shuruucda iyo qawaaninta fayadhowrka dalka u dajisan waa in aan lagu xadgudbin oo shaqadii fayadhowrka aan loo adeegsan cashuur ururin iyo shaqaala jomitaro iyo cashuur qaade

Fayadhowrku waa aqoon caafimaad oo leh takhsus gaar ah oo u adeegaya fayadhowrka bulshada inagu xeeran jomitar cashuur qaade ma noqon karo fayadhowr moyarka caasimada hargeisa oo jabiyey qawaninta sharciga fayadhowrka caalamiga lacag badan oo dakhli oo la raadiya waxa magic sumcad kuu ah adigoo kor u qaada heerka nadaafadeed ee hudheelada cuntada oo hada aad u liidata waa in la baadha fayaqabka shaqaalaha hudheelada cuntada badhitaan caafimaad si looga hor tago sida cudarada joonis cadka iyo qaaxada oo ah meelaha ay ka faafi karaan Qaabka shaqo ee fayadhowrahu u eegi karo ama u baadhi karo goobaha ganacsi iyo badeecadaha iibka u yaala la socodka taarikhdooda isticmaal

Inkastoo dalkeena ay wax kasta uga yimaadan dibadaha hadana waqtiyada ganacsiga dibada lagu gudo jiro ma ilaalino badeecada iyo goobta keydinta fayadhowrkeeda waxa dhacdo in ganacsadahu isago aan eegayn caafimadka bulshadiisa iyo fayadhowrka badeecadisa ganacsi in uu sharaab food stuf dawooyin uu ku keeno ama ku soo rido contener aan qaboojiye lahayn

Sidoo kale waxa dhacda in badeecadaha ganacsi sababo sifo maamul cashuur dawladeed ah ay mudo yaalan dakadaha dalalka

Markaa waxa isbadal fayadhowr ku iman karaa badeecadaha sida dhadhan badal kaga yimid kulka fooc ku yimid ama daxal weelka badeecada sida daasadaha isla markaa astaamaha ama aad ku aragto calaamadaha badeecadaha nooc kasta oo ay ahaadan lama iibin

Karo sifo maamul awood fayadhowr fayadhowrahu waa in uu ku labisnaada dirayska shaqaalaha dawliga ee fayadhowrka sido kale waa in uu sita warqada aqoonsiga ee shaqaalanimada fayadhowr marka uu soo galo goobta ganacsi si uu u eego badeecadaha iyo tayadooda waxtar waa in uu u sheega masuulka ganacsadaha goobta howsha uu u socdaa waxa kale oo loo baahanyahay in warqad qoraal ah oo ka socota moyarka caasimada in ay gali karaan goobta ganacsi waa in ay haystaan shaqaalaha fayadhowrka dawliga ahi

Fayadhowrahu waxa uu guda galaya howshiisa shaqo isagoo eegaya taariikhda badeecada goobta iyo muqaalka badeecadaha sida daasadaha in ay daxalaysteen in ay fooc ku yimid taaso sababi karta in dhadhanka badeecadaasi is badalay arimaha noocas iyo waxa keeni kara waxaynu kaga soo hadalay kor

Waxa kale oo muhiim ah in aynu ka hadalo qaabka shaqo ee loola socon karo rashinada iyo isbadalkooda fayadhowr

Rashinka sida bariiska iyo baastada iyo daqiiqda waxa loo baahan yahay in goobta lagu kaydinayo ay ahaato goob waafaqsan sharciga fayadhowrka iyo qawaanintiisa sida in goobta keydintu ay ahaato goob hawada u furan oo ka xafidan cayayaanka sida baranbarada jiirka etc

Waxa loo baahan yahay in fayadhowru uu eega rashinada midabkooda muqaal sida in ur rashinku leeyahay ama daaniye ku dhashay taarikhda isticmaal ee logu talo galay rashinka marka la tixraaco taarikhda soo bixida

Inta badan rashinada isticmaalkoda waxa lagu up date gareeyey mudo hal sano in la isticmaali karo

Waxa loo baahan yahay in astaamaha kor ku xusan oo dhan hadii fayadhowrka goobtu uu la kulmo waa in uu qaado talabo joojin in la iibiyo badeecadahas awooda shaqo ee fayadhowrka

Np rashinada ganacsadahu kama badali karo galka lagu soo dhoofiyey ee warshadu ay ku soo saartay waa dambi mana haboona in ganacsatadu ay isku daydo arimaha oo khilaafsan sharciga fayadhowrka dalka u yaal

Fariin caafimaad waxan halkan uga diraya shirkada daawada ee muumin had iyo goor sida ay u ilaa fayadhawrka ganacsigooda iyadoo ah shirkad had iyo goor dalka keenta badeecado tayo waxtar leh

Advertisement

Ku Xayeysiiso