 

  • Ragii dhaartayee;
  • Dharaarihii adkaa;
  • Qoorta soo dhigtiyo;
  • Dhukur Xaajioow;
  • Rabbi kuma dhibee;
  • Dhiiranaad ahayd. (M. Haaruun)

 

Shalay waxa i soo gaadhay in xanuun culusi ku soo booday Halgamaa Maxamed-Dhukur Xaaji, oo loo yaqaanay Haroosh, uuna ku il daranyahay Cisbitaalka magaalada Hargeysa. Sidaas oo kale, kuwo badan oo isaga la mid ah ayaa wadanka guud ahaan ku tac-daraysan, waxaanan ka xasuustaa Halgamaa C/wahaab Xirsi Rooble iyo Halgamaa Ibraahin Dhoolacase (Jaale-diid), iyo dabcan qaar kale oo badan. Kolkii aan warkiisa maqlay, waayaha guud ee wadanka na aan dhab u ogahay, waxa igu soo dhacday afareyda kor ku xusan iyo in aan qormadan gaaban wax kaga sheego.

 

Halgamaa Dhukur Xaaji, oo tan iyo 1991 kii ba siyaalo kala duwan u xanuunsanaayay, waxa haatan ku dhuftay xanuunka loo yaqaano faalug, afka qalaadna stroke. Xanuunkan oo Somaliland ku soo badanaaya waayadan dambe, waxa uu dhaawacaa maskaxda, taasi na waxa ay keentaa in qayb ama waax dhan oo qofka jidhkiisa ka mid ahi shaqayn waydo. Waxa la ogyahay in xanuunka faalugga intiisa badan, (boqolkiiba 85), uu yahay nooca ay dhakhtaradu u yaqaaniin “Ischaemic”, oo ah in dhiig xinjiroobay uu ku gufaysmo ama awdo xididada maskaxda dhiigga u qaada midkood. Badiyaa xinjirtasi waxa lagu xaliyaa qaliin maskaxda lagu sameeyo, laakiin Somaliland qaliin noocaas ah ma lagu samayn karo. Qofkii awooda debedda ayaa loo qaadaa, qofka kale na (dadka badankii) waa ay iska rafaadaan uun.

 

Ninka loo yaqaano Dhukur Xaaji, oo jabhaddu na ugu yeedhi jirtay magaca Haroosh, waxa uu ka mid ahaa dadkii SNM ku biiray sanaddii 1982. Dhukur waxa uu ka mid ahaa ragii uu hogaaminaayay Kornayl Ibrahin Dhagawayne ee buuraha ka dagaal galay sanaddii 1984, isgaadhsiinta ayuuna u qaabilsanaa. Naanaysta Haroosh ah, waxa uu kula baxay hogaaminta isgaadhsiinta ciidanka, isaga oo ereygaa “Haroosh” u isticmali jiray afgarasho ahaan kolka uu taliska la hadlaayo. Ilaa laga soo gaadhaayay jabkii ciidamadii Siyaad Barre ee 1991, waa yaraa dagaal uu ka maqnaa, xiliyo kala duwan na dhaawacyo ayaa soo gaadhay. Halgamaa Dhukur saaxiibkii Axmed Cali Cabdi (Oday) oo aan wax ka waydiiyay waxa uu ii sheegay in uu dhukur had iyo jeer ahaa dab-xigeenka.

 

Dhukur waxa uu qoriga dhigay 1991 kii, muddo yar ka dib na waa uu xanuunsaday. Dad badani kolka ay meelahaas ku arkaan ma danayn jirin, isaguna xafiisyada iyo xarumaha ciidamada ma ka soo ag wareegi jirin. In kasta oo xaalkiisu adkaa, hadana maanta maalin ay kaga adagtahay ma jirto. Awal hore dhulkiisa ayaa uu iska warwareegi jiray, wixii Ilaahay siiyo na waa quudan jiray, maanta se xaalku waa is bedelay. Dhukur Xaji C/raxman in maanta loo hadlo, loona kaco ayaa uu u baahanyahay, ragga isaga la midka ahi na sidas oo kale ayaa ay u baahanyihiin. Waxa igu maqal ah in xubno xukuumadda ka tirsani ay cisbitaalka ugu tageen, oo xaalkiisa ka war qabaan, waana ku mahadsanyihiin cid kasta oo ilaa hadda xaalkiisa ka hawl gashay. Ka war doonistu waa bilowga wax-qabadka, waxaana loo baahanyahay in aan ninkaas oo kale, oo xaaladaas oo kale ku jira waxba laga hagranin. Dun wanaagga (iyo dabcan dun xumaanta) bulsho kasta waxa lagu cabiraa hadba inteeda jilicsan sida ay u xaalayso, ama u xaalayn waydo. Halgamaa Dhukur Xaaji waxa xidhiidhka warkiisa laga heli karaa inantiisa Farduus Maxamed – +252(0)634340693 oo Cisbitaalka Hargeysa ku haysa. Dhukur iyo kuwa kale ee la midka ahba ha loo hiiliyo markooda.

 

 

W.Q: Maxamed Haaruun

mbiixi@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso