Kaalinta La Tabayo Ee Maamulka Dhaqaalaha Iyo Xakamaynta Sicir Bararka Ee Golaha Wakiilada.

 

Kaalinta La Tabayo Ee Maamulka Dhaqaalaha Iyo Xakamaynta Sicir Bararka Ee Golaha Wakiilada.

Wq:Maxamed Dahir Axmed

Golaha wakiiladu amba golaha sharci dajintu waxa uu ka ciyaaraa kaalin muhima hawlaha qaranka . Golaha sharci dajintu waxa uu qabtaa saddex shaqo oo muhim ah kuwaas oo kala ah:

1.Dajinta shuruuc cusub,wax ka badalka shuruucdii hore u jirtay,iyo tirtirada shuruucda aan loo baahnayn ee hore u jiray.

2.Waxa uu matalaa iskuna dub ridaa aragtiyaha iyo doonista shacabiwaynaha ee la xidhiidha ka go’aan gaadhista arrimaha muhimka u ah.

3.Waxa uu ku kor joogaa (Oversight) waaxda fulinta amba xukuumada in ay fuliso danaha dadka (accountable to the people).

4.Golaha wakiiladu waxa uu daraaseeyaa caqabadaha dhaqaale,bulsho,iyo siyaasadeed ee soo waajahaya bulshada ay matalaan si xal looga  gaadho sida sicir bararka Iwm.

Labada siyaasadood ee dhaqaalaha lagu maamulo labadaba kaalin muhim ah ayay ku leeyihiin golaha sharci dajintu.Labadaa siyaasadeed oo kala ah;1.Siyaasada lacagta (Monetory Policy). 2.Siyaasada kharashka (Fiscal Policy).

Dhinaca siyaasada lacagta (Monetory Policy),golaha sharci dajintu waxa uu kaalin muhima kaga jiraa kaantaroolka xadiga lacagta ee dalka ku wareegaysa (Supply of Money),iyadoo golaha wakiilada la’aantood lacag cusub la soo daabici karin sida uu dhigayo qodobka 54aad ee Distoorka Jamuuriyada Somaliland faqradiisa saddexaad.

Xaga siyaasada kharashka (Fiscal Policy),kaalim muhim ah ayuu golaha sharci dajintu ku leeyahay sida  uu dhigayo Qodabka  55aad ee Distoorka Jamuuriyada Somaliland :

  1. Golaha Wakiiladu waxa uu ka doodi karaa, waxna ka beddeli karaa miisaaniyadda, kuna ansixinayaa go’aan Gole.
  2. Haddii ansixinta miisaaniyadda cusubi dhammaan weydo ka hor bilowga sannad- maaliyadeedka cusub, waxa lagu dhaqmayaa miisaaniyaddii hore inta ay ka soo baxayso miisaaniyadda cusubi.
  3. Golaha Wakiilada ayaa oggolaanaya gelidda kharash kasta oo aan miisaaniyadda ku jirin.
  4. Waa waajib u soo bandhigidda Golaha Wakulada xisaab-xidhka sannad­maaliyadeedkii  dhammaaday muddo aan ka badnayn lix bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhammaadka sannad-maaliyadeedka, iyadoo Golaha Wakiilladu ka doodayo, go’aanna ka soo saarayaan.
  5. U soo bandhigidda xisaab-xidhka miisaaniyadda waxa u xilsaaran Hanti­dhawraha Guud.

Sidaa daraadeed golaha wakiiladu waxa  uu ku fashilmay in uu kaalintiisa ka qaato arrimaha dhaqaalaha iyo sicir bararka taasi oo sharcigu awood cad u siiyay,gaar ahaan waxa uu gabay kaalintii uu ku lahaa labada siyaasadood ee dhaqaalah lagu maamulo,siyaasada lacagta (Monetory Policy) iyo siyaasada kharashka (Fiscal Policy).

Sidaa si la mid ah golaha wakiiladu waxa ay ka gaabiyeen in ay ka dabatagaan shuruucda dhaqaalaha la xidhiidha in ay fuleen iyo in kale,tusaale ahaan Xeer n0.54/2012 oo ah Xeerka bangiga dhexe,xeerkaasi oo si cad u qeexayaa waxa laga yeelayo lacagta mobilka lagu kaydsado,sariflayaasha,iyo waliba u samaynta bangiga dhex gudida agaasinka,intaasiba ma fulin,golihii sharci dajinta ee sharcigan dajiyayna kama daba tagin.

Guntii iyo gabogabadii golaha uu hogaaminayay Mudane Cabdiraxman Cirro 12 Sanno ee u danbeeyay waxa uu ka fashilmay kaalintii uu ku lahaa ilaalinta,kobicinta iyo jaangoynta dhaqaalaha dalka,waxana sababta ugu wayn leh Hogaamiyaha golahaasi.

Xaga hubinta iyo ilaalinta isku dheelitirka dawladnimada (Check and balance),golaha wakiilada ee Mudane Cabdiraxman Cirro hogaamiyaa waxa uu ku guuldaraystay in uu ka hor istaago wixii khalad ah golaha fulinta amba xukuumada,iyadoo ay in badan dhacday in wasiir wakhtigaa ka tirsanaa xukuumadu ay sida ay doonaan ugu dhex galgashaan golaha wakiilada,waxa ay rabaana ay ka fushadaan sida xeerarka ay danaha gaarka ay ka lahaayeen oo kale. Waxa la odhan karaa Mudane Cirro,qaabkiisa hogaamineed ayaa sababay in ay isku furmaan sharci dajinta iyo xukuumadu,danahooguna isku dhex milmaan,taasi oo meesha ka saartay is hubintaa iyo isku dheelitirankii. Marka la eegayo caalamiyan wax isdaba marinta,waxa ka mid ah,in laba haayadood amba laba qof oo ay ahayd in ay iyagu is hubiyaan ay wax ku shuraakoobaan ay dantooda u arkaan(collusion),taasi oo ah danbi wayn oo laga galay bulshada uu  matalo golaha wakiiladu. Tusaaale ahaan, intaasoo sanad miisaaniyaded ayaa golaha la keenay,wax wayn oo goluhu ka badalay ma jirin,amba wax uu ku soo daray,balse waxa intaba lagu go’aan qaadanayay ana maxaa iigu jira. Ta kale xisaab xidhada golaha la keeno,mid qudha oo si sax ah loo hubiyay ma jirin,balse sidii mooshin ayaa duuduub lagu ansixin jiray,waayo goluhu wakhti u dan guud ku lumiyo ooma soo hadhin markii golihii wakiilada hogaankiisii uu Xisbi yeeshay,hawshii golahana u kaga mashquulay xisbiga arrimihiisa.

WQ:Mohammed Dahir Ahmed

Hargeisa,Somaliland

Advertisement

Ku Xayeysiiso