Daawo : Weerar Duug Ma Leh: Gabay Ergo U Ah Colaadda Ka Jirta Koonfurta Sool

 

Gabaygan oo uu Siciid Maxamuud Gahayr curiyay 18kii Abril 2017ku,  waxa uu baaq nabadeed u yahay colaadda soo noqnoqatay ee Koonfurta Sool ku dhexmartay qaybo ka tirsan beelaha dega Sool, Sanaag iyo Buuhoodle (Cayn). Runtii waa mid laga xumaado, waxaana ka faaiidaysanaya shaydaanka. Ummaddani waa Daraawiishtii halganka gobannimo-doonka ku suntanayd ee bilaabay halgankii Gumeysteyaasha reer Yurub lagu diiddanaa, waa deegaannadii abwaannada iyo xikmadda loo daba-fadhiisan jiray, waa garaaddadii dhaqanka hoggaaminayay, waa bulsho leh waxa dadka lagu majeerto ee dood, dadnimo, deeq, dood iyo dirirba leh.

Siyaasad ahaanna waa beel udub-dhexaad u ah, kana mid ah dadkii salka u dhigay Somaliland iyo Buntilaan, waxa ay door muhiim ah ku leeyihiin dawladaha Geeska iyo Bariga Afrika sida Kiiniya, Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliyaba. Iyaga oo ah hormoodkii nabadda lagaga dayan lahaa, waxa aan ka xumahay in uu dhiig dhexdooda ku daato, isla markaana ay qaybo ka mid ahi warmaha isu listaan.

 

Gabaygani waxa uu muujinayaa in aan dheef laga helin colaadda sokeeye, waxaanu sheegayaa in aan Eebbe inoo fasixin daadinta dhiigga Islaamka. Hal-abuurku waxa uu tixdan ku gudanayaa waajibaadka sama-doonnimo ee ka saaran nabadgelyada, badbaadada iyo wada-noolaanshaha ummadda aan geeri mooyaane, geeddi ku kala tegi karin.

 

Waxa uu ku hal-qabsanayaa:

Garaad Daahir Jaamac Axmed oo Hargeysa ku nool

Siyaasi Maxamuud Axmed (Foolbe) oo Hargeysa jooga iyo

Gabyaa Cabdiraxmaan Awtaad oo Muqdisho ku sugan

 

Waxa uu yidhi

 

 

Dabayluhu warkii dhiillo sida, way dawinayaane

Daahirow dhambaalkaan akhriyay, doori midabkiiye

Darandarroorigay sheegayaan, diilalyuu dhalaye

Dermo nabada baa lagu dhamaa, doobbi buuxsamaye

Ma ogtahay nimuu galay dareen, maanku degi waaye

Doocaanku adigoo sal-kacay, kaama degi-layne

Waxan adiga kuu doorbideen, caawa kugu doortay

Dun-samaanta aad leedihiyo, door-labkaad tahaye

Deexdayda gaadhsii bulshada, Deelku waa gabaye

 

Daba-taag war baa nooga yimi, diiday gama’iiye

Dilalkiyo colaadahaa socdiyo, qiiqa demi waayay

Waa holac damiirkiyo qalbigu, diiqad weyn badaye

Dulucdaydu waa Cayn khalqiga, daayinkeen dhigaye

Dadka Sool Sanaag baa haddeer, loo danleeyahaye

Mar gumeysi degelkeenna yimi, daacuflaha gaalku

Waxaad tiin kuwii diiday ee, dooxay nacabkiiye

Waxad tiin Darwiishkii xornimo, duurka noo maraye

 

Deeq iyo haddii doodda hadal, laysku derejeeyo

Idinkaa leh dirirtii gobeed, duugga nololeede

Dadnimada hormood baad u tiin, doorashada guude

Degelkii abwaannada mudh-baxay, deeqda lagu siiyay

Durdurkii xikmaad tihiin, duurxulkii gabaye

Haddii dhaqan dir loo yeeyihyo, duubka sharaftiisa

Idinkaa garaadnimo da’ weyn, daacaddii helaye

Dayashada kuwaan eegayannaw, haysku doobyina’e

Hubka daadsha, degannaan alkuma, weerar duug ma lehe

 

Diradire wixii kuu danuu, duri ka qaadaaye

Toban markaad soo dishee, dooxdo maxastaada

Ama aad is-dabar-goysideed, doorka wada aasto

Dillaalkaa xumaatada ku hela, doollar iyo maale

 

Daannada sokeeyaha sharbaa, laga durduurtaaye

Nin Iblays duwaday baan xigtada, daaddahayn karine

Duullaan shisheeyaha wadaa, daabcad kaa geya’e

Nin dalkaaga soo weeraraa, laga difaacdaaye

Dabka waxad ku naafanaysaa, kii dad kuu xigaye

Nimaad daaddahayn lahayd rasaas, laguma deebsheene

Da’yartiyo barbaartuna naxliga, yaanay dacaroone

Dumaasheeda gabadhaad lahayd, deyro yay noqonne

Darsinnada agoomoobayaa, dool kumay imane

Aabbahood dhallaankaad dishee, jooga degelkaagu

Adiguu daryeel kaa rabaa, diiftir-waajibe

Dummadaada weeyaan wixii, hawl la deristaaye

Hubka daadsha, degannaan alkuma, weerar duug ma lehe

 

 

Afartaasi waa deyn bulshadu, daw u leedahaye

Degannaanshoo soo noqdaan, baaq u dirayaaye

Inaad dhiigga sii daadisaan, waan ka digayaaye

Xasiloonni loo wada degaa, maandhe ii darane

Docda kale tusaalaha haddaan, Deelka ka higgaadsho

 

Soomaalida intii dawladiyo, geeska darafkiisa

Waxadtiin nalkii daarayiyo, dirawalkoodiiye

Laantayda damal baad utiin, doorsan ii galaye

Buntulaan dadkii beerayee, doojiyaad tahaye

Federaalku diricaad tihiin, wuu ku daal-baxaye

Nayroobi doorkaad gasheen, lama dabooleene

Dikhil iyo Jabuutaa xil qaran, duudka kuu sudhaye

Dawlad-deegaan Soomaalidaa, doorlab kuu qiraye

Hubka daadsha, degannaan alkuma, weerar duug ma lehe

 

Haddaan Daahay Awtaad kal hore, waano wuu diraye

Inkastoon dabliyo boolis iyo, ciidan badan daadsho

Oo aan dedaalkayga huro, duunyo iyo hawlba

Haddii aan si daacada heshiis, qalinka loo duugin

Inaan daadka keli joojiyaa, waa habeen dumaye

 

Carrabka iyo daankuba marbay, yara dagaalaane

Waxse ay daqiiqado qortaan, dib u heshiisiine

Haddii aad is-deysaan wadnuhu, wuu ku degi laaye

Dubka iyo sidii jiidhka iyo, duunka iyo beerka

Dar waxaa tihiin uu is-biday, Daayinkeen abide

Dabalaab markii uu dhacaba, waan damqanayaaye

Foolbow ninkii shalay duryamay, wuu dinnaahiyaye

Deelqaafka haddii uu ku yidhi, kuma dullawdaane

Dun xariira iyo baa tihiin, danabyadaydiiye

Hubka daadsha, degannaan alkuma, weerar duug ma lehe

 

 

Damaashaad ku aad baan lahaa, Dooxa Boocame’e

Daanshood Dharkayn baan lahaa, maalmo dabadeede

Kalabaydh kokuu roobku da’o, waan dalxiis tegiye

Dalandoolka Saaxdheer inaan, soo dayaan rabaye

Dogobyada haddaydaan bakhtiin, waan dib-dhacayaaye

Haddii aad dulqaad muujisaan, doogtu way bi’iye

Dabuubtaydu waa baaq nabadeed, door abwaannimo’e

Hubka daadsha, degannaan alkuma, weerar duug ma lehe

 

Waa loo darsanayaa kuwaad, daarka jaraysaane

Cidda waranka loo deylayaa, maaha duul kale’e

Haddaad duugto boqollaal sidii, deyrka kugu xeeran

Docda kugu bannaanaatay buu, duufan soo geliye

Digashada qofkii kuu darnaa, yuu dabbaal-degine

Hubka daadsha, degannaan alkuma, weerar duug ma lehe

 

Daliilkiyo kitaabkiyo sharciga, waad ka durugteene

Rabbigeen qofkii diinta qira, “daaya” buu yidhiye

Daahow Rasuulkina xigtada, “daaja” buu faraye

Shaydaanku wixi kuu danuu, “diid” ku leeyahaye

Jahannama dariiqii taguu, “daaddax” leeyahaye

Jannadii intaad dacal-martuu, “doonta naar” yidhiye

Dar Saciira hoygoodu yahay, way ku dagayaane

Dawankooda ruuxii maqlaa , Haawiyuu degiye

Dakharrana intaasaa ku filan, duudsi gacallowe

Daaweeya maantaan lahaa, doog wixii dhacaye

Hubka daadsha, degannaan alkuma, weerar duug ma lehe

 

Dhaxaan dardaarmaye haddaan, hadalka soo duubo

Daandaansi guul laguma helo, duugga nololeede

Xurgufuhu haddii ay demaan, dirirku noo hoorye

Dacaskiyo qudh-gooyada dhacdiyo, wii-da demi weyday

Inuu Eebbe naga soo dabraan, ugu duceeyaaye

Allahayow ammaan baan dalbaday, daacad loo yahaye

Allahayow walaalaha is-dilay, maanta kala dooji

Aanada Allow dalaw ka tuur, yay ka sii darine

Allahayow dabkaa naga bakhtii, wuu na daashadaye

 

 

Siciid Maxamuud Gahayr

Hargeysa

Email: saedmgahair@hotmail.com

Facebook: Siciid Maxamuud Gahayr

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso