Maraykanka oo Bam ay ugu Magac Dareen “Hooyada bambooyinka” ku Riday Dalk Afganistan

Ciidamada Mareykanka ayaa la sheegay in ay xalay adeegsadeen mid ka mid ah Bambooyinka ugu waaweeyn ee Mareykanku heysto kaasoo aan Nukliyeer aheyn, waxeyna ku rideen godad ay kooxaha mintidiinta ah ku leeyihiin dalka Afqaanistaan.

Bamka oo lagu magac daray “Hooyada bambooyinka” ayaa qaraxiisu waxa uu leeg yahay midka ay sameeyaan 11 tan oo ah maadada TNT, waxaana Maraykanku uu ku riday godad ay adeegsadaan mintidiinta gobolka Nangarhar.

Gudoomiyaha degmada Achin ee gobolkaasi, Ismaaciil Shinwari, ayaa sheegay in ay meel fog ka arkeen dhimbilo dab ah iyo qiiq ka kacay deegaanka uu bamka ku dhacay.

Taliyaha ciidanka Maraykanka ee ku sugan Afghanistan, Jen. John Nicholson, ayaa sheegay in bamkaasi uu yahay hubka ugu habboon ee lagu waabin karo kooxaha mintidiinta ah.

Geesta Kale Sarkaal Afgani ah ayaa sheegay in Hooyada Bamka ee uu Maraykanku ku riday Afghanistan ay ku dhinteen 36 dagaal yahan oo ku sugnaa Goobta.

Afhayeen u hadlay madaxtooyada Afghanistan ayaa isna sheegay in bamkaasi uu khasaare lixaad leh u geystay mintidiinta.

Dhanka kale madaxweynihii hore ee Afghanistan, Xamiid Karzai, ayaa cambaareeyay adeegsiga bamkaasi, waxaana uu Maraykanka ku dhaliilay in uu dalkiisa ku tijaabinayo hub cusub.

Xukuumada Maraykanka ayaa ku Qiyaastay in 600 ilaa 800 oo Dagaal yahan Daacish ahi ku Sugan yihin Gobolkaas.

Advertisement

Ku Xayeysiiso