Gudoomiyaha Maxkamada Sare JSL ayaa Magaalada Birmingham kulan kula qaatay Jaalliyadda Somaliland ee ku nool Dalka Ingiriiska  (Daawo Sawiradda)

Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland oo wafdi uu hogaaminayo ay ku sugan-yihiin dalka Ingiriiska. 

ayaa waxaa uu Magaalada Birmingham kulan kula yeeshey Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan magaalada B,ham ee dalkaasi Ingiriiska.

Kulankan oo ka dhacay hotelka Al-Suldaan ee Magaalada Birmingham . ayaa waxaa ka soo qeyb-galay Jaalliyadda Somaliland oo iyagu ka kala yimid gobollada kala duwan ee Dalkan Ingiriiska.  

Iyadoo ugu horeynna ay ka hadleen halkaasi xubo ka midda Jaalliyadda Somaliland ee Birmingham .  kuwaasi oo iyagu muujiyey sida ay ugu faraxsanyihiin iney la kulmaan Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Prof. Adan Xaaji Cali Axmed .

Xaflada oo Qado sharaf ahayd. isla-markaana abaabulkeeda ay iska kaashadeen odoyaasha Magaaladda B.ham.  ayaa si heer sare ah loo soo agaasimay ayna si wada jir ah uga soo qeyb-galeen qeybaha kala gedisan ee Bulshada Somaliland ee nawaaxiga Birmingham ee dalka Ingiriiska.

Intaas ka- dib waxaa shirka daadihinayay  Aqoonyahan:Kaamil Muuse Iidaar kuna soo dhaweeyay ugu horeyn: Gudoomiyaha Jaaliyadda Somaliland ee B, ham Dalka Ingiriiska Md Cumar C/laahi Yaasiin oo runtii ka hadlay waxyaabo badan oo Kulanka khuseeyay,

Gud. Jaaliyadda ayaa hadal kooban oo uu goobta ka jeediyey . waxuu ku tilmaamay . inay farxad weyn u tahay jaaliyadda Somaliland in ay dalka Ingiriiska ku soo dhaweeyeen Gudoomiyaha Maxkamadda Sare JSL. siiba Magaaladda Birmingham, waxaanu safarkiisa ku tilmaamay mid taariikhi ah.

Intaa ka dib : waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha  Maxkamadda Sare ee Somaliland . waxa uuna Jaaliyadda Somaliland ee ku dhaqan dalka Uk uga mahad-celiyay . sidii milgaha lahayd ee ay dhamaantood u soo dhaweyeen.

isagoo kulanka khudbad ka jeediyey ayaa ugu horeyn Jaalliyadda uu sharaxay halka ay mareyso xaaladda dalka iyo horamarkii ugu dambeeyey ee ay ku talaabsaday Hayadda dhinaca Garsoorka JSL.

ugu horeyn waxuu sheegay in Dalkii ay Xaalad adag oo dhinaca nolosha ahi ka jirto . siiba deegaanada Bariga JSL . kana dhalatay abaaraha ba.an ee jira isla markaana wuxuu sheegay jaaliyadda in loo baahan yahay in loo gurmado lagana qayb-qaato dadka Somaliland ee xoola-dhaqatada ah ee abaaruhu ay sameeyeen.

Profisoorku wuxuu faahfaahiyay shaqada ay Maxkamadda Sare  iyo adeegyadda ay dadka siiiyaan. waxaa uu si gaara u xusay dacwadaha mushkiladaha dhulka oo ugu badan.had iyo jeer . oo ay ku keenaan Somaliland isku dhacyo geysta aakhirka dilal ,soo noqnoqoto iyo isqabsiga . iyadoo  muranada dhulka ay sababteedu ay salka ku hayso.  iyadoo dhaqaale ahaan dhulku noqday Geel Cascas. ayna berigii hore marka qof geel laga dhaco uu odhan jirey. waar ila soo dhiciya. lakiin iminka dhulka ayaa galay halkiisa. iyadoo balan-qaadyo lagu kala qaato. waxuu sheegay Magalooyinka Berbera Iyo Ceerigaabo  way ka ladnayeen berigii hore ayuu yidhi muranada dhulka lakiin iminka way ku soo biireen iyaguna sababo jira awgood. sida mashruuca maalgelinta Dp world ee Berbera.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ayaa waxaa kale oo ka  warbixiyay waxqabadkii u hirgalay muddadii uu xilka hayey . isagoo soo qaatay . hawl fiican oo ay qabteen . isla markaana ay maxkamadda Sare ka dhigeen inay ku wareegto Goboladda Dalka. ama ay guur-guurtaba. si ay ugu fududeeyaan dadka tamarta yar. inaan ugu tagno . ayuu yidhi Gudoomiyuhu halka ay joogaan.kuwaasi oo ay dhib ku ahayd inay yimaadaan xarunta Maxakamadda Sare ee Caasimadda Hargeysa. Arintaasi oo ay dadku aad u soo dhaweyeen.

Xogwaran ka dib. ayuu Gudoomiyaha Maxkamadda Sare waxuu ka cudur-daartay weydiinta su.aalaha aan isaga shaqadiisa khuseyn. ka dib ayay ka qayb-galayaashu Gudoomiyaha Maxkamadda Sare. waxaa ay la wadaageen wixii su`aalo iyo faallo ah ee ku saabsanaa Sharciga Iyo Cadaaladda

ku qotomay. Dhamaan suaalahaasi oo dhan si waafiya ayuu uga jawaabay.Gudoomiyihu .waxuuna sheegay in booqashadiisa ay tahay mid rasmiya oo ay ka heleen dowladda dalka Ingiriiska isla-markaana khuseysa mashaariic dhinaca horumarka cadaaladda ah oo ay naga caawinayso dowladda Ingiriisku.waxaana uu sheegay inuu la kulmay masuuliyiin sare oo ka tirsan xukuumadda Ingiriiska iyo aqoonyahano jaamacadaha dhinaca sharciga ah.

waxyaalaha u qabsoomay waxaa ka midda.guul la taaban-karo. 

Hirgelinta kuliyadda dhinaca Garsoorayaasha lagu tababaro. oo si buuxda loogu Balan-qaaday . iyadoo ay iska kaashanayaan Hayad Ingiriis ah. taasi oo hiigsigeeddu ay tahay in kor loogu qaado. Aqoonta Garsoorayaasha Somaliland. Maxkamadaha Somaliland ay la tartamaan Cilmiga Sharciga iyo  Garsoorka Wadamada Geeska Afrika.  

Jawi farxad iyo raynrayn leh ayuu ku soo dhammaaday aakhirkii Kulankaasi.

Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo ta Dastuuriga ah ee Jamhuuriyada Somaliland Prof. Aadan xaaji Cali oo tan iyo intii uu qabtey xilka Jagada Gudoomiyaha aad loo hambalyeeyey isla markaana wax badan ka bedeley nidaamkii garsoorku hore ugu shaqayn jirey. ayaa  isbedel wayn laga dareemay.

Adan Yusuf Elmi

Advertisement

Ku Xayeysiiso