Xildhibaan U Adeega Degmadii Iyo Dadkii  Soo Doortay Oo Aan Dad Kala Sooca Dhaqan U Ahayn

U dhibirsanaanta iyo u naxariisashada dadka dhibani waa Astaamaha lagu garto qofka Islaamka ah ee qalbiga fiican,Diinteena suuban waxay ina fartay in inaynu dhibirsanaanta kaga dayano Nabigeenii Xabiibka ahaa SCW oo xadiis inoogu sheegay Inaynu ku dhaqano dhaqamadiisii ( Calaykum bisunatii wa sunatul khulafaa’u raashidiin), Haddiiba aad tagto oo hawli kaa gasho xarunta Dawlada Hoose ee Hargeisa waxaad barxada ugu tagaysaa subax kasta dad tuman oo dhamaantood hawl u socda, dadkaasi ninba xildhibaan ayuu sugayaa File uu sito u qaada oo soo wasteeya xildhibaan kastaana wuxuu ku hawlan yahay inuu u adeego hadba cida ay mag-wadaag yihiin ama dan gaari ka dhaxayso.

Ismaaciil Jaamac Xirsi ( Ismaaciil Cagayare) Waa Xildhibaan ka tirsan Golaha deegaanka Hargeisa, waa Xildhibaan Da’a yar oo dadnimo wacan dadka inta baddan Dawlada Hoose ee Hargeisa hawli ka soo gasho si ka baxsan Aqoon Qabiilnimo, mid qoysnimo iyo mid qof uu garanaayo ugu qadarinayn ayuu ugu adeegaa, Ab iyo Isirtoona ma eego ee dar Alle ayuu kuugu gargaarayaa, xaasha Qarash kuma xidho taas bedelkeeda isagaa ka bixiya cida aan cashuur haysanin, haddiiba ay dadku ku arkaan Isagoo soo galay Xarunta Guud ee Dawlada Hoose dhamaan waa lagu xoomaa oo ninba hawshiisa iyo dhibta haysata u sheegaa isna saacadaas ayuu ka hawl galaa oo garaaca albaab walba oo  ay la gasho kama daalo oo kama caajiso u adeegida dadkaa aanu aqoonta u lahayn noocay doontaba ha ahaatee Saaka oo ugu danbaysay waxa uu ii sheegay qof Xarunta Dawlada hoose ku sugnaa inuu Xildhibaanku la kulmay Hooyo curyaan ah oo aan kaabada xafiiska Maayirka kori karin halkay joogtay ayuu Maayir laftiisii ugu keenay oo hawshii hooyadaa loogu dhamaayey, amakaak ayaad qaadaysaa markaad aragto dad aanay sinaba xidhiidh u lahayn oo haddana u ducaynaaya Arin uu u dhameeyey darted, qaar kale ayaad arkaysaa oo ku odhanaaya isagaa lacag na dhinayd ku daray hawl aan meesha ka lahaa, ilaa uu gaadhay heer Dawlada Hoose looga yaqaan U DANEEHAYA DADKA DULMAN.

Hadday Geeriyi dhacdo iyo Hadduu guur yimaadaba si hagar la’aan  ah ayuu gacan uga gaystaa oo wuxuu hayo ugu huraa xataa xildhibaanimada horteedba caan ayuu ku ahaa gacan qabashada dhalinyarada oo boqolaal ka badan guryaha anigu garanaayo ee uu dhisidooda qaybta ugu wayn ku lahaa ee maanta curadadu dhex joogaan, wali lama sheegin cid xildhibaanka hawl ula tagtay oo ku soo hungawday arkina maysid cid ka mano sheegata mooyaane cid giriifta waligii.

Runtii Xildhaabaan Ismaacil anigu Aqoon gaara uma lihi walina hawli igamay galin oo mabaanu kulmin laakin dhagahayga ayuu ka batay oo intaa waxaan arkaa dad u ducaynaaya iyo qaar ka mano sheeganaayaba, markaa waxay ila noqotay inaan erayo dhiiri galin ah ana ku darsado  udaneeyahaa dadkiisa u adeegaaya Alle waxaynu uga beryeynaa inuu miisaanka xasanaadka ugu daro arimahaa naf hurnimada leh ee uu hadh iyo habeenba ku hawlan yahay waayo boqolaal la soo doortay ayaa doorkii laga sugaayey kaga mashquulay dan gaara iyo duunyo tabco isaguse gabi ahaan waa ka dabci iyo dabeecadba duwan yahay kuwaas waana sababta aan maanta qoraalka u sameeyey..

Qalinkii; Maxamuud Axmed Xirsi

Email: Mfigo04@gmail.com

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso