Daawo: Gudida Dhalinyarada Xisbiga Kulmiye Oo Kormeer ku Sameeyey Guud ahaan Xafiiyada Ay ku leeyihiin Xaafadaha Magaalada Hargaysa.

Daawo: Gudida Dhalinyarada Xisbiga Kulmiye Oo Kormeer ku Sameeyey Guud ahaan Xafiiyada Ay ku leeyihiin Xaafadaha Magaalada Hargaysa.

Hoggaanka Garabka Dhallinyarada heer Qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa koormeer lagu dardargelinayo hawlaha xisbiga, isla markaana loogu kuurgelayo habsami-u-socodka shaqada ku sameeyey xafiisyada xisbiga KULMIYE ku leeyahay dhammaanba degmooyinka ay ka kooban tahay caasimadda Hargeysa maanta.
Kormeekan oo uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE oo ay ku wehelinayeen xubno ka mid ah madaxda Garabka Dhallinyarada, ayaa looga gol lahaa xogogaal u noqoshada hawlaha shaqo ee xafiisyada degmooyinka iyo xoojinta isku-xidhka iyo wadashaqaynta xafiisyada xisbiga ee caasimadda iyo dhallinyarada garabkaas, isla markaana ay isaga kaashan lahaayeen dardargelinta iyo dhaqaajinta hawlaha xisbiga u yaalla waqtigan xaadirka ah iyo kuwa mustaqbalkaba.
Dhammaan degmooyinka ay hoggaanka dhallinyaradu kormeerka ku soo mareen, waxay kula kulmeen hawlo shaqo oo halkaas ka socda, waxaaanay guddoomiyayaasha xafiisyada degmooyinka ka dhegaysteen warbixino faahfaahsan oo ay kaga warrameen xaaladaha degmooykooda iyo hawlaha abaabul iyo kuwa wacyigelineed ee ay gacanta ku hayaan, iyagoo si isku mid ah u sheegeen inay ka go’an tahay kor-u-qaadista iyo dardargelinta arrimaha ololaha xisbiga la xidhiidha.
Xafiisyada degmooyinka la booqday oo ay ka mid ahaayeen degmooyinka Axmed-dhagax, Maxamuud Haybe, 31-ka May, Gacan-libaax, Axmed Macallin Haaruun, 26-ka June iyo Ibraahim Koodbuur, ayaa lagula kulmay xafiisyada uu xisbiga KULMIYE ku leeyahay oo wada furan, waxaana guddoomiyayaasha xisbiga u qaabilsan degmooyinkaas oo ay wehelinayeen saraakiisha garabka dhallinyarada ee xafiisyadaas qaabilsani si ballaadhan u soo dhaweeyeen kormeeka lagu sameeyey ee loogu kuurgelayey hawlahooda shaqo.
Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee degmada Axmed-dhagax Mr. Maxamuud Jaamac Qoofal, gudoomiyaha isla garabkaas u qaabilsan degmada 31-ka May Md. Axmed Cismaan Axmed iyo Ibraahim Cabdicasiis Maxamed Raage oo garabka dhallinyarada xisbiga KULMIYE u qaabilsan degmada Aaxmed Macallin Haaruun oo hoggaanka garabka dhallinyarada heer qaran warbixinno kooban siiyey, ayaa sheegay inay hayaan dhabbadii uu xisbigu ku kasban lahaa taageerayaal cusub, kuna sii xejisan lahaa kuwiisii hore, iyagoo caddeeyey inay xidhiidh fiican la leeyahay dadweynaha ku dhaqan degmooyinkaas.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee degmada Maxamuud Haybe Mr. Cabdiraxmaan Cismaan Cali Guhaad, Guddoomiyaha isla garabka dhalliinyarada u qaabilsan degmada Gacan-libaax Md. Maxamed Jaamac Siciid, Md.Cabdiraxmaan Cabdilaahi Jaamac oo garabka dhallinyarada u qaabilsan degmada 26-ka June iyo Cabdicasiis Buune oo isaguna ah Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee degmada Ibraahim Koodbuur oo xafiisyadooda ku soo dhaweeyey hoggaanka garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa shaaciyey inay si weyn isugu dubbo rideen hawlihii xisbiga ee dhinac walba lahaa, isla markaana ku hawllan yihiin sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen abaabulka bulshada ku dhaqan degmooyinka ay ku noolyihiin iyo isku xidhka xisbiga iyo taageerayaashiisaba.
Xubnaha hoggaanka Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE ee heer qaran oo markii kormeerku soo dhammaaday saxaafadda kula hadlay xaruntooda guud ee Hargeysa, waxay si weyn ugu mahadnaqeen guddoomiyayaasha iyo madaxda kala duwan ee xafiisyada ay kormeereen, iyaga oo ku bogaadiyey isku dubba-ridka iyo abaabulka ka muuqda, waxaanay kula dardaarmeen inay hawlaha ay wadaan xawaarahooda kor u sii qaadaan, una diyaar garoobaan marxaladaha doorasho ee dalku u diyaar garoobayo.
Ugu horrayn, Xoghayaha Garabka Warbaahinta iyo xidhiidhka warbaahinta u qaabilsan Garabka Dhallinyarada xisbiga KULMIYE Eng. Muxyadiin Yuusuf Ibrahim oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay kormeedka iyo iska warqabka garabka dhallinyarada iyo laamaha kale ee xisbigu u leeyahay caasimadda, waxaannu tilmaamay inay ka mid tahay tallaabooyinka hirgelinaya inay wada-shaqaynta iyo isku xidhnaantu tayo yeelato oo midho dhasho.
Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada ee Gobolka Maroodi-jeex Md. Cabdirisaaq Koosaar, Dr. Mustafe Muumin Aadan oo saraakiisha garabka dhallinyarada ka tirsan iyo xidhiidhiyaha garabka dhallinyarada ee gobollada iyo degmooyinka dalka Md. Mustafe Qalab oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey sida hufan ee ay hawlaha xisbigu ugu socdaan xafiisyada uu ku leeyahay degmooyinka caasimadda, waxaanay taageerayaasha KULMIYE, gaar ahaan kuwa caasimadda ku dhaqan ugu baaqeen inay gacmaha isu qabsadaan sidii guusha xisbiga si wadajir ah loogu dooni lahaa.
Guddoomiye-ku-xigeenka Garabka Dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdirashiid Muuse Abyan, ayaa isaguna baaq u diray taageerayaasha iyo madaxda kala duwan ee xisbiga KULMIYE ku leeyahay caasimadda Hargeysa, waxaannu xusay in baahi badan loo qabo sidii xisbiga hawlihiisa dardargelin cusub loogu samayn lahaa, looguna wada guntan lahaa inuu mar labaad talada dalka ku soo laabto xisbigu, waxaannu dhallinyarada ku dhiirrigeliyey inay doorkooda ciyaaraan.
Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada heer qaran ee xisbiga KULMIYE Md. Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi oo hadalka soo afmeeray, ayaa ujeeddada kormeerkooda ku sheegay mid lagu dardargelinayo hawlaha xisbiga, looguna kuurgalayo hannaanka ay u socdaan hawlaha xisbiga ee degmooyinka caasimaddu, “Kormeedka aannu ku soo marnay xafiisyada uu xisbigu ku leeyahay degmooyinka caasimadda Hargeysa ka kooban tahay waa mid aannu hawlaha xisbiga ku dardargelinaynay, isla markaana kor ugu qaadaynay wada-shaqaynta garabka dhallinyarada iyo masuuliyiinta xisbiga u qaabilsan degmooyinkaas, waana tallaabo dhinaca horumarka loo qaaday oo wax weyn ka tari doonta arrimaha xisbiga dhallinyaradana u noqonaysa is dhexgal iyo isu soo dhawaansho,” ayuu yidhi Guddoomiye Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso