Khataraha Dahsoon ee Somaliland ku soo fool leh waa Siyaasad Monopoly ah oo kooto ah iyo Ganacsi Monopoly ah oo isku lamaan . Qalinkii A/rahman fidhinle UK

Goorma ayuu tamarinayaa geedi-socodkii Dimuqraadiga ahaa ee curdinka ahaa ee Somaliland ku naaloonaysay mudada dheer ? Mise Dimuqraadiyada Somaliland waa mid silan oo sidkan oo  Beeleysan?  Hadii laga xoroobi waayo curfiga reernimada ku dhisan , Somaliland waxay weligeed ku jiri doontaa Salow, Saluug iyo sariigasho oo saqaafaha ayaa laysula bixi doonaa. Qabyaalada qaawan ee Gaws-danbeedka lagu qabsaday waxay ceeb iyo laf-jab ku tahay hanaanka xisbiyada badan ee aynu kaga guurnay hab-beeleedkii dhaqanka ahaa. Hogaamiyeyaasha xisbiyadu waxay ku fashilmeen in ay la yimaadaan barnaamij Siyaasadeed oo ay ku hantaan quluubta shacabweynaha Somaliland. Xisbigu waa in uu maskaxda shacabka ku kasbadaa aragtidiisa, Hiraalkiisa siyaasadeed iyo ujoodooyinkiisa cad cad ee uu doonayo in uu wax ka bedelo oo uu cod iyo cuudba uu kaga helo shacabka . Xisbigu waa in uu badka soo dhigaa Barnaamijkiisa Siyaasadeed ( Political Manifesto ) waana in uu keenaa afgaaro togan oo uu kaga duwan yahay xisbiyada kale ee  dhigiisa ah.
 

Hadaba Iyada oo aanay dhisnayn fikirka Siyaasadeed ee shacabka Somaliland ayuu Xisbiga Kulmiye soo hurgufay Hogaamiyeyaal aan ka xoroobin curfiga reernimada, Maadaama nidaamka siyaasadeed ee xisbigu ku saleysan yahay is-xulafeysi iyo heshiis qarsoon, Xisbigu muu tababarin hawlwadeenadii Siyaasadeed ee mustaqbalka ee wuxuu xisbigu dhalay  Xil-dhibaano dhaystooda oo keliya dhisa oo doog-dhabasha iyo doogsin cararka ku caan ah,  ku waas oo ummaddii doc-wareen ku riday, Taasina waxay ku abuurtay shacabkii kala qo-qob, qabyaalad iyo xiisad kala qaybsanaan ah oo hor leh.  Boowe ! Xisbigii Kulmiye  Siyaasadii Somaliland wuxuu u rogay ( u soo gogol fadhiisi )  in sida Hablaha la bixinaayo la isu soo geed-fadhiisto oo cod laysku  waydiisto. Xisbiga kulmiye ma laha xilgudasho taam ah, yoolal uu higsado  iyo rayi sameyn siyaasadeed oo cokan ee wuxuu  u afduuban yahay koox yar oo cunaha kaga marran.

Wixii Hore udhacay iyo Balan-qaadkii Beenta ahaa ee Xisbiga Kulmiye:  

Xisbiga Kulmiye Wuxuu hoosta ka khiyaameeyey  taageerayaashiisii iyo dhamaan shacabkii Somaliland kadib markii Heshiis qarsoodi ah ay wada galeen labadii beelood ee hormoodka u ahaa xisbiga . Waxaana  ay labadaa beelood qaybsadeen oo u heshiiyeen mansabkii, magantii iyo mooradii ummadu wada laheyd, waxaana ay muquuno isu siiyeen anfacii iyo ilihii dhaqaalaha ee qaranka. Xisbigii Kulmiye oo la fool-eryaayey mudada dheer wuxuu dhalay Xukuumad aan xil wadareed iyo caqli mideysan laheyn, Xukuumad Siyaasadeedu aanay Policy ku dhisnayn ee ay ku dhisan tahay hab-dhaqan Xulafeysan ( Clan politics ) oo ku saleysan gacan wadaag, ganacsi iyo qaado aan qaate. Taas oo magac-xumo iyo musuq-maasuq lagu suntay oo dhaxal wareejisay Hantidii maguuraanka aheyd ee qaranku lahaa. Hadaba Maanta  markii  subagii ay daacayeen ay ku dacaroodeen ayey kala garan waayeen dimuqraadiyadii iyo dhaqankii awoowyaasheen waxaana ay madaxa isu  geliyaan oo timaha isugu  xidheen beelihii Somaliland.
Xukuumada Kulmiye iyo Xulafadeedu waxay u sahan tageen oo u suntanaa in ay jumladaan johoradii dalka ee ummadda ka dhaxaysay.Waxaana  la isu balan qaaday Ribo iyo Ra’iis aan la mahadin, Waxaa sarifmay oo fasaqmay oo uu virus galay haykalkii dawladnimo, higsigii iyo habsami usocodkii hawlihii qaranimo.Waxaa meesha ka baxday maslaxadii, maamuuskii iyo masiirkii guud ee ummadda Somaliland. Waxaa la marin habaabiyey oo la ragaadiyey Geedi usocodkii Dimuqraadiyada iyo tartankii xalaasha ahaa ee doorashooyinka isbarkan lagu geli lahaa.

Guntii iyo Gebagebadii Waxaa loo baahan yahay  in maanta shacabka reer Somaliland kala gartaan oo yaqiinsadaan cidii dhiigooda iyo dheecaankoodaba jaqday ee ku naaxday sida gafanaha iyo cida nasteexada u ah  ee noloshooda wax ka bedeli karta waxaana wadadii isbedeldoonka shacabka ( jounrney for change ) ku taagan xisbiga Waddani .Xisbiga Waddani wuxuu dhisi doonaa fikirka Siyaasadeed ee shacabweynaha Somaliland si loo yareeyo Xiisadaha kala qaynsanaanta iyo qabyaalada duluca furatay ee Somaliland ka curatay.

Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh

Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.

 

—————————————————————————-

FG: Fikradda Maqaalka Waxay Gaar u tahay Qoraaga, ToggaHerer Looma Tirin Karo

Advertisement

Ku Xayeysiiso