Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Hanti Dhawraha Guud iyo Guddiga Musuqmaasuqu ha iscasilaan (Q. 2aad)

Guddiga Qandaraasyada Qaranka, Hanti  Dhawraha Guud iyo Guddiga Musuqmaasuqu ha iscasilaan (Q. 2aad)

 

Xafiiska Guddiga Qandaraasyada Qaranku waa mid ka mid ah sedexda Hayadood ee la dagaalama musuq-maasuqa. Waa Hay’ad qaabilsan in dhamaan wixii qaranku soo iibsanayo iyaga la soo mariyo, sharciguna iyada ayuu siiyay inay wixii qaranku soo iibsanayo ama  uu qandaraas ku bixinayo in Hay’adani u xilsaaran tahay.  Hadii ay dhici lahayd in Guddiga Qandaraasyada Qaranku shaqadooda qabsan lahaayeen  waxa umada u badbaadi lahaa malaayiin dollar oo si sharciga baalmarsan qaranka lagaga dhaco, kuwaasi oo aan si toosa u soo marin Guddiga Qarandaraasyada Qaranka ama inay  isla Guddiga Qandaraasyada Qaranku qayb ka ahaayeen musuqmaasuqa lagula kacay qandaraasyo malaayiin Doolar ku kacay oo qaranka lagu dhacay lixdii sano ee u danbeeyay.

Sharcigu wuxuu siinayaa Guddiga Qandaraasyada Qaranku in wixii qandaraasa ee ka badan qiyaastii laba kun oo doolar in Guddiga Qandaraasyada Qaranka la soo mariyo, iyaguna xayaysiiyaan, ka diba marka ay mariyaan shuruudaha sharciga timaamayana ku dhawaaqaan cida ku guulaysatay, sanidihii u danbeeyay dalku wuxuu noqday jaantaa rogan oo Hayadaha Qaranku intooda badan iyaga ayaa si muuqata u bixinayay qandaraasyo  ku kacay malaayiin Doolar iyaga oo warhaahinta si cad ugu soo bandhigayay inuu masuul hebel soo iibiyay intaas oo cagaf cagaf ah iyo intaas qalabka wadooyinka lagu dhiso ah, xiitaa waxa lagala bakhaylay in la yidhaa qaranka ayaa soo iibsaday ilayn lacagta jeebkiisa kama bixine. tanina  waa nasiib daro aad u weyn oo dalka ku habsatay in cashuurtii umada qof uu sheegto kana dhigo inuu isagu jeebkiisa ka bixiyay oo halkii ay ahayd xiitaa inuu yidhaa waxan ku soo iibinay cashuurtii shacabku bixiyay, waxay ahayd in Xeer Ilaaliyaha Qaranku arrimahan oo kale dacwada kaga soo oogo kuwaas sharciga ku tumanaya ee qaranka dhan qofaynaya.

Maanta nidaamkii dawladnimo wuu inaga lumay, meel qaldana wuu inala maray, qarankiina wuxuu noqday hebelo isku qadariya wajiga balse aan isku qadarani haybada qaranka iyo nidaamka sharcigu tilmaamayo. Guddiga Qandaraasyada Qaranku waxa muuqata inay ku lug leeyihiin musuqa iyo maamul xumada ka muuqata shaqadii qaranka ay u hayeen. Runtii waa wadaniyad xumo iyo qaran dumisnimo in xubnaha ku jira Guddiga Qandaraasyada Qaranku qabsan waayaan shaqadii loo igmaday ee loo dhaariyay inay qaranka u qabtaan,  Shaqada loo igmaday waa masuuliyad culus oo intii aduunka ka sokaysa Allena kala xisaabtami doono, waxay ahayd hadii uu culays ka haysto dhinaca Madaxda sare ee qaranka inay si cad uga hadlaan inaanay qabsan karayn shaqadii loo igmaday, si shaqadooda ugu madax banaanadaana in aan lagu soo farogelin shaqadooda, hadii ay sidaasi dhici waydana inay xilka iska casilaan ayaa u banaanayd.

