Fariin Noocee Ah Ayuu Xambaarsanaa Showgii Lagu Sheegay Dharxayaysiinta ee Hargeisa?

Fariin Noocee ah Ayuu Xambaarsanaa

Showgii Lagu sheegay Dharxayaysiinta

Ee Hargeisa?

Hargeisa waxaa dhawaan lagu warhelay udiyaar garowga xaflad aan nooceeda hore loo arag. Xafladan oo sida lagu soo qoray Ticketka lagu soo galo lagu magacaabay ” Super Model Challenges” ayaa waxaa lagu qabtay Hallka Plaza ee Magaalada Hargeisa. 

Xafladdan oo dhalintii ka qayb galaysay ugu yeedhayeen ! Showgii Dharka, inkastoo da’yar aad u badani kasoo qaybgashay hadana qaarbadani may fahamsanayn xafladu Waxay daarantay, sida laysheegay waxaa Lagusoo galaayay xafladdan $4 Dollars oo runtii ah lacag badan waqtiga adag ee abaarta Marka loo eego.

Dadka ugu badan ee soo camiray Waxay ahaayeen dhalinyaro hablo u badan, waxa ugu wayn ee lagu soo bandhigay ee dadkii ticket  yada soo goostay laga iibinayay Waxay ahayd inay daawadaan dhalinyaro inamo ah oo qaarkood Dhar aan cawradooda sidii larabay u asturayn xidhnaayeen. Dhalinyarada la daawanayay qaabka ay usocdeen oo ahaa qaab is jajabina ama is yeeyeela oo dhaqan ahaan iyo diin ahaan midna waafaqsanayn halka qaar kalena ahaayeen qaawanaan hadana maryo sidata.

Qaabka ay timaha usoo jarteen badankoodu wuxuu ahaa qaab aad u qariban oo dhinac xiirasho iyo food aad u dheerna madaxa looga Tagay. Isku soo wada duuboo hablaha iyo inamo badan ayaa isugu yimi hallkan si ay udaawadaan dhaqan xumadan iyo qaabkan foolxumada Xambaarsanaa  ee hadana quruxda laga dhigaayay. 

Waxaa dadka loo sheegay inay yihiin dhalinyaro Dukaan Dharka iibiya xayaysiis u samaynaysa hadana goobta haba yaraatee wax dhara laguma kala iibsan! Hablo iyo inamo na waa laysugu xareeyay! Dharka meesha Lagusoo ban dhigay qaar kamida lagama Rabin in la iibiyee fariimo gaara ayay xambaarsanaayeen.

Hore waxaa qiyaastii Sanad kahor loo soo bandhigay Isla Hargeisa xaflad tan lamida oo hablo Dhar xayaysiinayeen sida igu maqaalo ah dumarka waqtigaas aad umay qaawanayn sababtuna Waxay ahayd bilow oo waxa laga cabsi qabay  (Reactions or Feedbacks) ka jawaabta xaga dadwaynaha kaga imanaya ama xaga xukuumada. Inkastoo ay habeenkaasba hablaha Dharka xayaysiiya layidhi oo kolba dhan usocda isna jajabiya sidii neef xoolo ah oo inta gabaaray cuntay muqloobay kadib socodkii ka xumaaday.

Waxaa ticket yada ugu badan soo goostay oo camiray xafladaas dhalinyaro inamo u badan si ay meel aad u dhow uga daawadaan xablaha Dharka ku dhagsan loo soo xidhay. Waxaa sidoo kale habeenkii inamada goobta buuxay gabdho yaryar oo daawanayay inamada dharku ku dhagsanyiihiin.

Hadaba inagoo kujiray waqti Abaaro baahsani dalka kajiraan oo ilaahay swt. dunuubteenii inagu ganaaxay halkii aynu ka toobad keeni lahayn ma macsidan iyo dhaqankan dibada la inooga keenay ee Engineerka styleka u qaabilsan dharkan uu yahay nin Cadaana oo yurub ka soo waariday dhaqankoodii oo waliba loo malaynayo inuu yahay Raga dumarka iska dhiga madaama shaqadan dadka noocaas ahi ubadan yihiin. Fariin ayuu sida showgani waxaa soo maalgaliyey dad shisheeye oo dano Gaara leh.

Uma muuqdo Dhar ganacsi laga rabo waayo way buuxaan dukaamo dharka ka ganacsada siday wax u iibayaana waynu naqaanaa, maanta dhaqankeenii ayaa lagu soo duulay dhalinaradeenii ayaa la inoo waydaartay oo la inagala hoosbaxayaa. Aaway sheekh Khaliif? Mayee gudidii wanaag faristu meeday xukuumadii dalka masuulka ka ahayd?.

Ugu danbayntii waxaan ugu Baaqayaa xukuumada Jamhuuriyadda Somaliland gaar ahaan wasaaradda diinta iyo awqaafta iyo culimada iyo dhamaan haayadaha sida tooska uqusayso arintani in sida ugu dhaqsaha badan loola xisaabtamo Isla markaana talaabo sharciga waafaqsan laga qaado cidkastoo fool xumadan  lug kuleh.

Allaah Mahadleh.

Abdiqani Salaf (Kaptanka)

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso