Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo kala garan waayay Federal ku sheegga Somaliya iyo Jamhuuriyada Somaliland…Q.2aad.

Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo kala garan waayay Federal ku sheegga Somaliya iyo Jamhuuriyada Somaliland…Q.2aad.

 

Afeef:

Qof gaar ah ulama jeedo,qofna kuma xumaynayo,waana aragtidayda gaarka ah ee aan u arko qalooca ku jira siyaasada ay ayaamahan danbe masuuliyiinta Waddani si qaawan ugu dhaqmayaan,waana taxane soo bixi doona salaasa kasta hadii Eebe idmo.

 

Muwaadin kasta oo raba inuu dalka hogaamiyo waxa xaaraan ah inuu ka gudbo:

1.Dastuurka iyo shuruucda dalku leeyahay ee ummadu ku heshiisay.

2.Ku dhaqanka xeerka nidaamka ururada siyaasada iyo xisbiyada.

3.Madax-banaanida JSL,midnimada reer Somaliland.

4.Kala duwanaanshaha 2da dal ee JSL iyo federal ku sheegga

   Somaliya.

 

Dastuurka iyo xeerarku waa xadhigga isu haya ummada,waxaynu leenahay haykal dawladeed oo xisbi walba iyo muwaadin kasta qasab ku ah inuu hir-geliyo kuna dhaqmo.Waxa si gaar ah oo sharci ah xil uga saaranyahay masuuliyiinta hogaamisa hay’adaha dastuuriga ah(Fulinta,garsoorka iyo golayaasha sharci dejinta) inay ku hagaan dadka iyo dalkaba.Masuuliyiinta xisbiyada oo dastuuri ah waxa waajib ku ah ku dhaqanka dastuurka iyo xeerarka dalka u yaal gaar ahaan kuwa si gaar ah u khuseeya.

Hadaba waxaynu ognahay awooda 3aad ee dalku inuu ku fadhiyo Gudoomiyaha golaha wakiilada Dr.C/raxmaan M.C/llaahi.Waxa muuqata Dr.C/raxmaan inuu makhsin ku qufulay awoodaa oo uu xoogga saaray xisbiga Waddani ee uu ka yahay Musharaxa.Taasi waxay meesha ka saartay awoodii uu lahaa golaha wakiiladu,waana talaabada u horseeday falalka foosha xun ee ka dhaca golaha wakiilada.Dr.C/raxmaan waxa uu inkiray codkii 144ka xildhibaan ee 2da gole(Guurtida iyo wakiilada) ay ku ansaxiyiin codsigii madaxweyne Axmed M Siiraanyo golayaasha geeyay,kuna saabsanaa ogolaanshaha in heshiis saldhig ciidan lala galo uae,waxaanu ilaa hada ka dhigayaa waxba kama jiraan.

Muwaadin waxa aan u arkaa Dr.C/raxmaan markuu sidaa la soo taaganyahay macnahu inuu yahay 2da gole ma jiraan mar haduu inkiray isagoo ah Gudoomiyaha G/wakiilada oo 144kaa xildhibaan ku fadhiyaan codka shacabka,kuna ansaxiyay ayagoo ka wakiila shacabka.Taasi waxay inoo caddaynaysaa Gudoomiyaha G/wakiiladu inuu jebiyay dastuurka qodobkiisa38aad,frq.6aad(b,t,r):

 

QODOBKA 38AAD

BAARLAMAANKA IYO

FADHIYADA WADA JIRKA AH

6.Labada Gole ee Baarlamaanku fadhiyo wadajir ah ayey ka yeelanayaan arrimaha ay ka mid yihiin:

b- Dhegeysiga Warbixinta Madaxweynuhu ka jeediyo furitaanka labada Gole,

t- Marka laga doodayo ku biiridda Jamhuuriyadda Somaliland urur ama huwan gobolleed ama caalami ah ama ansixinta heshiisyada leh dabeecad gobolleed ama caalami.

r-  Arrimaha kale ee 2da Gole la habboonaata inay fadhi wada-jir ah ka yeeshaan.

Xarafka-t waxa ku cad ansixinta heshiisyada leh dabeecad gobolleed ama caalami.

Sidoo kale xarafka-r waxa ku cad 2da gole inay fadhi wada jir ah ka yeeshaan arrimaha kale,taas oo macnaheedu tahay marka loo baahdo.

Hadaba Gud.G/wakiiladu isagoo sidaa og ayaa waxa la fogaatay mucaaridada xisbiga Waddani.Taas ayaa ku beertay aragti xad gudub ku ah xilkii uu qaranka u hayo.

Dr.C/raxmaan oo ah Musharaxa iyo Gudoomiyaha xisbiga Waddani xadgudub-yada kale ee ku lidka ah xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasada qodobka 5aad,frq.6aad:

Qodobka 5aad: Xisbiyadda Qaran:

6.Xisbi/urur kasta waa in xeerarkiisu waafaqsan yahay Dastuurka iyo Xeerarka dalka JSL.

Muwaadin waxaynu ognahay 3da xisbi qaran inay xil sharci ka saaranyahay inay fuliyaan kuna dhaqmaan dastuurka iyo xeerarka dalka sidaa darteed dhismaha xisbiyadu waxay ku salaysanyahiin habka hogaanka sare ee dalka aynu u samaysanay oo ah habka madaxweyne iyo kuxigeen. Hadaba Gudoomiyaha ahna musharaxa xisbiga Waddani waxa uu jeebka ku ritay qodobka kor ku xusan,waxaanu curiyay hab siyaasadeed aanu dalkani ku dhaqmin,waxaana laga suurta geliyay xisbiga Waddani inuu yeesho hogaamiye(Prime minister).

Masuuliyiinta xisbiga Waddani kumay ekaan intaasi ee waxay dhowaan qaadeen talaabooyin ka tarjumaya…..

La Soco hadii Eebe idmo….

Xuseen Xasan Badmaax

Hargeysa/JSL

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso