Barro Geedka Gobka…Qor: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

Barro Geedka GobkaQor: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

 

 

Ugu Horayn macnaha (GOB) wuxuu noqonayaa tusaale sida qof marka dadka inta kale oo dhami xumaato isagu ka hadha dadka kana baydha oo noqda kii ugu wanaagsanaa sidaas ayaa gobonimo layidhaahdaa gobkuna uu noqonayaa halka laga keenay gobonimo ama magaca gob sida hebel waa gob oo kale.

Geedka gobku waa geedka marka dhirta inta kale oo dhan aanay waxba bixin ee laga waayo wax soosaarkii lagu yiqiin ama ay dhacdo abaar darran oo dhulka xaalufisa amaba wakhtiga loo yaqaan roob la’aanta ayuu geedkani soo saaraa midhaha looyaqaan hoobaanta oo bisil dhulkana soo dhigaa midhahaasi aadka umacaan sidaa darteed ayaa loogu bixiyay magaca gob waana halka uukayimi hab adeegsiga kelmeda gob.

Geedkan gobku wuxuu cadayn ama tilmaan buuxda uyahay meelkasta oo biyo leh waana sabata uu keliya uga baxo meelaha biyuhu ka dhawyihiin.

Qaab ahaan geedka gobku wuxuu ubaxaa si cufan oo ku wanaagsan in la hadhsado waxaanu noqdaa damal hadhweyne ah oo kor ka cufan caleemaha iyo laamuhuna ay isxidhaan oo jirid balaadhan leh badanaa kuna fudud koriimada , waxakale oo uu ka koobanyahay laamo cufnaan iyo dherer leh ayna ku taal qodax gaab aan dherer lahayn balse la bahwadaag ah nooca looyaqaan sogsogta.

Faaidooyinka geedka gobku aad bay u tirro badanyihiin lamina koobi karro hadii ay noqoto manaafacaad iyo manfac guud oo kale balse aan dhawr faaido oo geedkan leeyahay oo yar qaadano.

1.     Geedka gobku wuxuu caanku yahay midho aad umacaan oo yaraanimo ilaa weynaan lagu quuto.

2.     Geedka gobku wuxuu leeyahay waxa looyaqaano QASILKA (DIIBKA) oo dumarku isticmaalaan layskuna nadiifiyo  amaba meydka lagu maydho waxaana laga sameeyaa caleentiisa oo la qalajiyo lana tumo.

3.     Geedka gobku waxaa kamida faaidooyinkiisa meydka hadhkiisa la dhigaa ma qudhmo waana sababta loogu maydho qasilkiisa  meydka.

4.     Geedka gobka udubka laga gooyo  wax xar ahi magalo .

 

F.G: Geedkani waxa uu ku jirraa Asaliyan dhaqan soomaalida dhirta looyaqaan lama garaacaan ama lama gooyaanka waa halka abwaankii soomaliyeed kalahaa ( Dhirta Geed Balko Ah baa Jiriyo Lama Garaacaan ,Dadkana Birma Geydaa Jirtiyo Lama Gu-haadshaan ).

                         ………Wabilaahi Tawfiiq……

 

 

W/Q: Haldoor Ismail Mohed Aden-Dhicir

Aqoonyahan Shahadoyin Kala Duwan

Abwaan Dareen Cabirre Ah

Qoraa aragtiyo cilmiyaysan iyo kuwo dadweynaha

Fogaal Araga fikirka xorta ah ee Madaxbanaan 

Kafaalooda Arimaha bulshada 

siyaasada Somalida Iyo Caalamka

Dhiiri Geliye Ma Hagrade Ah

Dhexdhexaad Xeer-beegti ah

Xil Guudna Sidda.

 

Email: Ismail1234921@gmail.com

Mob: +25263 409 48 55

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso