Badhasaabka Xilkiisu Banaan Yahay

Badhasaabka Xilkiisu Banaanyahay…Qor: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

 

Bismilaahi Raxmaani Raxiim

Alle weyne koreeye waxaan ka baryayaa inuu inoo barwaaqeeyo geyigeena abaartana uu inaga kor qaado curashada gugana inoo balaadhsho geyigana inoo gaadhsiiyo Allow noo naxariiso Aamiin.

Tan iyo markii dawlada siilaanyo dhalatay gobolka togdheer wuxuu guulaystay muddo aad u kooban oo ah sanad iyo bilo , wakhtigaa oo ahaa markii ay badhasaabo ka ahaayeen abdoo aayir iyo maxamed qabyotire iyada oo labadoodaba la bedelay markii ay dhabada horumarka uun jeexeen balse mid kasta kama dambayn cid nooli ee dambas uun baa ka dambaynaayay meeshana siigo ku liqaayay sababtana waxaa markasta lahaa cidii soo magacawday oo ujeedkaa watay uun.

Haddaba muddanta qarankeena magaalo qiimeedka burco wakhtigan waxay ku sugan tahay heerkii badhasaab xumo ee ay abid soo marto iyada oo la odhan karro wuu banaanyahay xilka badhasaab ee gobolkaasi.

Marka loo eego degenaan la’aanta hawlaha gobolka amaan darrada gurmada darrada abaaraha iyo kuwa kaleba waa xalad loo nisbayn karro jiritaan la’aan ah inaanu jirrin badhasaab leh heer damqasho ku waa jahan gobolkaas amaba laodhan karro dheeshu waxay kala dhaxaysaa quraarada iyo jidka hargeisa loo marro balse aanu fiirsi kale jirrin.

Markastaba gobolkan waxaa dib u dhiga kooxda maamulkiisa balse hadda waa halkii ugu xumayd , bulshada reer burcana waa gob iyagoo gaajaysanbay cadawgeeda dhergiyaan  mana soo eryaan mid marti ku ah oo ma caydhiyaan sida goboladii horre looga soo caydhin jirray ama looga soo dacwoon jirray , balse hadda maaha wakhtigii gobonimada la xeerin lahaa hadii aad aragto iyada oo baaba loo dhawyahay waxaa muddan in laga hortagaa waana u dhaliil marna inaanay dadka u hormuudka ah bulshadu sida ganacsatada , aqoonyahanka , shuyuukhda iyo ururaduba aanay ka dhawaaqin arinka xilka banaan.

 

Ugu dambayn waxaan ku talin lahaa in xilkaa la buuxiyo sifo kasta oo loo buuxin karro loona hanan karrana lagaadho ama la sameeyo silo badbaadiyo muddanta sharafta leh ee qarranka.

………Wabilaahi Tawfiiq……

 

 

 

W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

 

Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan

Abwaan Dareen Cabirre Ah

Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha

Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan 

Kafaalooda Arimaha bulshada 

siyaasada Somalida Iyo Caalamka

Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah

Dhexdhexaad Xeer-beegti ah

Xil Guudna Sidda.

 

Email: Ismail1234921@gmail.com

Mob: +25263 409 48 55

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso