Sweden oo soo Bandhigtay Sawirka Cida Loo Raadinayo Falkii Ka dhacay Faras Magaalaha Stockholm ee Dadka Gaadhiga Lagu Jiidhsiiyey

Ciidamada Booliska Sweden ayaa bandhigay Sawiro ay Qaaday Kamaradaha Wadooyinka Ilaaliya ama la socda dhaqdhaqooda , sawiradaas oo ah ninka looga shakissan yahay Falkii gaadhiga lagu jiidhsiiyay dad Faras Magaalaha Stockholm marayay.

Ilaa iyo hadda Ciidamada Amaanku Gacanta kumay dhigin Cida Fulisay Weerarkan, sidaana Waxa sheegay Dan Eliasson,oo ah Baadhe Ciidanka ka tirsan.

Sarkaal Kale oo Boolis ah lana yidhaa A. Johansson, ayaa tusay wariyayaasha Nin Dhalinyaro ah oo ay qaaday Camera ku taalay Goobta Falku ka dhacay sawirkiisa.

Booliska ayaa wali cid u xidhin Falkan cid wali sheegatayna ilaa hadda Majirto in ay ka dambaysay.

Ciidama Booliska ayaa Sheegay in dhacdadan loo Adeegsay Gaadhi Xamuul oo la dhacay.

Advertisement

Ku Xayeysiiso