 

Dhacdooyinkii ugu xanuunka badnaa ee qaranka lagu dhacay hadii aan ka soo qabto mid iyo laba waxa ka mid ahaa, Qandaraaskii lagu soo iibiyay qalabka Dawlada Hoose  ee Hargeysa kaasi oo si shaqsiyana inta Maayorka Caasimada Hargeisa u tegay Ethiopia uu soo iibiyay qalabkii lagu hungoobay ee loogu talo galay in Wadooyinka caasimada lagaga shaqeeyo, qalabkaasi madaama aan qandaraasyada qaranka aanu marin oo damaanadii iyo tayadii loo baahnaa ee uu mari lahaana Maayorka Caasimadu kala baxsaday Guddigii Qandaraasyada,  maxsuulkii wuxuu noqday  in qaranka lagu dhacay qalabkaas oo duuga ahaa ee tayadiisu hoosaysay ee waliba ilaa maanta lagu guumaysto Dalwada hoose marka uu xumaadaba in ingineero  looga yeedho Ethiopia kuwaas oo shirkadii ka soo iibisay baad kaga qaado aan la qiyaasi karin  Markii qalabka lugu soo warajiiyay ee ay ahayd in la soo raaciyo engineeradii xidhxidhi lahaa in loo diiday ilaa ay bixiyaan lacago aad u badan oo aan la isku ogayn oo xiitaa la sheegay inay ka sarayso lacagtii lagu soo iibiyay qalabka, taasina waa tii keentay inuu qalabku sanado fadhiyo oo aan la rakibin, sabata oo ah Maayorku waxba kama aqoonin arrimaha nuucan ah, waxana u geysay fudayd iyo niman uu saaxiib kala ahaa dhinaca Ethiopia oo si fudud u geliyay arintaas kuwaas oo laftigoodu faa’ido doon ahaa.

Qalabkan  oo ku kici lahaa hadii wadada saxda ah ee sharcigu tilmaamayo loo maro lacaga aad u yar, lana soo iibsan lahaa qalab casriya oo wadooyinka Caasimada waxbadan ka tari lahaa iyada oo ingineerada rakibayana si bilaasha loo soo raacin lahaa, waliba heshiiska ay ka mid noqon lahayd inay tababaraan ingineero ka tirsan Dawlada Hoose oo dayac tira qalabkan hadiiba uu xumaado. Qaranka dhan kalama  xisaabtamin  Maayorka caasimada qasaaraha uu geliyay qaranka, cidiba isma waydiin dhaca qaranka ku dhacay ee cashuurtii umada lagu dhacay dharaar cad iyada oo lawada arkayo.

Waxa ka sii  daran in lacagtii cashuurta inta saxaafada la isa soo taago la yidhaahdo qalabkan waxa soo iibiyay Maayor hebel, waa ceeb iyo fadeexad qaranka laf jab ku ah, qalabka dawladu soo iibsanayso sharciga ayaa tilmaamay halka loo marayo iyo sida loo soo iibinayo, waxa kale taasi dheer in markii uu joogay Wasiir Xirsi isaguna sidaas oo kale China ka soo iibiyay qalab aad u tira badan oo Wadada Ceerigaabo lagu dhisayay kaasi oo aan la arag meel lagu xayaysiiyay soo iibsahada qalabkaas balse la arkay uun isaga oo Dekada Berbera ka soo degaya. Waxa kale oo jira qandaraasyo kale oo aad u tira badan oo lagu dhacay Dawlada kuwaasi oo si hoose loo siiyo shaqsiyaad gaara oo aan xiitaa lahayn shirkad la yaqaan balse gacanta loo geliyo malaayiin Doolar oo qalab loogu soo iibinayo Qaranka.  Waxa intaas ka sii daran in Madaxda Dawladu soo iibsadaan gawaadhi aad u qaaliya oo iyagu si gaara u dalbadaan hadhawna ku soo dalacdaan lacagtaas Wasaarada Maaliyada, Gawaadhidaas oo aan la marin wax qandaraas dawladeeda.  Dalku wuxu ku jiraa jaantaa rogan iyo qaataye qaado, cid jecel inay marto sida sharcigu tilmaamayaana way inagu yartahay.  Guntii iyo Gebagabadii, waxan u soo jeedinayaa Guddiga Qandaraasyada Qaranku inay xilkooda iska casilaan ama sida sharciga ay ku dhisan yihiin tilmaamayo shaqadooda ha u qabsadaan.

Noqo Qarankiisa Dhise

 

Yuusuf Wacays

Advertisement

Ku Xayeysiiso