Sheeko Faneed Saddex Nafood ee Ibrahim Hawd waa mid sun butaacaysa ,ceebayn xeel dheer na xambaarsan . Qalinkii Sadaam Kaabash

Sheeko faneeda saddex nafood ee Ibrahim hawd waa mid sun butaacaysa,ceebayn xeel dheerna xambaarsan.W/Q:sadam osman kaabash.

Waa qoraal summaysan,qalbi suuban iyo qof fayaw toona ka soo burqan,wuxuu ugu magacdaray saddex nafood.Ugu horrayn qoraalku wuxuu ku saabsanyahay sharaf-ridid,karaama ka qaadid,suuqa ka xumayn biri magaydada islaamka,uguna horeeyaan kitaabka Quranka,wadaada iyo hablaheena sharfani.waxuu karaamada kaga raray bannaystayna in hablaheenu wax kasta gayaan macal in marwalba laga zinaysan karo iyagoo macal marwooyin ah oo laqabo,wax diidayaana aanay jirin;subxanallah ileen wuxu waa jaahil nacdali kortay.waxa kale oo uu karaamada ka raray meel xunna ku sheegay Quraanka karemka oo uu ku jeesjeesay,tuducan oo qoraalka ku jiray baana muujinaaya.
” Waxaad kale oo hubtaa kitaabbadii oo rixli wada saarraa in aad harraati ku kambashay. Waxaad kale oo hubtaa tusbixii oo jilibka kaa muday in aad meel fog ku maguujisay. Waxaad kale oo hubtaa saacaddan in aadan kitaab, tusbax, denbi iyo diin toona dan ka lahayn. Waxaadse kale oo hubtaa in uu qubays kugu waajibay”

Wuxuu sheekadan ka sameeyey laba qof oo uu fadeexadeeyey diintoodana sabab uga dhigay inay sinaystaan.laa ilaaha wuxu maanu alle ka cabsanayn,maya hala yaabin illen gaal manhajkiibuu faafinayaaye.

Qofkasta oo akhriya sheekadan oo maan fayoobina,wuxuu ka yaq-yaqsoonayaa kana xummaanayaa siduu u dhigay hab qoraalka u jeedkiisuna ahaa,sharaf-riddid iyo karaama xummayn ku waa jahan dhamman wixii islam sheegtay ama xidhiidh laleh.

Biomedical scientist.
University of hargeisa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso