Gudaha ka akhri: Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday tallaabo lagu mamnuucayo in diyaaradaha lala raaaco qalabka elektorooniga ah.

Dowladda Britain ayaa ku dhawaaqday tallaabo lagu mamnuucayo in diyaaradaha lala raaaco qalabka elektorooniga ah.

Diyaaradaha tallaabadaasi ay saameyneyso waa kuwa dullimaadyada tooska ah ku taga UK ee ka baxaya dalal Muslim ah ay kamid yihiin dalalka Turkigaa, Lubnaan, Urdun, Masar, Tunisiyaa iyo Sucuudiga.

Waxaa diyaaradaha dalalkaasi ka baxa ee aada UK laga mamnuucay in lala raaco, Laptop-yada, Tablet-ka, iyo qalalka kale ee waaweyn.

Sidoo kale tallaabada waxay saameyneysaa rakaabka sita qalabkaa game-ka lagu ciyaaro.

Maamulka Britain aayaa sheegay in arrinta ay kala tashadeen laanta amniga hawada ayna “muhiim iyo laga maarmaan tahay”.

Mareykanka ayaa tallaabo noocaas ah qaaday, diiwaankiisana waxaa ku jiro sideed dal.

Saraakiisha UN waxay sheegayaan in qalabkaasi lagu qarin karo bam iyo waxyaabo kale oo halis ah.

Dhammaaan qalabka ay xayiraadda saameyneyso waxaa lagu xirayaa boorso, waxaana la saarayaa qeybta xamuulka ee diyaaradda.

Uk waxay sheegtay in meelmarinta tallaabada ay ku xiran tahay diyaaradaha, sidoo kalena rakaabka ay la xiriiraan diyaaradooda si ay faafaahin dheeraad ah u helaan.

Xigasho BBC

Advertisement

Ku Xayeysiiso