miimlaydu yay noqon hamse riraash

miimlaydan la majaro habaabiyaan ka yaabay iyo sida wadadeedii looga weeciyay oo qaari ay dhex mushaaxeen anaguna sidan ka idhi akhris wacan

miimlaydu yay noqon
maqal lagula leeyahay
yaan toban mabda iyo
lagu mirrin waxaan jirin
yaan mallo awaal iyo
meel cidlah lala tagin
yaan maansada la digo rogin
laga weecin muunadiyo
macnahahay u taallay
qaarbaa mushaaxoo
dhex dabaaashay mantoo
subcis miidhan ka dhigee

maxaan uGu jawaabnaa,
abwaankii maareeyoo
sida wacan u maamulaa
mihnadeeda dhowree
mahadhooyin reebee
miimlayda sii wadda,

majaraha usii haya

marnaba hasii dayn

hamse riraash

Advertisement

Ku Xayeysiiso